Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, June 20, 2017

Kalluumeeysato u dhalatay dalka Pakistan ayaa laga soo qabtay Jaziirada Kudhaa iyagoo si sharci daro ah uga kalluumeeysanaaya halkaas


Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubballand ayaa sheegay iney xeebaha Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada hoose ku qabteen doon si sharci daro ah uga kalluumeysaneysay halkaas.

Saraakiisha Ciidamada Juballand ayaa sheegay in doontan ay la socdeen ku dhowaad toban nin oo sideed ka mid ah ay yihiin dad ajnabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Bakistan.

Waxay intaa ku dareen in dadkan ajaaniibta ah ay baaritaan ku sameyn doonaan, waxaana galabta lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.


Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Max’uud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka J/hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.

Waxa uu xusay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubadda hoose.

Doonyo fara badan oo ay leeyihiin kalluumeysato ajaaniib ah ayaa si sharci daro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo gurta kalluun Malaayiin dollar lagu qiimeeyey, iyagoo kaluumeysiga u adeegsada shabaag dunida laga mamnuucay.


Talaabadaan lagu soo qabtay ragaan sida sharci darada ah uga kaluumeeysanaayay xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid horseedeysa in lagu baraarugo boobka ka socda bada Soomaaliya.

W/D Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment