Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, February 12, 2014

Ka Qeyb Qaado Nadaafada Xeebaha

Maxaa Kaa Hortaagan?


Waxaan shaki ku jirin in nafta bini aadamku jeceshahay in ay waqtigeeda oo dhan ku qaadato meel wanaagsan nadaafad ahaan iyo muuqaal ahaanba.

Hadaba maxaa nala gudboon si aan u wanaajino goobaha aan u doorano in aan ku bixino waqtigeena inta ugu muhiimsan ee aan ku nasino nafteena..




Waa in aan ka ilaalinaa xeebaha ku daadinta

  1. Haradiga kiimikooyinka warshadaha sida kuwa
  • Isbuunyada ama joodariyaasha
  • Rinjiga
  • Daawada iyo kuwa kaloo badan
Sidoo kale waa in aan si taxadar leh uga digtoonaanaa, haraadiga isbitaalda sida 
  • Cirbadaha
  • Dhalooyinka ama
  • Qalabka sida ku meel gaar ka ah loo isticmaalo
Haraadiga Garaashyada sida
  • Oolyada 
  • Biraha Baabuurta
  • Balastikada 
  • Muraayadaha iyo kuwa kaloo badan
Intaas aan kor ku soo sheegnay waxaa ay gacan weyn ka geystaan dhimashda malaayiin kaluun ah sanad walba




Ocean Care Movement Center waxaa ay qorsheyneysaa in ay wacyigalin iyo wax qabadba ka geeysato bilkasta Jimcaha ugu danbeeya xeebaha Soomaaliya si kor loogu qaado fahamka bulshada ahmiyada deegaanku noolasheena u leeyahay.

Hadaba maxaa kaa hortaagan in aad gacan ka geysato sare u qaadida nadaafada xeebaha dalkaaga.

No comments:

Post a Comment