Our Visitors

Flag Counter

Sunday, June 4, 2017

Hala Yaabin Waa Xaqiiq Jirta !!!

Sawirkaan aad arkeysaan waa nooc ka mid ah qalaa'iqda bada ku nool magaceeda waa (Sea Urchin).

Gobolada koofurta Soomaaliya waxaa looga yaqaan Kuuleey Badeed/Maanyo.

Dadka Soomaalida ah ma isticmaalaan oo wax qiima ah agtooda ka ma laha, laakiin dunida kale aad baa loo isticmaalaa waxaa ay ku jirtaa xitaa wax yaabo badan oo aan isticmaalno sida Mayonese rootiga iyo burgerka aan ku isticmaalo. sidoo kale waxaa ay ku jirtaa cuntooyin badan.

Waxaa laga suurto gal ah in aad la yaabto qiimaha ay caalamka ka joogto,
iyo sida ay dadka Soomaalida ah agtooda waxba uga aheyn.

Sawirka hoose waa cuntada loo yaqaan Sushi ama Sashimi oo ay dadyoowga koofur bari Asia caanka ku yihiin waxaa laga cunaa maqaayado badan oo waaweyn oo dunida dacaladeed ku kala yaal waana cunto aad loo jecel yahay dhadhankeeda iyo wax yaabaha ay ka kooban tahay oo badi ka yimid kheyraadka bada, waxa uGu sareeya ee midabka oranjiga ah leh waa Sea urchin ama Kuuleey Badeed/Maanyo.














Waan qeyb ka mid ah aqoon yarida naga heysta badda iyo sida aanan uGu baraarugsaneyn wax soosaarkeeda iyo ka maacaashideeda.

Halkii kiilo ama 1 kg waxaa ay suuq yada caalamka ee lagu iibiyo kheyraadka bada ka joogtaa $450,

Run ahaantii ma ahan qiimo yar lacagtaas, waxaa laga yaabaa in ay loor/kiish/juwaan galeey ah ay ka qaalisan tahay kana howl yar tahay soo saarideeda.

Si kastaba waxaan ku baraajinaayaa dadyoowga Soomaaliyeed in ay u soo jeestaan ka faa'ideysiga badooda baaxada weyn ee uu allaah ku maneeystay.

Waxaa la yaab leh inagoo heesana xeebta uGu dheer qaarada afrika hadana in nalooga waayo aragsanaado wax soosaarka iyo ka macaashida kheyraadka bada, dadkeenana ay macluul iyo gaajo u le'daan.

















Markastana aan u taaganahay abaabulida iyo hurinta colaado sokeeyo oo aan aduun iyo aakhiraba faa'ido inoo laheyn.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

No comments:

Post a Comment