Our Visitors

Flag Counter

Thursday, January 14, 2016

Bad (Sea)
























Waa biyo dhanaan oo baaxaddoodu ka yar tahay tan badweynta. Aalaa waxaa badda laga helaa daafaha badweynnada, waxaana hareereeya dhulal qallalan.

 Waa badan yihiin baduhu waxaase noogu dhow Badda Carabta (Arabian Sea), Badda Cas (Red Sea) iyo Badda Dhexe (Mediterranean Sea).

 Dad badan baa u qaba in Soomaaliya seere la leedahay Badda Cas, laakiin la ma laha, waayo Badda Cas waxay ka bilaabataa Marinka Mandab ee seeraha la leh Erateriya iyo Yeman. 

Biyaha dhanaan ee Soomaaliya inta badan waa Badweynta Hindiga, inta kalana waa Gacanka Cadmeed oo waa hore la oran jiray Gacanka Barbar.

Qore: Abdi J Aw-Aden

No comments:

Post a Comment