Our Visitors

Flag Counter

Monday, January 15, 2018

Sidee badeena looga ilaalin karaa kuwa sida sharcidarada ah uga kaluumeeysta?





Ka dib bur-burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa aad iyo aad u sii kordhaayay boobka iyo baabi'inta lagu hayo kheyraadka dalka, qaas ahaan Badda oo beylaha u noqotay burcad badeed isaga timid dunida daafaheeda haba ugu sii darnaadaan wadamada Aasiya. Sida ka muuqata video ga hoose


Waa shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta (UAE) oo si aan kala sooc laheyn u xaalufineysa badeena.

Sidaad wada ogtihiin wadanka Imaaraadka Carabta waxaa uu la wareegay dhowr dakadood oo ku yaala Wadanka sida Berbera, Boosaaso iyo Baraawe.

Tani waxaa ay daliil u noqoneysaa in Imaaraadku uu usan cidna ogolaasho weydiisaneyn maadaama uu wadanka kheyb ka yeeshay oo uu siduu rabo iska takrifalaayo kheyraadkiisa.

Hadaba maxaa la gudboon ummada Soomaaliyeed ee mudada sodonka sano ku dhaw la soo daalaa dhaceysay colaad gacan ku sameys ah oo dibada looga soo abaabulay si looga mashquuliyo baabi'inta iyo boobka lagu hayo dalkooda taasoo aysan dunidu u kala harin.

Waxaad ogtihiin in dowlada aan dariska nahay ee Kenya ay qeyb weyn oo badeena ah rabto in ay xoog kula wareego inagoo soo taagan.

Waxaad aragtaan wadamadii islaamka sheeganaayay ee aan carabnimda macmalka ah la wadaagno sida ay u dhaqmayaan.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaan baraneynaa cadaw cusub oo doonaya in uu na baabi'iyo diintuu rabo hasheegto qaaraduu rabana haka soo jeedee.

Waxeey ila tahay in aan soo baraarugi doono mar wadankii lakala qaatay kheyraadkiisiina la baabi'iyay oo la boobay.

Allaa u maqan dalkan iyo dadkan dayacan ee naftooda iyo dalkoodaba shisheeyaha u loogay.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq



No comments:

Post a Comment