Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Saturday, September 3, 2016
Monday, May 16, 2016
Maxeey ciidamada shisheeye ka qabtaan xeebaha Soomaaliya?
Sidaad la socotaan mudo dheer waxaa xeebaha wadankeena ku soo qulqulaayay ciidamo shisheeye, kuwaasoo sheeganaaya in ay la dagaalamaayaan waxa ay ugu yeeraan Burcad-Baddeedka, ka jira xeebaha Soomaaliya..
Su aasha meesha taala ee in la is weydiiyo u baahan ayaa ah, Cudurka ma calaamadahaa laga daweeyaa mise Waxa sababay?
Burcad Baddeedku iskama imaan ee waxaa abuuray sabab cad oo aan la iska indho tiri karin, hadaan sababtaas wax laga qabana waligeed xal waara looma heli doono.
Waxaa wali halkeedii ka sii socda siina xoogeeystay ku shubidii badda Wasaqda iyo haraaga Warshada Kiimikooyinka iyo Hubka soosaara.
Waxaa si arxan daro ah loo xaalufinayaa kaluunkii iyo qeyraadkii kalee Badda.
Labadaas qodob waxaa ay ahaayeen walina yihiin waligeedna ahaan doonaan xaalad aan laga indho qarsan karin, cid kaloo wax ka qabaneeysaa ma jirto ilaa dadka Soomaalida ah ay ku baraarugaan lugooyada iyo hagardaamada loo maleegaayo ee dalkooda iyo qeyraadkooda lagu baabi'inaayo.
Soomaaliyeey toosa oo dantiina garta illaahna u toobad keena,
Su aasha meesha taala ee in la is weydiiyo u baahan ayaa ah, Cudurka ma calaamadahaa laga daweeyaa mise Waxa sababay?
Burcad Baddeedku iskama imaan ee waxaa abuuray sabab cad oo aan la iska indho tiri karin, hadaan sababtaas wax laga qabana waligeed xal waara looma heli doono.
Waxaa wali halkeedii ka sii socda siina xoogeeystay ku shubidii badda Wasaqda iyo haraaga Warshada Kiimikooyinka iyo Hubka soosaara.
Waxaa si arxan daro ah loo xaalufinayaa kaluunkii iyo qeyraadkii kalee Badda.
Labadaas qodob waxaa ay ahaayeen walina yihiin waligeedna ahaan doonaan xaalad aan laga indho qarsan karin, cid kaloo wax ka qabaneeysaa ma jirto ilaa dadka Soomaalida ah ay ku baraarugaan lugooyada iyo hagardaamada loo maleegaayo ee dalkooda iyo qeyraadkooda lagu baabi'inaayo.
Soomaaliyeey toosa oo dantiina garta illaahna u toobad keena,
Monday, May 9, 2016
Jasiirada Suqadara (Socotra Island)
Jasiirada Suqadara (Socotra Island):-
Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl .
Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay raacsan jireen maamulka Saldanada almahra oo ahayd xarunteedu Jasiirada Suqadara. Dhulka almahra wuxuu u dhexeeya Hadarmuut iyo cumaan. Jasiiradaha kale ee hoos yimaada jasiirada suqadara waa shan jasiiradood oo yar yar waxaa ka mid ah: Cabdi AlKuuri, Darsam, Karacateen, alfaraacinah iyo Siyaad. Jasiirada cabdi alkuuri waxay u jirta Ras Garda-fooy soomaaliya 200 mayl, waxaa kale oo jira marsooyin yar yar oo ku yaala koofurta xeebta oo la yiraahdo Binder Saalax sida xaqiijiyeen ergo ka socotay ingiriisa xiligaas.
Jasiirada Suqadara waxay dheerarkeedu dhan yahay 72 mayl baaxadiisuna tahay 22 mayl, baaxada ay ku fadhido waa kun mayl (10002 ).
Xigasha:--- Somalitalk
Wednesday, February 10, 2016
Doon/Xaryan
Waa jaad kamida gaadiidka badda oo bedenka ka weyn, markabkana ka yar. Waa gaadiid aadanuhu waayo badan adeegsanaayay, waxaana wadi jirtay awoodda dabaysha oo inta ku dhufata shiraac loo qaabeeyay arrinka, riixda doonta oo sidaas ku maaxisa. Hab-dhaqanka doonyaha/badda ee Soomaalidu waa durugsan yahay, waxaana jiri jirtay marar si weyn doonta, bedenka, iyo huuriga loo samayn jiray.
Wednesday, January 27, 2016
Xeebaheena sidan ma Istaahilaan?
Aaway Shacabkii Soomaaliyeed?? Aaway Dowladii Hoose?? Sida idin kaga muuqata Sawiradan waa qeybo kamid ah Xeebta Bossaso oo laga dhigtey Qashin Qub. Bal eega Caruurteena meesha ey ku dabaalanayaan Iyo waxa ey soo dhex marayaan!! War sidan ma Ina qabataa??
Balanteenu waa in aynu ka dhidhinaa dayaca iyo duleeynta aan ku heyno deegaanka.
Balanteenu waa in aynu ka dhidhinaa dayaca iyo duleeynta aan ku heyno deegaanka.
Xuquuqda Sawirka waa Bootaan
W/Q Sakariye Isticmaar, waxaa dib u qaabeeyay Maxamed Aadan.
Tuesday, January 26, 2016
Gacan (Gulf)
Waa jeex biyo ah oo geesaha birri ka xigo. Aalaa gacanku wuxuu leeyahay marin ciriiriya oo birrigu isaga soo dhawaado. Labada dhul-biyood ee Soomaaliya mid baa ah gacan, waana Gacanka Cadmeed (Gacanka Barbar). Gacammada kale waxaa noogu dhow Gacanka Beershiya.
W/Q: Abdi J Aw-Aden
Thursday, January 14, 2016
Khoori (Bay)
Waa gacan-biyood aan weynayn oo birri ku qoolaaban yahay.
In kastoo Soomaaliya ay xeeb dheer leedahay, haddana khoorriyadu waa ku yar yihiin, waxaana ugu door roon Khooriga Xaafuun iyo Khooriga Buurgaabo, sida ka muuqata sawirada.
Qore: Qabiir sare Abdi J Aw-Aden
Bad (Sea)
Waa biyo dhanaan oo baaxaddoodu ka yar tahay tan badweynta. Aalaa waxaa badda laga helaa daafaha badweynnada, waxaana hareereeya dhulal qallalan.
Waa badan yihiin baduhu waxaase noogu dhow Badda Carabta (Arabian Sea), Badda Cas (Red Sea) iyo Badda Dhexe (Mediterranean Sea).
Dad badan baa u qaba in Soomaaliya seere la leedahay Badda Cas, laakiin la ma laha, waayo Badda Cas waxay ka bilaabataa Marinka Mandab ee seeraha la leh Erateriya iyo Yeman.
Biyaha dhanaan ee Soomaaliya inta badan waa Badweynta Hindiga, inta kalana waa Gacanka Cadmeed oo waa hore la oran jiray Gacanka Barbar.
Qore: Abdi J Aw-Aden
Wednesday, January 13, 2016
Kaluunka oo laga Hello Shan Faa’ido oo Muhiim ah
Kaluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxey aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jirku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan Kaluunka.
Kaluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsanyahay dadka dagaalka kula jira cayilka, wuxuuna u wanaagsanyahay wadnaha iyo xididada.
Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsanyahay shaqada jirka guud ahaaneed iyo dhismaha murqaha iyo hagaajinta shaqadooda.
Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macaadin muhiim u ah shaqada jirka.
Wuxuu kahortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale. Faa’iidooyinkaas iyo kuwa kalaba waxey nagu dhiiragalinayaan cunida Kaluunka ugu yaraan isbuuciiba hal mar.
Xigasho. www.buushaale.com
Tuesday, January 12, 2016
MAXAA SOOMAALIDA U DIIDAY KU SAFRIDA BADDA?
Waxaa laga yaabaa in aad mudo dheer su aashaas is
weydiineeysay sideydoo kale!
Waxaan u
kuurgalay qaababak loogu safro wadanka
gudihiisa, waxaan ka dhex arki waayay cid ku safreysa ama sheegeeysa wax ku
saabsan Badda.
Maalin kastaa waxaa la isaga safraa Tusaale
1)
Xamar iyo Kismaayo
2)
Boosaaso
iyo Berbera
3)
Marka iyo Baraawe
Iyo meelo kaloo badan waayo safaradaas waxaa ay ka mid yihiin
nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed hadana ma jirto cid u isticmaaleeysa badda
marin ahaan.
Hadaba maxaa sababay Soomaaliya oo ah wadanka ugu Xeebta
dheer qaarada Afrika in aysan dadkeedu aqoon muuqata u laheyn ka manaafacaadsiga
Badda iyo kheyraadka dhex ceegaagaba?
Aqristoow ma la is oran karaa dadka iyo dalka waa kala jaad?
Su’aalahaas iyo kuwa kaloo badan waxaa ay ahaayeen waxa
maskaxdeyda ka guuxaayay mudo dheer oo aan raadinaayay cid aan la wadaago si aan
u haleelo meesha ay sartu iska qaban la’dahay.
