Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, January 27, 2016

Xeebaheena sidan ma Istaahilaan?
























Aaway Shacabkii Soomaaliyeed?? Aaway Dowladii Hoose?? Sida idin kaga muuqata Sawiradan waa qeybo kamid ah Xeebta Bossaso oo laga dhigtey Qashin Qub. Bal eega Caruurteena meesha ey ku dabaalanayaan Iyo waxa ey soo dhex marayaan!! War sidan ma Ina qabataa??
Balanteenu waa in aynu ka dhidhinaa dayaca iyo duleeynta aan ku heyno deegaanka.
Xuquuqda Sawirka waa Bootaan
W/Q Sakariye Isticmaar, waxaa dib u qaabeeyay Maxamed Aadan.


Tuesday, January 26, 2016

Gacan (Gulf)


























Waa jeex biyo ah oo geesaha birri ka xigo. Aalaa gacanku wuxuu leeyahay marin ciriiriya oo birrigu isaga soo dhawaado. Labada dhul-biyood ee Soomaaliya mid baa ah gacan, waana Gacanka Cadmeed (Gacanka Barbar). Gacammada kale waxaa noogu dhow Gacanka Beershiya.

W/Q:  Abdi J Aw-Aden

Thursday, January 14, 2016

Khoori (Bay)

























Waa gacan-biyood aan weynayn oo birri ku qoolaaban yahay.
In kastoo Soomaaliya ay xeeb dheer leedahay, haddana khoorriyadu waa ku yar yihiin, waxaana ugu door roon Khooriga Xaafuun iyo Khooriga Buurgaabo, sida ka muuqata sawirada.

Qore: Qabiir sare Abdi J Aw-Aden

Bad (Sea)
























Waa biyo dhanaan oo baaxaddoodu ka yar tahay tan badweynta. Aalaa waxaa badda laga helaa daafaha badweynnada, waxaana hareereeya dhulal qallalan.

 Waa badan yihiin baduhu waxaase noogu dhow Badda Carabta (Arabian Sea), Badda Cas (Red Sea) iyo Badda Dhexe (Mediterranean Sea).

 Dad badan baa u qaba in Soomaaliya seere la leedahay Badda Cas, laakiin la ma laha, waayo Badda Cas waxay ka bilaabataa Marinka Mandab ee seeraha la leh Erateriya iyo Yeman. 

Biyaha dhanaan ee Soomaaliya inta badan waa Badweynta Hindiga, inta kalana waa Gacanka Cadmeed oo waa hore la oran jiray Gacanka Barbar.

Qore: Abdi J Aw-Aden

Wednesday, January 13, 2016

Kaluunka oo laga Hello Shan Faa’ido oo Muhiim ah



 



















Kaluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxey aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jirku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kaluunka.

Kaluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsanyahay dadka dagaalka kula jira cayilka, wuxuuna u wanaagsanyahay wadnaha iyo xididada.

Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanyahay shaqada jirka guud ahaaneed iyo dhismaha murqaha iyo hagaajinta shaqadooda.

Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macaadin muhiim u ah shaqada jirka.

Wuxuu kahortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kalaba waxey nagu dhiiragalinayaan cunida Kaluunka ugu yaraan isbuuciiba hal mar.

Xigasho. www.buushaale.com

Tuesday, January 12, 2016

MAXAA SOOMAALIDA U DIIDAY KU SAFRIDA BADDA?


Waxaa laga yaabaa in aad mudo dheer su aashaas is weydiineeysay sideydoo kale!

Waxaan  u kuurgalay  qaababak loogu safro wadanka gudihiisa, waxaan ka dhex arki waayay cid ku safreysa ama sheegeeysa wax ku saabsan Badda.

Maalin kastaa waxaa la isaga safraa Tusaale

1)      Xamar iyo Kismaayo

2)       Boosaaso iyo Berbera

3)      Marka iyo Baraawe

Iyo meelo kaloo badan waayo safaradaas waxaa ay ka mid yihiin nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed hadana ma jirto cid u isticmaaleeysa badda marin ahaan.

Hadaba maxaa sababay Soomaaliya oo ah wadanka ugu Xeebta dheer qaarada Afrika in aysan dadkeedu aqoon muuqata u laheyn ka manaafacaadsiga Badda iyo kheyraadka dhex ceegaagaba?

Aqristoow ma la is oran karaa dadka iyo dalka waa  kala jaad?

Su’aalahaas iyo kuwa kaloo badan waxaa ay ahaayeen waxa maskaxdeyda ka guuxaayay mudo dheer oo aan raadinaayay cid aan la wadaago si aan u haleelo meesha ay sartu iska qaban la’dahay.
Waa wax soo jireen ah xitaa xiliyadii aan dowlada xooga leh aheyn ma jirin hab joogta ah oo dhankaas ah, mana jirin xiligas cid ku fikirtay in ay kaalin muhiim ah oo in dadka lagu jiheeyo mudan tahay.

Bur burkii ka dib waxaan is leeyahay Soomali badani waa ay ku soo baraarugeen maqnaashaha booskaas maadama ay qaar kood ku qasbanaadeen in ay si joogta ah ugu socdaalaan badda dusheeda wadamadii ay u carareen.

Waxaan ku baraarujin lahaa ganacsatada hormuudka u ah bulshada in ay ka fikiraan sidii loo buuxin lahaa booskaas banana ee dhan walbaaba muhiimka u ah.

 


Monday, January 11, 2016

Waa maxay Lacaaf ama Canta-laal?


 

 
Lacaaf ama Canta-laal waa dhuuni lagu dago ama lagu dabo kalluunka oo inta la suro jilibka ama jilaabta lalmada sidaas, biyaha loogu tuuro, kadibna kalluunku moodo wax uu cuni karo, sidaasna lagu qabto.
Wax yaabaha la isticmaalo waxaa ka mid ah kaluun yar yar mid la jar jaray qabaan qab xarshaasho ama sulaal goys, shirimb ama tixiri yar yar.
Waxaa kaloo jira duf iyo alaabo kale oo mac mal ah oo la isticmaalo sida siwirada ka muuqda.