Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, January 12, 2016

MAXAA SOOMAALIDA U DIIDAY KU SAFRIDA BADDA?


Waxaa laga yaabaa in aad mudo dheer su aashaas is weydiineeysay sideydoo kale!

Waxaan  u kuurgalay  qaababak loogu safro wadanka gudihiisa, waxaan ka dhex arki waayay cid ku safreysa ama sheegeeysa wax ku saabsan Badda.

Maalin kastaa waxaa la isaga safraa Tusaale

1)      Xamar iyo Kismaayo

2)       Boosaaso iyo Berbera

3)      Marka iyo Baraawe

Iyo meelo kaloo badan waayo safaradaas waxaa ay ka mid yihiin nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed hadana ma jirto cid u isticmaaleeysa badda marin ahaan.

Hadaba maxaa sababay Soomaaliya oo ah wadanka ugu Xeebta dheer qaarada Afrika in aysan dadkeedu aqoon muuqata u laheyn ka manaafacaadsiga Badda iyo kheyraadka dhex ceegaagaba?

Aqristoow ma la is oran karaa dadka iyo dalka waa  kala jaad?

Su’aalahaas iyo kuwa kaloo badan waxaa ay ahaayeen waxa maskaxdeyda ka guuxaayay mudo dheer oo aan raadinaayay cid aan la wadaago si aan u haleelo meesha ay sartu iska qaban la’dahay.
Waa wax soo jireen ah xitaa xiliyadii aan dowlada xooga leh aheyn ma jirin hab joogta ah oo dhankaas ah, mana jirin xiligas cid ku fikirtay in ay kaalin muhiim ah oo in dadka lagu jiheeyo mudan tahay.

Bur burkii ka dib waxaan is leeyahay Soomali badani waa ay ku soo baraarugeen maqnaashaha booskaas maadama ay qaar kood ku qasbanaadeen in ay si joogta ah ugu socdaalaan badda dusheeda wadamadii ay u carareen.

Waxaan ku baraarujin lahaa ganacsatada hormuudka u ah bulshada in ay ka fikiraan sidii loo buuxin lahaa booskaas banana ee dhan walbaaba muhiimka u ah.

 


No comments:

Post a Comment