Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, May 31, 2017

Wali ma aragtay Cambar (Amber)?




Maanta waxaan idinla wadaagi doona muuqaalka Cambarta iyo qiimaha ay Lee daahay.

Cambarta waa shey aad qaali u ah halkii gram waxaa uu u dhexaayaa $19 - $25 run ahaantii waa qiimo aan caadi aheyn.

Sawirkaad arkeysaan waa nooc ka mid ah noocyada Farah badan oo ay Cambartu ka kooban tahay, waxaa kugu filan 1000 grams ama 1kg oo aad faqriga ku tuuri kartaa waa hadaad nasiib u yeelato in aad hesho.

Bada waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu horeeyo ee dhaqaalaha laga sameeyo caalamka sida beeraha, xoolaha iyo ganacsiga.

Sidaa darteed waxaa waajib nagu ah in aan ka ilaashano cid kastoo boob iyo baabi'in ku heyso.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Tuesday, May 30, 2017

Maxaabiis Soomaali ah ayaa ku xiran Wadanka Seychelles.

Waxaa laga deyrinayaa xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiis Soomaali ah oo ku adeysan burcad-badeednimo kuwaasoo mudo dheer ku xiran Jaziirada Seychelles.

Maxaabiistaas oo mudo dheer ku xiran halkaas ayaa gacabanaya daruufo adag oo halkaas ku heysta.

Sikastaba ah ahaatee wali ma jirto cid isu xil qaantay wax ka qabashada iyo furdaaminta maxaabiistaas Soomaalida ah.
Hadaba Xarunta Dhaqdhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaliya (Ocean Care Movement Center), waxaa ay si naxariis leh uga codsaneysaa madaxda Soomaalida in ay ku baraaruga dayaca iyo dandarada kumaanka Soomaalida ah ku heysta dunida dacaladeeda, kuwaasoo ay ugu horeeyaan kuwo xabsiyada ku jira.

Hoos waxaa ku qoran magacyada maxaabiista Jaziirada Seychelles ku xiran.

1Cabdulqaadi Cali AxmedMuqdisho
2Cabdilaahi SiciidCadaado
3Salaad Maxamed DiiriyeWisil
4Cabdilaahi XuseenGaroowe
5Cali Maxamed CaliGaalkacyo
6Maxamed Aways SiciidMuqdisho
7Daauud Cali SalaadMuqdisho
8Cabdilaahi Siciid Cigaal (Raanbow)Muqdisho
9Cumar Xaaji CumarMarka
10Axmed Maxamed IsmaaciilKunturwarey
11Cabdilaahi Xasan XayleMuqdisho
12Cabdilaahi Maxamed XuseenCeel-Dheer
13Maxamed Axmed DaahirGuri-ceel
14Cabdiqaadir Xaashi CawaaleMuqdisho
15Bashiir Xasan CaliGaalkacyo
16Cabdiqaadir Xasan MacalinSablaale
17Axmed Cabdi MaalinDhuusa-mareeb
18Cabdicasiis Cabdi CaliXarardheere
19Axmed Abshir WeheliyeMuqdisho
20Burhaan Maxamed MaxamuudMuqdisho
21Asad Axmed CaliMuqdisho
22Axmed Ibrahim Cabdi (Qoorgaab)Muqdisho
23Xasan Ibraahim CismaanBaraawe
24Mowliid Axmed AbtidoonSablaale
25Cabdishakuur Tahliil XasanCadaado
26Maxamed Cabdi FaaraxJariiban
27Saleebaan Cali NuurKismaayo
28Nuur Xasan Aadan (Buurgaab)Garacad
29Daahir Cabdilaahi WarsameGaalkacyo
30Carays Maxamed Aadan CismaanBoosaaso
31Cali Maxamed Aadan MuxumedBaraawe
32Axmed Khaliif WarsameMuqdisho
33Cabdi Cumar MaxamedKismaayo
34Maxamed CAbdiqani NuurMarka
35Shadoor Cali FaaraxBacaadweyn
36Maxamed Cabdi CaliBaladweyn
37Iina Mire MuuseGaroowe
38Siciid Cabdiqani Sh. AadanWarshubo
39Cabdi Xasan CaliCabudwaaq
40Axmed Cismaan Maxamed Muqdisho
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, May 29, 2017

FAA'IDOOYINKA KALUUNKA XILGA LAGU GUDA JIRO RAMADAANKA.. Ka aqri halkan..


