Our Visitors

Flag Counter

Thursday, January 25, 2018

Maamuulka Soomaaliland ayaa Shatiyada kala noqotay maraakiibta ka kaluumeeysatad deegaanka uu maamulkaas ka arimiyo.




























Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Soomaaliland ayaa shatiyada kala noqday dhamaan maraakiibta ka kaluumeeysata deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas.

Waxa sababay in shatiyada la laabto ayuu wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka bada ku sheegay kala fogaasho qiimaha shatiyada lagu qaato iyo wax soo saarka maraakiibtaas oo aad u sareeya.

Hadaba arintaas ayaan wax ka weydiiyay Daahir Cabdule Ali oo ah aqoon yahan Soomaalyeed oo aad ugu dhuun duleela xaaladaha dalka iyo dadka.

Su'aal: Maxeey kula tahay shatiyada lagala noqday maraakiibta ka kaluumeeysta deegaanada maamulka Soomaaliland uu ka arimiyo?

Daahir Cabdule Ali: Waxeey ila tahay in ay sax tahay arintaas waayo dhaqaalaha lagala baxo badeena sanadkii waxaa lagu qiyaasaa maalaayiin dollar, qiimaha shatiyada lagu jartana waa wax ka yar mal yan una dhaweyn marka wax faa'ido ah oo dadka iyo deegaankaba ugu jiro malaha fasaxaas.

Su'aal: Dhanka dhaqaalaha iyo daqliga dawlada sow saameeyn kuma yeelaneyso joojinta daqligii laga heli jiray bixinta shatiyada?

Daahir Cabdule Ali: Waxaan aaminsanahay in ay awalba wax saameyn weyn ku leh daqliga dowlada aysan aheyn, sidaan kuu sheegayna waxaa aad uga badnaa qasaaraha ay geesan jireen maraakiibtaas waayo majirto cid koontarooli jirtay hab dhaqankooda shaqo markoodii horena lama waafajin hanaanka saxda ah ee shatiyada lagu bixiyo caalamka, waxaa la dhihi karaa waxaa ay howshu ku socotay si musuqmaasuq ah maadaama ay san dad iyo dalkaba faa'ido ugu jirin bixinta shatiyadaas.

Su'aal: Malaga yaabaa in ay iska sii wataan howshoodii oo ay san u joojin shatiyadii laga qaaday maadaama ay xog ogaal u yihiin awooda maamulka iyo koontarool yarida jirta?

Daahir Cabdule Ali: Waa suurto gal maxaa yeelay awalba lama hubin in ay si sax ah ugu hogaan samaan fulinta wixii lagu balamay markii la siinaayay shatiga ama ogolaashaha, waxaa kaloo sii dheer waxaa ay xog ogaal u yihiin dacaya ka jira bada iyo sida sharci darada ah ee looga kaluumeeysanaayo.

Su'aal: Aan kaa dhex galo maxaad ku talin la heyd hada? sidee looga hortagi karaa xaalufinta balaaran ee lagu hayo badda?

Daahir Cabdule Ali: Waad mahadsan tahay, waa in ay maamulada iyo dowlada dhexe iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa xaalufinta ba'an ee lagu hayo bada taasoo saameeynteeda meel walba laga dareemay, waa in ay dhistaan ciidamo tayo leh oo ugu yaraan gacan ka geeysta in laga hor istaago maraakiibta sharcidarada ah kusoo dhawaashaha xeebaha dhaw dhaw bad weynta allaa loo qabaa inta ay dowladnimada caga fiican uga istaageeyso.

Ocean Care Somalia  Waad ku mahadsan tahay sida aan noola wadaagtay waqtigaaga qaaliga ah Mr Daahir Cabdule Ali.

Daahir Cabdule Ali: Idinkaa Mudan, Halkiina ka sii wada howsha qiimaha badan ee aad Dalka u heeysaan.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




No comments:

Post a Comment