Our Visitors

Flag Counter

Monday, June 5, 2017

Maxaad ka taqaan Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaasho (Crab)?

























Waxaa laga yaabaa dad badan in sawirkaan uu soo xusuusiyo waqti dheer ka hor xiligii caruurnimada xiligaas oo caruur badan oo ku nool xeebaha dhagta kala socdeen Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaasho una yaqaaneen bahal wax qaniina kaliya.

Waxaan jeclaan lahaa in aan idinla wadaago muuqaal ka duwan midka inta badan ay dadka Soomaalida ah ka aamin santahay Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaashada.



Waa hubaal in Soomaali badan oo dibada ku nool ay wax badan ka barteen cuntooyinka laga helo bada (Sea-food), laakiin ma jirto wali cid inta ay la soo laabatay fikir wanaagsan dalkii ka hirgalisay maashaariic wax soo saarka bada ah oo wax ka badala wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku aadan bada.

Suulalgoysta/Carsaanyada ama Xarshaashada waxaa ay ka mid tahay cuntooyinka bada ee aadka looga isticmaalo maqaayadaha waa weyn ee caalamka sida Indian cuisine, Mexican cuisine, Thai cuisine, Mediterranean cuisine iyo kuwa kaloo aan halkaan kusoo koobi Karin, qiimaha ay ka joogto suuqyada lagu iibiyo kheyraadka badana aad buu u sareeyaa.

Waxaa dhici karta in qaar idinka mid ah ay is dhahaan maxaa balaayadaan nalagala soo doonay ma waxaasaa cunto ah ama la cuni karaa, hadaba ujeedkeygu sidaas ma ahana.

Yaanba la cunin hadii la rabo ee maxaaa looga ganacsan waayay oo dhaqaale looga sameyn waayay oo dadka cuno ama yaqaan loogu iib geyn waayay.

Sidaad ogtihiin heerka dadka aan shaqeeyn aad ayuu u sareeyaa dalkeena cid ka faa'ideysaneysaa fursadahaasna ma jirto ma waxaan dhihi karnaa waa jaahilnimo na heysata mise waa doqonimo.

Hadaba ogoow kheyraadka uu eebe nagu maneystay in ay aad u badan yihiin oo aan hal qurmo iyo qurmooyin lagu soo koobi karin.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq



No comments:

Post a Comment