Our Visitors

Flag Counter

Monday, March 30, 2026

Maxaa aad u yareeyay Malaay Kiinkoow

 Malaay Kiinkoow waa nooc ka mid ah kaluunka uu Aabe weyne ku abuuray badeena weyn waxaa uuna mar ahaa malaay si fudud loo soo daban karo iyadoo aan xirfad badan la adeegsaneyn.












Dadka qaar waxaa ay isaga deyn jireen qoloftiisa adag darteed sababtoo ah marka la soo qabanaayo iyo mar ka la habeeynaayo labadaba wey adkeed laakiin waxaa uu leeyahay hilib aad u macaan oo ah waliba nooca cad.

Dadka qaar waxaa ay xilibkiisa ku matalaan in uu aad ugu dhaw yahay midka digaaga ama doorada.










Laakiin waxaa layaabka leh waxaa ay tahay in uu maqaadiirta alle, uu leeyahay af iyo ilko kuwa bini aadamka shabaha ama u eg sida Dibnaha/Faruurihiisa.

Aniga Mohamed ah waxaan ka mid ahaa dadka sida aadka ah u jecel soo dabashadiisa iyo cunidiisaba. 


Waxaan xasuustaa hooyadeey Cimri Dheer iyo Cibaado Suuban Allaha Siiyee in ay si cajiib ah noogu shiili jirtay taasoo aan maalmo isticmaali jiray aniga iyo asxaabteydaba.

Laakiin nasiib daro waxaa halmar lagu soo toosay xeebtii oo wada Malaay KiinKoo dhintay ah oo meel laga istaago laheyn.

Sidaas waxaa ay socotay mudo isbuuc ilaa tobon maalmood ah taasoo ugu dambeeyn sababtay in uu ka nabaad guuro goobihii aan gacanta ugala soo bixi jirnay.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, February 28, 2026

Yaa ka dambeeya qashinka iyo haamaha sunta ama kiimada ku jirto ee badeena lagu soo daadiyo

 Wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991'dii waxaa caadi iska noqday in marba gobol, magaalo iyo tuulaba lagu arko haan qamaamudan oo aan la ogeyn waxa ku jira, kuwaasoo ay dadbadani ku kadsoomeen xiliyadii ay cusbaayeen dhibaato nafeed mid maal iyo mid deegaana laga dhaxlay.

Hadaba yaa ka dambeeya dhibaatadaas lagu hayo dalkeena iyo badeena?

Sida lawada ogyahay waxaa jiray horaantii 90'kii in dad ajaanib ah iyo kuwo sheeganaayay hogaamiye kooxeedyo ay ku heshiiyeen in Soomaaliya loo isticmaalo meel lagu aaso haraaga warshada kiimikooyinka ee qaarada Yurub, kuwaasoo inta la ogyahay meelo ay ka mid tahay Xaafuun Ceel Dheer iyo agagaarka Kismaayo lagu aasay Kunteenaro lagu soo daabulay kiimikooyin aad halis u ah sida laaminsan yahayna sababay cuduro aan horey dalka looga aqoon.

Waxaa loo xiray ama loo maxkamadeeyay arintaas ma aanan maqal marka laga reebo in loo dilay gabar wariye Talyaani ah oo baareeysay arintaas iyo cida ku lugta leh.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, January 31, 2026

Shirarka looga hadlo isbadalka Cimilada aduunka iyo Saameeynta ay bad iyo Beriba ku leedahay

 Waxaan badanaa maqalnaa Shirar caalami ah kuwaasoo looga hadlo laguna gorfeeyo saameeynta isbadalka cimilada aduunka ay ku leedahay wadamada soo koraayo oo uu wadankeenu ku jiro, waxaana shirarkaas nagu matala wafuud ka socota Dalkeena kuwaasoo ka yimid wasaaradaha iyo hey'adaha dowlada.

Su aasha isweeydiinta mudani waxaa ay tahay, qaab noocee ah ayeey noola wadaagaan firiinta ay halkaas kala soo laabtaan, Maxeeyna halkaas ku soo bandhigaan oo ay dhibka iyo saameeynta isbadalka cimilada wadanka ugeeysatay iyo meelaha ay taabtay kaga xusaan?

Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay aad u dhiiri galineysaa bogaadineeysaana dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku bixineeyso in wadankeenu uu ka dhex muuqdo bulsho weynta caalamka lana wadaago dhibta dadkeena iyo dalkeena ka heysta isbadalka cimilada aduunka wax badana lagaga soo faa'ido sidii aan arintaas ugubka nagu ah u la tacaali laheyn xal sal lehna ugu heli laheyn.

Sidoo kale Ocean Care Movement Center Somalia waxaa ay soo jeedineeysaa in la sameeyo barnaamisho joogta ah oo lagugu wacyi galinaayo bulashada garaadkooda iyo fahamkooda ku aadan isbadalka cimiladana lagu kobcinaayo si ay ugu istaagaan wax ka qabashadeeda iyo ka hortageedaba.


W/Q: Mohame Adam Ishak

Wednesday, December 31, 2025

Ganacsiga kaluunka/malaayga ma tahay ganacsi la isku haleeyn karo

 Ganacsiga Malaayga/Kaluunka waxaa uu door weyn ku leeyahay noolasha kumanaan Soomaali ah ku waasoo si toos ah iyo si dadbanba ugu tiirsan daqliga laga helo kheyraadka bada.

Hadaba su aasha taagan waxaa ay tahay ma yahay ganacsi la isku haleeyn karo oo joogta ah?

Cilmi baaris kooban oo lagu sameeyay bulshada sida tooska ah ugu tiirsan ka ganacsiga malaayga/kaluunka waxaa lagu ogaaday in daqli sanadeedkoodu uu san ka soo wada xaroon ka ganacsiga malaayga/kaluunka oo ay jiraan xirfado kale oo ay ku kabaan noloshooda sida:

  1. Ka shaqeynta Dhismaha
  2. Xamaalka
  3. Dalaalnimada.
  4. Nadaafada iyo kuwo kale.
Maxaa sababay in aan si buuxda la iskugu haleeyn ka ganacsiga Malaayga/Kaluunka iyadoo Soomaaliya ay tahay wadanka koobaad ee ugu xeebta dheer Wadamada beri biyoodka ah ee qaarada Afrika?

Jawaabta su aashaas waxaan u daayay in ay ka fikiraan dadka Soomaaliyeed ee sida tooska ah ugu tiirsan Kheyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, November 30, 2025

Dib u eegis hadii uu jiro isbadal la taaban karo iyo in kale

 Waxaan si dhaw isha ugu soo heenay una kuur galeenay Malaayga nooca loo yaqaano Jeedarka/Tabadinka ama (Tuna)

Friday, October 31, 2025

Wali lama haayo isbadalkii la filaayay

 Wali waxaa aad u yar helidda malaayga noocii aad loo filaayay helidiisa xiligaan deerta ah kaa soo ah nooca loo yaqaan Jeedar/Tabadin ama (Tuna)

Tuesday, September 30, 2025

Dadaalka kaluumeeysatada dalka waa mid mudnaantiisa leh

 Intii ka dambeeysay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa dalka ku habsaday guud ahaan dib u dhac iyo kala daad dhamaan adeegyada guud ee laga heli jiray dowladii dhexe iyo Iskaashatooyinkii awooda u lahaa haqabtirka baahiya bulshada, dhinacyada beeraha iyo kaluumeeysigaba.

Laakiin waxaa si sharaf iyo mudnaan leh isku xilqaamay, haraagii ka haray shaqaalihii Iskaashatooyinkii hore iyo wasaaradihii dowladii dhexe, kuwaasoo dhexda u xirtay buuxinta kaalintaas ku soo banaanaatay bulshada in la buuxiyana ay tahay lagama maarmaan.

Waxaan xasuustaa kaluun fresh ah oo diyaar ku ah kawaanka malaayga ee xaafada aan ku dhashay ee Madiina gaar ahaan Degmada Wadajir.

Wax sahlan ma aheyn xiligaas in la helo kaluun ama malaay fresh xiliaag aroorta ah sababo amaan dartood waayo waxaa aad u badnaa dhaca iyo dilka maalaa yacniga ah ka dib markii qof walbaa uu helay qori si sahlan.

Run ahaantii dadaalka kaluumeeysatada dalka waxaa uu mudan yahay maamuus iyo qadarin.


W/Q: Mohamed Adam Ishak