Waa wax soo jireen ah xitaa xiliyadii aan dowlada xooga leh aheyn ma jirin hab joogta ah oo dhankaas ah, mana jirin xiligas cid ku fikirtay in ay kaalin muhiim ah oo in dadka lagu jiheeyo mudan tahay.
Bur burkii ka dib waxaan is leeyahay Soomali badani waa ay ku soo baraarugeen maqnaashaha booskaas maadama ay qaar kood ku qasbanaadeen in ay si joogta ah ugu socdaalaan badda dusheeda wadamadii ay u carareen.
Waxaan ku baraarujin lahaa ganacsatada hormuudka u ah bulshada in ay ka fikiraan sidii loo buuxin lahaa booskaas banana ee dhan walbaaba muhiimka u ah.
Waa wax soo jireen ah xitaa xiliyadii aan dowlada xooga leh aheyn ma jirin hab joogta ah oo dhankaas ah, mana jirin xiligas cid ku fikirtay in ay kaalin muhiim ah oo in dadka lagu jiheeyo mudan tahay.
Bur burkii ka dib waxaan is leeyahay Soomali badani waa ay ku soo baraarugeen maqnaashaha booskaas maadama ay qaar kood ku qasbanaadeen in ay si joogta ah ugu socdaalaan badda dusheeda wadamadii ay u carareen.
Waxaan ku baraarujin lahaa ganacsatada hormuudka u ah bulshada in ay ka fikiraan sidii loo buuxin lahaa booskaas banana ee dhan walbaaba muhiimka u ah.
Monday, January 11, 2016
Waa maxay Lacaaf ama Canta-laal?
Lacaaf ama Canta-laal waa dhuuni lagu dago ama lagu dabo kalluunka
oo inta la suro jilibka ama jilaabta lalmada sidaas, biyaha loogu tuuro,
kadibna kalluunku moodo wax uu cuni karo, sidaasna lagu qabto.
Wax yaabaha la isticmaalo waxaa ka mid ah
kaluun yar yar mid la jar jaray qabaan qab xarshaasho ama sulaal goys, shirimb
ama tixiri yar yar.
Waxaa kaloo jira duf iyo alaabo kale oo mac
mal ah oo la isticmaalo sida siwirada ka muuqda.
Saturday, January 9, 2016
TUSMEEYN GAABAN
Badweyn (Ocean):
Waa biyo dhanaan oo baaxad weyn oo ku fidsan qeybo badan oo dhulka. Waxaa jira 5 Badweyn oo kala ah; Badweynta Deggana (Pacific Ocean), Badweynta Atlaantigga (Atlantic Ocean), Badweynta Hindiga (Indian Ocean), Badweynta Waqooyi (Arctic Ocean), iyo Badweynta Koonfureed (Antractic Ocean), waxayna u kala baaxad weyn yihiin siday u kala horreeyaan.
Xigasho: https://www.facebook.com/groups/117390585262850/
Wednesday, January 6, 2016
WAA YAABEE YAA LAGU HALEYN
Waxaa dhawaanahaan soo
if baxayaay cabashada ka imaaneeysa qashin si aan kala sooc laheyn loogu
daadinaayo nawaaxiga badda ku teetsan magaalada Muqdisho, kaasoo saameeyntiisa
si weyn loo dareemaay.
Kaluumeeysatada sida
tooska ah ay noloshoodu ugu xiran tahay badda ayaa ka muujiyay dareen qiiro
leh, waxaa ayna ku tilmaameen xaaladaan in ay tahay musiibo la iska indha
tiraayo.
Wali ma jirto cid si
toos ah uga hadashay xaaladaan, dhowr jeer ayaan isku daynay in aan kala
hadalno maamulka degmada Wadajir oo uu hoos yimaado deegaanka ay dhibaatadu ka
jirto laakiin nooma aysan suurto galin..
Waxaa sababay
gawaaarida qashinka daabula ee ka howl gala magaalada Muqdisho, ku waasoo aan
xil iska saareyn natiijada ka imaan karta falkan ay sameeynayaan.
Xarunta Dhaq-dhaqaaqa
Badbaadada Xeebaha Soomaaliya, waxaa ay ku wargalineysaa dadka u dalxiis taga inta u dhaxeysa airporka Muqdisho
illaa Warshadii hore ee Safeynta Batroolka, in ay ka feejignaadaan geynta
caruurta yar yar, nawaaxigaas aan kor ku xusnay.
Waxaan si naxariis leh
uga codsaneynaa maamullada ay quseyso arintaan in ay u istaagaan wax ka qabashada
qatartan weyn ee saameeysay dad iyo duunyaba.
Subscribe to:
Posts (Atom)