Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, February 11, 2014

Xaalufin xoog leh oo lagu hayo Diin Diin Baddeedka/Quwada (Sea Turtle)


Maxaad kala socotaa xaalufinta lagu hayo Diin-Diin Baddeedka ama Quwada

Waxaa si aan qarsoodi aheyn xasuuq xoog leh loogu hayay mudo dheer Diin-Diin Baddeedka ama Quwada iyadoo si aan kala sooc laheyn Yar iyo Weyn loogu arkaayay suuqyada kaluunka lagu gado/iibiyo ee magaalada muqdisho.
Iyadoo aysan jirin cid koontaroosha ama la socota qaab dhaqameedka kaluumeeysatada iyo kaluumeeysatada Soomaalida oo aan si cilmiyeeysan u kaluumeeysan ayaa waxaa ay qatar weyn galisay nolosha iyo jiritaanka Diin Diin Baddeedka ama Quwada.

Ugaarsiga Diin Diin Baddeedka/Quwada ayaa mamnuuc ka ah wadamo badan oo caalamka ah, halka Soomaaliya aysan jirin cid ka hadasha dabar goyntaas, hadaba waxaan ka codsaneynaa in ay aragti dhaw u yeeshaan Mas'uuliyiinta Wazaaradda Kaluumeeysiga iyo Qeyraadka Badda sida ugu macquulsan ee arintaan lagu xalin karo.

Waxaan ka rajeneynaa kaluumeeysatada in ay wax ka badalaan sida ay wax u socdaa inshaa allaah.

No comments:

Post a Comment