            RAMADAAN KARIIM DHAMAAN, MEEL KASTOO AAD JOOGTAAN.
Qormadaan maanta waxaan kaga hadli doonaa faa'idada kaluunka u leeyahay bini'aadamka guud ahaan gaar ahaan qofka sooman.


Kaluunka waxaa laga helaa protein fara badan waxaa uGu caansan Omega 3.
Omega 3 wa saliid laga helo kaluunka, saliidaasoo ka hortagta cuduro farabadan sida:-

  1. Cudurada ku dhaca Wadnaha (heart disease)
  2. Dhiig karka (blood pressure)
  3. Dhiig xeyroowga ama (cholesterol)
  4. Xanuunka lab laabatooyinka ku dhaca sida jilbaha, moxoga ama qeybta hoose ee dhabarka.
  5. Waxaa  ka hortagaa qatarta ka imaan karta cudurka sonkorta (Type 1 Diabetes)
Sidoo kale waxaa ay u fiican koritaanka/bixitaanka tinta iyadoo xoojisa dhumucda tinta korna u qaada bilicda iyo quruxdii dabiiciga aheyd ee tinta.
Waxaa ay baabisaa qaleeylka maqaarka (skin dryness ) waxaa ayna ka bi'isaa maqaarka in uu duub-duubmo.


Waxaa lagama maarmaan ah in aad ku darsatid qorshahaaga cunte inta lagu guda jiro Ramadaanka waayo waxaa uu kugu caawinaayaa in uu jirkaada helo tamar xoogleh kana hortago diciifnimada ay baahidu sababto, si aad toos uGu wadato shaqo maalmeedkaada adigoon dareemin daal iyo caajis.

CUN CUNTO CAAFIMAAD LEH INTA LAGU GUDA JIRO SOONKA SIDA:-
  1. SAREEN AMA QAMDI
  2. KALUUN, DIGAAG AMA HILIBKA XOOLAHA
  3. QUDAARTA CAGAARAN IYO TIMIR
  4. CAANO IYO BIYO BADAN
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq


Sunday, May 28, 2017

Markab Kaluumeeysi oo laga leeyahay dallka Koofur Kooriya ayaa lagu qabtay xeebaha Soomaaliya!




Wasaarada arirmaha dibada wadanka Koofur Kuuriya ayaa xaqiijisay in markab kaluumeeysi oo ay leeyihiin ganacsato Koofur Kuuriyaan ah kana diiwaan gishanaa dalka Mangooliya lagu la'yahay xeebaha Soomaaliya.

Markabkaas oo ay la socdaan in ka badan labaatan shaqaale oo ka kala yimid wadamada Koofur Kuuriya iyo Indoniisiya.

Markabka ayaa fariin deg deg ah u gudbiyay ciidamada Koofur Kuuriya ee qeybta ka ah, ciidamada ladagaalanka waxa loogu yeero burcad-baddeeda Soomaalida inta uusan raadaarka ka bixin waxaa uuna sheegay in ay eryanayaa laba doon oo uu u maleeyay in ay burcad-badeed yihiin.



























Waxaa socda baadi goobka markaas waloow aan ilaa iyo hada si cad loo ogeyn cida qabsatay iyo halka lala aaday.

Sidoo kale waxaan la ogeyn waxa ay yihiin shixnad la sheegay in markabkaas uu waday

Hadaba waxaa is weydiin mudan waxa markab kaluumeeysi oo aan Soomaaliya ogolaasho ka heysan uu ka soo doonay xeebaha Soomaaliya?

Waxaa ay meesha ka saareeysaa mad madoowgii dadyawga Soomaaliyeed kaga jiray in badooda looga soo duulay wadamo badan oo caalamka ah Asia haba ugu badnaadaanee !!!!

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq



Friday, May 26, 2017

Juballand oo eedeyn u jeedisay Wasaarada Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada. Halkan ka aqriso






































Golaha wasiirada dowlad goboleedka Juballand oo shalay kulan ku yeeshay Kismaayo uuna shir gudoominayay Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam ayaa eedeeyay Wasaaradda kaluumeysiga dowladda Soomaaliya inay ku xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda kalluumeysiga dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa nuxurka qodobadii kasoo baxay shirka warbaahinta u aqriyay Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, isagoo sheegay in kulanka diiradda lagu saaray heshiis kumeelgaar ah oo ka dhacay Sycheles oo ku saabsanaa ogolaanshaha soo saaridda shatiga kalluumeysiga qaasatan Tunnaha, kaa oo uu wasiirku sheegay in ay wada sixiixeen dhammaan dowlad goboleedyada.

Xigasho:-Shabakada www.allbanaadir.net

W/D Maxamed Aadan Isxaaq

Thursday, May 25, 2017

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaaliya

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaliya, wax badana kala socda heerka uu marayo wax soosaarka badda waqtigan aan joogno.

Bashir Xasan waxa uu ku nool yahay tuulo xeebeedka Ceel Macaan ee Gobolka Sha/Dhexe.

Waxaan ka wax iska weydiinay waxa ka jira in uu isbadal weyn ku dhacay kheyraadkii bada iyo in kale.

Bashiir: Bismilaah waa wax jira oo aan caad saarneyn qof kastoo bada wax ka yaqaana waa uu ogyahay, wax weyn ayaa iska badalay run ahaantii.

Su'aal: Bashiir ahaan maxaad si qaas ah kuu saameeyay?

Bashiir: Aniga horta waxan ku dhashay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaasatan laanta Xalane, waxaan xusuustaa ciyaalnimadeydii in aan bada soo aado anigoo shabaag iyo jalaab toona wadan ayaan kaluunka gacanta kula soo bixi jirnay oo anigoo bac buuxda sita ayaan xaafada kula soo laaban jiray, bal hada orodoo shabaag, jalaab iyo birba ku keen gacan warkeed daayee.

Su'aal: Maxaa sababay isbadalkaas weyn ee bada ku yimid ma mid dabiici ahaa oo sida abaartoo kale ah mise waa mid ay bini'aadamka sababeen?

Bashiir: Taasi caad ma saarna waa wax ay bini'aadamka sababeen waliba kuwa aan Soomaali aheyn, Badaan waxaa looga soo duulay meel kasta aduunyadii oo dhan ayaa iskugu timid, haba sii kala darnaadaanee,...

Su'aal: aan kaa dhex galo ma waxaa jirta xog aad ka heysaan dadka aad tiri waa ay soo duuleen oo aduunkeey ka kala yimaadeen sid ay u kala badan yihiin?

Bashiir: haa haa wax qarsoon ma ahan aroortii markaad soo toosto xees kaas ayeey joogaan, mida kale kaluumeeysatada dhan waa og tahay habeenkii bada raxan raxan in ay u socdaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kaluumeeysaneysa bada, xoogaa nasri yar ayaa la helay markii ay kaluumeeysatadii ku ceertoowday bililiqadaas iyo dad kale isku abaabuleen oo ay dhawr marka qabsadeen..

Su'aal: Ma waxaad ka wadaa burcd-badeeda maraakiibta qabsata?

