Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, March 19, 2014

Kaluumeysatda Puntland Soomaaliya ayaa shaqo joojin sameeyay kadib...

Kaluumeysatada Puntland ayaa shaqo joojin sameeyay ka dib markii ay u taag waayeen maaraakiin shisheeye oo si sharci dara ah uga kaluumeeysanaaya xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Maraakiibtaas shiisheeyaha ah ayaa tacadi weyn ka wada xeebaha Soomaaliya iyadoo aysan jirin cid wax ka qabaneysa xaalufinta iyo wasaqeynta deegaanka ay ku yahaa maaraakiibtaas.

Arintaan oo soo jiidatay indhaha Soomaalida iyo caalamkaba ayaa ah arin saameeyn weyn leh
Kaluumeysatadan oo ah kuwo ay noloshoodu si toos ah ugu xiran tahay bada ayaa sheegaya in ay waayeen wado kale oo ay ku muujiyaan dareenkooda ku aadan arintaan.

Maraakiibtaan oo ah kuwo hubeysan ayaa waxaa ay jaraan shabaakta kaluumeysatda iyagoo xitaa labaxa wax kasta oo ay ugu imaadaan.

Iskama celin karno mana jirto cid naga celineysa maadama aan hub la qaadan karin cidii hub lagu qabtana loo aqoonsanaayo in ay burcad badeed tahay, waan sababta ugu weyn ee ay ku sii kordhinaayaan masaafada ay xaalufinta ka wadaan

Waxaan ka codsaneynaa hay'adaha gudaha iyo kuwa caalamkaba in ay wax ka qabtaan arintaan dharbaaxada weyn ku ah wax soosaarka kaluumeysatada Soomaalida ah.

Ha Lagu Boobo Ama Burcad Badeed Ayaad Tahay

No comments:

Post a Comment