Our Visitors

Flag Counter

Saturday, January 31, 2026

Shirarka looga hadlo isbadalka Cimilada aduunka iyo Saameeynta ay bad iyo Beriba ku leedahay

 Waxaan badanaa maqalnaa Shirar caalami ah kuwaasoo looga hadlo laguna gorfeeyo saameeynta isbadalka cimilada aduunka ay ku leedahay wadamada soo koraayo oo uu wadankeenu ku jiro, waxaana shirarkaas nagu matala wafuud ka socota Dalkeena kuwaasoo ka yimid wasaaradaha iyo hey'adaha dowlada.

Su aasha isweeydiinta mudani waxaa ay tahay, qaab noocee ah ayeey noola wadaagaan firiinta ay halkaas kala soo laabtaan, Maxeeyna halkaas ku soo bandhigaan oo ay dhibka iyo saameeynta isbadalka cimilada wadanka ugeeysatay iyo meelaha ay taabtay kaga xusaan?

Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay aad u dhiiri galineysaa bogaadineeysaana dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku bixineeyso in wadankeenu uu ka dhex muuqdo bulsho weynta caalamka lana wadaago dhibta dadkeena iyo dalkeena ka heysta isbadalka cimilada aduunka wax badana lagaga soo faa'ido sidii aan arintaas ugubka nagu ah u la tacaali laheyn xal sal lehna ugu heli laheyn.

Sidoo kale Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay soo jeedineeysaa in la sameeyo barnaamisho joogta ah oo lagugu wacyi galinaayo bulashada garaadkooda iyo fahamkooda ku aadan isbadalka cimiladana lagu kobcinaayo si ay ugu istaagaan wax ka qabashadeeda iyo ka hortageedaba.


W/Q: Mohame Adam Ishak