Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, May 23, 2017

Dhawr cisho ka hor waxaan barta aan facebooka ku leenahay ku qornay qormo gaaban oo uu la socday sawirkaan aad arkeysaan.

Qormadaas waxaan kaga hadleeynay dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatada Soomaalida.

Aad iyo aad ayeey u tiro badan yihiin dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatadeena laakiin waxaan soo koobnay inta ugu sii daran, oo ay ka mid yihin sadexda ku dul qoran sawirka, sababatana waxaa ay aheyd kuma wada qori karin sawirka dushiisa dhamaantood.

Aqriste ma ogtahay in wax soo saarkii bada uu aad hoos ugu dhacay in ka badan 50% taa soo ay ugu wacan tahay xaalufinta aan loo meel dayin ay ee ka jirta badaheena, taa soo ay sabateeda leeyihiin gacmo shisheeyo oo aan u diir naxeeyn badan iska dagan oo cid ilaalisaa ama ka war heysaa aysan jirin.

Mise ogtahay in qoysas badan ay u daruufeeysan yihiin saameeyntaas oo aabayaashii reerahooda ka maareeyn jiray ay manta shaxaad doon iyo shaqo la'aan yihiin.

Waxaa laga yaabaa in aad mudo badan ay dhagahaada ku soo noqonqdeen ololaha la dagaalan ka burcad-badeeda Soomaaliya laakiin aadan xog badan ka heyn daruufaha dhabta ah ee sababay in nolol laga raadiyo burcad-badeednimda maxaa yeelay waxaa aad loo buun buuniyay dhawr markab oo ay ajaanib la socdeen oo ay soo qabsadeen kooxahaas.

Xaqiiqada jirtaa waa ay ka fogtahay sida idaacadaha u turjumaan waa ayna ka xasaasisan tahay.

Hadaba maxaa nala gudboon Soomaali ahaan,

1: Waa in aan ku baraarugnaa dhibaatada jirta
2: Waa in aan kala hadalanaa cid alaali iyo cidaan is leenahay wax ayeey ka qaban kartaa, oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya iy maamul goboleedyada waayo iyagaa iska leh mas'uuliyadaas iyo wax ka qabashadeeda.

Qore: Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment