Our Visitors

Flag Counter

Thursday, May 25, 2017

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaaliya

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaliya, wax badana kala socda heerka uu marayo wax soosaarka badda waqtigan aan joogno.

Bashir Xasan waxa uu ku nool yahay tuulo xeebeedka Ceel Macaan ee Gobolka Sha/Dhexe.

Waxaan ka wax iska weydiinay waxa ka jira in uu isbadal weyn ku dhacay kheyraadkii bada iyo in kale.

Bashiir: Bismilaah waa wax jira oo aan caad saarneyn qof kastoo bada wax ka yaqaana waa uu ogyahay, wax weyn ayaa iska badalay run ahaantii.

Su'aal: Bashiir ahaan maxaad si qaas ah kuu saameeyay?

Bashiir: Aniga horta waxan ku dhashay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaasatan laanta Xalane, waxaan xusuustaa ciyaalnimadeydii in aan bada soo aado anigoo shabaag iyo jalaab toona wadan ayaan kaluunka gacanta kula soo bixi jirnay oo anigoo bac buuxda sita ayaan xaafada kula soo laaban jiray, bal hada orodoo shabaag, jalaab iyo birba ku keen gacan warkeed daayee.

Su'aal: Maxaa sababay isbadalkaas weyn ee bada ku yimid ma mid dabiici ahaa oo sida abaartoo kale ah mise waa mid ay bini'aadamka sababeen?

Bashiir: Taasi caad ma saarna waa wax ay bini'aadamka sababeen waliba kuwa aan Soomaali aheyn, Badaan waxaa looga soo duulay meel kasta aduunyadii oo dhan ayaa iskugu timid, haba sii kala darnaadaanee,...

Su'aal: aan kaa dhex galo ma waxaa jirta xog aad ka heysaan dadka aad tiri waa ay soo duuleen oo aduunkeey ka kala yimaadeen sid ay u kala badan yihiin?

Bashiir: haa haa wax qarsoon ma ahan aroortii markaad soo toosto xees kaas ayeey joogaan, mida kale kaluumeeysatada dhan waa og tahay habeenkii bada raxan raxan in ay u socdaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kaluumeeysaneysa bada, xoogaa nasri yar ayaa la helay markii ay kaluumeeysatadii ku ceertoowday bililiqadaas iyo dad kale isku abaabuleen oo ay dhawr marka qabsadeen..

Su'aal: Ma waxaad ka wadaa burcd-badeeda maraakiibta qabsata?

Bashiir: Burcad-badeed waxaan u aqaan cida inta ay bada islaameed timid nool iyo moodba boobtay sun iyo qashin kiimikeeysan ku daadisay dadkiideena biyo kulul iyo xabad isugu dartay.

Su'aal: Waan gartay wadamadee u badan kuwa aad Burcad-Badeeda saxda ah ku tilmaantay?

Bashiir: Waa badan yihiin sidaan horey kuugu soo sheegay, waxaa ka mid ah Philippine, Thailand, Yemen, India, Iran, China, iyo kuwa kaloo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Su'aal: Waxaan jeclaan lahaa in aan ku weydiiyo su'aashii ugu dambeysay, ma isleedahay waxaa jiri kara wado ka wanaagsan in hub la aruursado oo maraakiib aan lakala soocin la soo qafaasho lacag madax furasho ahna la weydiisto mudo dheerna la iska heysto oo ay naf iyo maalba qasaaro soo gaarto waliba dad aan waxba galabsan ay ka mid yihiin?

Bashiir: -

Waan dareen sanahay in hawshi is difaaca aheyd ay dad kale si qaldan uga faa'ideysteen oo ay meeshii noqotay meel loo soo wada shaqo doontay oo dad badan aan waxba galabsan lagu dhibaateeyay, laakiin ogoow cid kaloo ka damqatay oo wax ka qabashadeeda u istaagtay ma jirto waayo dawladana malaha ciidanka bada oo dhisan ragan sida sharcidarada ah wax u boobayana waa rag ka qalab casri ah sita oo subxdiina dheeraanaaya habeenkiina soo hoyanaaya, waadna maqleysay ciidamada shisheeye ee bada jooga ee isku sheegay la dagaalanka burcad-badeeda in ay lahaayeen mandate uma heysano in aan wax ka qabano kuwa sida sharcidarada ah bada u boobaaya kaliya burcad-badeeda Soomaalida ayaan la dagaalameeynaa, taasi miyeeynan garbaduub aheyn aaway caqligii shaqeynaayay aaway damiirkii bini'aadanimo waxa meesha ka socda adeer waa wax lagu soo tashaday oo gumeeysi salka ku haya iyo xadgudib.

Ocean care team: Aad baad ugu mahadsan tahay waqtigaaga qiimaha badan.
 

No comments:

Post a Comment