Our Visitors

Flag Counter

Sunday, January 7, 2018

Ma moodaa in lagu baraarugay kaalinta maqan ee wax soosaarka Bada?


Mudo dheer ayaan isweydiinaayay sababta looga faaideysan la’yahay kheyraadka uu eebe ku maneeystay badeena muga iyo baaxada weyn leh.

Waxaan ka qoray maqaalo badan oo ku saabsan sida loo dayacay kheyraadka balaarane bada ee uu eebe noogu deeqay, ku waasoo aan ku soo bandhigay dhowr shey oo ah ku wa ugu sahlan helidooda hadana aanan laga faa’ideysaneyn.

Dareenkeygii ku aadanaa arintaas waan ogaa in uusan kaligeey igu koobneyn oo ay ila wadaagaan dad badan oo Soomaali ah oo dal iyo dibadba jooga.

Jimcihii 05-01-2018 - Barnaamishka Ogaal ee ka baxa idaacada BBC laanta af-Soomaaliga waxaa lagu soo qaatay Sababta ay dadka Soomaalida ah uga faa’ideysan la’yihiin kheyraadka bada xili beerihii iyo xoolihii ay xaaladooda adagtahay.

Barnaamishkaas si weyn ayaan ugu farxay waxaana dareemay in wacyiga dad weynaha ee ku aadan Badda uu aad sare ugu kacay,  oo hada la taagan yahay xiligii wax la iska weydiin la haa sababta looga faaideysan la’yahay badan meesha isaga taal iyo caqabadaha hortaagan in saas la sameeyo.

Waxaan hubaa in ay doodaas dad badanoo kale dareenkooda taabatay oo ay wax iska weydiinayaan sida qaabka habka ugu haboon ee looga faa’ideysan karo kheyraadka bada iyo sida ugu sahlan ee loo bilaabi karo, iyagaoo fikir fiican kala baxay caqabadihii lagu gorfeeyay barnaamishkaas ee hortaagan in laga faa’ideysto kheyraadka bada taasoo ay ugu horeeyso.
  1.        Wado/Jid Xumo
  2.        Qaboojiye la’aan sababta in la gaarsiin karin kaluunka iyo kheyraadka kale ee bada laga soo saaro suuqyada magaalooyinka waaweyn.
  3.       Agabka ay heystaan kaluumeeysatada Soomaalida ah oo aan hormarsaneyn
  4.       Suuq xumo dibada iyo gudaha ah – waloo ay hada dadka Soomaaliyeed ee gudaha ay aad u soo fahmayaan isticmaalka kheyraadka bada noocyadiisa kala duwan


Waxaan rajeynayaa in sanadkan cusub uu biloow fiican u noqon doono kacdoonka ka daryeelka iyo  faa’ideysiga  kheyraadka bada Inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment