Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, January 13, 2016

Kaluunka oo laga Hello Shan Faa’ido oo Muhiim ah



 



















Kaluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxey aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jirku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kaluunka.

Kaluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsanyahay dadka dagaalka kula jira cayilka, wuxuuna u wanaagsanyahay wadnaha iyo xididada.

Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanyahay shaqada jirka guud ahaaneed iyo dhismaha murqaha iyo hagaajinta shaqadooda.

Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macaadin muhiim u ah shaqada jirka.

Wuxuu kahortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kalaba waxey nagu dhiiragalinayaan cunida Kaluunka ugu yaraan isbuuciiba hal mar.

Xigasho. www.buushaale.com

No comments:

Post a Comment