Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, February 11, 2014

Dhulkaagu waa dhaxalkaaga

Dhulkaagu waa dhaxalkaaga waxaan ka sameeyn doonaa qormooyin xiriir ah oo aan uga hadli doono faa'idooyinka dalka inshaa allaah

Qodobka ugu horeeya qormeeyinkeena tijaabada ah waxaa uu noqon doonaa, Ahmiyada Tuulada Jazeera.

Tuulada Jazeera waxaa ay ku taalaa koofurta magaalada Muqdisho waxaa ayna ka tirsan tahay Gobalka shabeellaha Hoose.

Tuulada Jaziira waa tuulo istaariiji ah oo aad iyo aad muhiim ugu ah warshada dalxiiska marka laga eego Juquraafi ahaan meesha ay ku taalo iyo kheyraadka dabiiciga ah ee ay leedahay.

Tuulada waxaa ay kulmisaa bad iyo biri kheyraadka laga helo oo waa maree waa meel wax soo saarkeedu bada uu aad u sareeyo saameeyn iyo galaangalna ku leh suuqyada waaweeyn ee magaalada Muqdisho,

Marka xigaa tuulada waa meel hodon ku ah nooc kasta oo ka mid ah xoolaha ay Soomaalidu dhaqato min Geel ilaaa Digaag/Dooro waana goob ay indha ku hayaan ganacsatada Caanaha iyo Xoolaha nool.

Sidoo kale tuulada waxaa ay kaalin weyn ay ku leedahay dhinaca dalxiiska, Xeebeheeda quruxda badan ee ku haboon kaluumeysiga, dabaasha, socodka iyo goobaha qadiimiga ah, ayaa waxaa ay soo jiiteen indhaha dalxiisayaasha Soomaalida iyo Ajaanibtaba isugu jira.

Qul-qulka ganacsatada iyo dalxiisayaasha ayaa gacan ka geystay sarakac ku yimid kala iibsiga dhulka kaasoo 100 laab gaaray qimihiisii hore marka loo eego.

Lasoco Qeybaha danbe ee maqaalka Dhulkaagu Waa Dhaxalkaaga

No comments:

Post a Comment