Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, January 6, 2016

WAA YAABEE YAA LAGU HALEYN


Waxaa dhawaanahaan soo if baxayaay cabashada ka imaaneeysa qashin si aan kala sooc laheyn loogu daadinaayo nawaaxiga badda ku teetsan magaalada Muqdisho, kaasoo saameeyntiisa si weyn loo dareemaay.
Kaluumeeysatada sida tooska ah ay noloshoodu ugu xiran tahay badda ayaa ka muujiyay dareen qiiro leh, waxaa ayna ku tilmaameen xaaladaan in ay tahay musiibo la iska indha tiraayo.
Wali ma jirto cid si toos ah uga hadashay xaaladaan, dhowr jeer ayaan isku daynay in aan kala hadalno maamulka degmada Wadajir oo uu hoos yimaado deegaanka ay dhibaatadu ka jirto laakiin nooma aysan suurto galin..
Waxaa sababay gawaaarida qashinka daabula ee ka howl gala magaalada Muqdisho, ku waasoo aan xil iska saareyn natiijada ka imaan karta falkan ay sameeynayaan.
Xarunta Dhaq-dhaqaaqa Badbaadada Xeebaha Soomaaliya, waxaa ay ku wargalineysaa  dadka u dalxiis taga inta u dhaxeysa airporka Muqdisho illaa Warshadii hore ee Safeynta Batroolka, in ay ka feejignaadaan geynta caruurta yar yar, nawaaxigaas aan kor ku xusnay.
Waxaan si naxariis leh uga codsaneynaa maamullada ay quseyso arintaan in ay u istaagaan wax ka qabashada qatartan weyn ee saameeysay dad iyo duunyaba.





2 comments:

  1. Wax walba wadankaan waa lagu ciyaaray dadkii dalka lahaa ayaaba horseed ka ah baaba deegaanka cidna uma maqna ceelna uma qodna laakiin allaah ayaa la xisaabtamaaya kuwa dhibaatada ku haya dalka inshaa allaah

    ReplyDelete
  2. Allaha soo hanuuniyo ganransiiyana dantooda.. aamiin

    ReplyDelete