Bashiir: Burcad-badeed waxaan u aqaan cida inta ay bada islaameed timid nool iyo moodba boobtay sun iyo qashin kiimikeeysan ku daadisay dadkiideena biyo kulul iyo xabad isugu dartay.

Su'aal: Waan gartay wadamadee u badan kuwa aad Burcad-Badeeda saxda ah ku tilmaantay?

Bashiir: Waa badan yihiin sidaan horey kuugu soo sheegay, waxaa ka mid ah Philippine, Thailand, Yemen, India, Iran, China, iyo kuwa kaloo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Su'aal: Waxaan jeclaan lahaa in aan ku weydiiyo su'aashii ugu dambeysay, ma isleedahay waxaa jiri kara wado ka wanaagsan in hub la aruursado oo maraakiib aan lakala soocin la soo qafaasho lacag madax furasho ahna la weydiisto mudo dheerna la iska heysto oo ay naf iyo maalba qasaaro soo gaarto waliba dad aan waxba galabsan ay ka mid yihiin?

Bashiir: -

Waan dareen sanahay in hawshi is difaaca aheyd ay dad kale si qaldan uga faa'ideysteen oo ay meeshii noqotay meel loo soo wada shaqo doontay oo dad badan aan waxba galabsan lagu dhibaateeyay, laakiin ogoow cid kaloo ka damqatay oo wax ka qabashadeeda u istaagtay ma jirto waayo dawladana malaha ciidanka bada oo dhisan ragan sida sharcidarada ah wax u boobayana waa rag ka qalab casri ah sita oo subxdiina dheeraanaaya habeenkiina soo hoyanaaya, waadna maqleysay ciidamada shisheeye ee bada jooga ee isku sheegay la dagaalanka burcad-badeeda in ay lahaayeen mandate uma heysano in aan wax ka qabano kuwa sida sharcidarada ah bada u boobaaya kaliya burcad-badeeda Soomaalida ayaan la dagaalameeynaa, taasi miyeeynan garbaduub aheyn aaway caqligii shaqeynaayay aaway damiirkii bini'aadanimo waxa meesha ka socda adeer waa wax lagu soo tashaday oo gumeeysi salka ku haya iyo xadgudib.

Ocean care team: Aad baad ugu mahadsan tahay waqtigaaga qiimaha badan.
 

Wednesday, May 24, 2017

NIMCOOYINKA DALKEENNA IYO KA DAAHNAANTA DADKEENNA!


Waa xeeb quruxda Rabbi ku mannaystay ee istaahisha dalxiiska caalamiga ah, horena ay waayuhu uga soo marag-keceen, kasow khayraadka dihan ee Alle uu dhigay aanuu ahayn mid u baahan in gudaha loogu sii safro baddan, sida anigu aan markhaati ka noqday!

Waa xeebta Bilan ee bariga magaalada Muqdisho oo marka laga reebo maalmaha dabaayaqada toddobaadka aan buuq badnayn, sawaxan badanna lahayn.

 Anigoo jooga gurigayga ayay naftaydu muhatay inaan tago xeebtaas, oo aan daawado muuqaallada quruxda badan ee mawjadaha ka kacaya badweynta Inida, xilli lagu jiro xagaa, oo roobka shuuxa ah aanuu ka qaadin ama ka joogsan Muqdisho.

Intii aan joogay xeebta ee aan hadba dhinac u qooraansanayay, ayaa ay yimaaddeen meel aan iga fogayn saddex nin oo wata shabaagta badda lagaga kalluumaysto, taasoo aan ka aaminsanaa oo kaliya in doonni lagu qaado oo lagaga soo dhex tago badda, oo saacado kaddib lagu noqdo oo dabin

badeedkaas loogu tago kalluun ku dhacay.

Imika arrintu sidaas aad ayay uga duwantahay!

Laba ka mid ah raggii agtayda yimid ayaa badda galay, halka ninkii saddexaadna uu dibadda ugu sii hayay dharkii ay beddesheen ee ay markii hore xidhnaayeen.

Labada nin ee badda galay waxay kala istaageen laba dhinac iyagoo gacanta ku hayay shabaggii ay siteen, biyahana hore uma aanay gelin ka badan toban mitir qiyaastii, haddii aan si kale u dhigana halka ay carruurtu ku dabbaashaan, waxana aan xiisaynayay bal waxa ay samaynayaan inaan si deggen u daawado!

Muddo toban daqiiqo ah ayay labadii nin dib ula soo noqdeen shabaggii, kaasoo markii bannaanka la keeneyna laga soo saaray kalluun farabadan, oo muggiisu aan ku qiyaasay in ka badan soddon kiiloo garaam.
Mid ka mid ah kalluunkaas oo qiyaastii saddex kiiloo ahaa ayaa la iga siiyay laba doollar ($2).
 Way yartahay, dunidana naadir ayay ku tahay in laba nin ay muddo 15 daqiiqo ka yar iyaga oo aan badda gudaha u gelin ay helaan qiyaasta soddon kiiloo oo kalluun ah.
Khayraadka yaalla badda dalkeennu waa mid runtii inta badan dadkiisu ay ka qatanyihiin, waxase xusid mudan in dadka Soomaalida in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan baabi'inta khayraadkaas, halka ay ka indhosaabanyihiin ka faa'idaysigiisa.

Sawirro dheeraad ah ka daawo xagga hoose. 





 

 



 

Xigasho:

Adam Shardi Ahmedwww.adamshardi.blogspot.com
Skype ID: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Facebook: ashardi1



Tuesday, May 23, 2017

Dhawr cisho ka hor waxaan barta aan facebooka ku leenahay ku qornay qormo gaaban oo uu la socday sawirkaan aad arkeysaan.

Qormadaas waxaan kaga hadleeynay dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatada Soomaalida.

Aad iyo aad ayeey u tiro badan yihiin dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatadeena laakiin waxaan soo koobnay inta ugu sii daran, oo ay ka mid yihin sadexda ku dul qoran sawirka, sababatana waxaa ay aheyd kuma wada qori karin sawirka dushiisa dhamaantood.

Aqriste ma ogtahay in wax soo saarkii bada uu aad hoos ugu dhacay in ka badan 50% taa soo ay ugu wacan tahay xaalufinta aan loo meel dayin ay ee ka jirta badaheena, taa soo ay sabateeda leeyihiin gacmo shisheeyo oo aan u diir naxeeyn badan iska dagan oo cid ilaalisaa ama ka war heysaa aysan jirin.

Mise ogtahay in qoysas badan ay u daruufeeysan yihiin saameeyntaas oo aabayaashii reerahooda ka maareeyn jiray ay manta shaxaad doon iyo shaqo la'aan yihiin.

Waxaa laga yaabaa in aad mudo badan ay dhagahaada ku soo noqonqdeen ololaha la dagaalan ka burcad-badeeda Soomaaliya laakiin aadan xog badan ka heyn daruufaha dhabta ah ee sababay in nolol laga raadiyo burcad-badeednimda maxaa yeelay waxaa aad loo buun buuniyay dhawr markab oo ay ajaanib la socdeen oo ay soo qabsadeen kooxahaas.

Xaqiiqada jirtaa waa ay ka fogtahay sida idaacadaha u turjumaan waa ayna ka xasaasisan tahay.

Hadaba maxaa nala gudboon Soomaali ahaan,

1: Waa in aan ku baraarugnaa dhibaatada jirta
2: Waa in aan kala hadalanaa cid alaali iyo cidaan is leenahay wax ayeey ka qaban kartaa, oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya iy maamul goboleedyada waayo iyagaa iska leh mas'uuliyadaas iyo wax ka qabashadeeda.

Qore: Maxamed Aadan Isxaaq