Our Visitors

Flag Counter

Saturday, October 30, 2021

Waa sidee xaalka kalluumeeysatada Deegaanka Ceel-Macaan


Halkan waa Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaa ay caanku tahay marka laga soo tago dakadii macmalka aheyd ee xili halkaas ku taali jirtay, wax soo saarka qeyraadka bada kaasoo soo jiitay indhaha ganacsato iyo kaluumeeysato farabadan.
Mar aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Macaan waxaa uu ii sheegay in ay halkaas ka jiraan hoos u dhac xoogan oo ku yimid wax soo saarka qeyraadka bada.


Sidaad ka aragtaan kawaanka Malaayga ee Deegaanka Ceel-Macaan, waxaa la garan la yahay waxa sababay hoos u dhacaas saameeynta balaaran ku yeeshay Ganacsatada iyo Kalluumeeysatada sida tooska ah noloshoodu ugu xiran tahay wax soo saarka qeyraadka bada.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in uu isbadal weyn ku imaan doono bada maadaama hada un uu biloowday xiligii Deerta kaasoo ah xili aad iyo aad ugu wanaagsan wax soo saarka qeyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, September 30, 2021

Maxaa la filan karaa xiliga Deerta?


Waxaa biloow ah xiliga Deerta kaasoo ah xili aad loogu xisaabtamo dhan kasta, hadeey tahay kaluumeeysi ama dalxiis iyo dabaalasho.

Mar aan wareeystay ganacsade Cabduqaadir Jimcaale wuxuu ii sheegay in ay jirto saadaal wanaagsan, "Waxaa biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka (Tona) kaasoo aad loo jecel yahay dal iyo dibadba, wuxuuna tusaale u yahay in biloowday xiligii Deerta"

Sidoo kale waxaa isbadalay jawiga guud ee bada, kaasoo soo jiitay dad badan oo aad u daneeynaaya in ay ku raaxeeystaan dabaal ama dalxiis iyo hawo qaadahso indhana ugu raaxeeyaan biyaha Buluug iyo Cagaar ka ah ee bada iyo Cirka Saxar la aanta ah iyo Cadceeda Macaan.

Si kastaba waxaan aad iyo aad ugu rajo weyn nahay in uu xiligaan noqon doono mid barwaaqo ah kaasoo si fiican looga faaideeysto.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Monday, August 30, 2021

Waxa aad hoos ugu dhacay kalluunkii/malaaygii.


Waxaa laga dareemayaa Malaay yari xoog leh dhamaan Suuqyada lagu gado Malaayga ee ku yaal Magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw.

Waxa sababay in uu yaraado wax soo saarka qeyraadka bada ayaa loo aaneenayaa xiliga hada lagu guda jiro ee xagaaga, waana xiliga bad xiranka.

Intabadan doomaha ay kalluumeeysatadu isticmaasho ma gali karaan bada sababtoo ah waa kuwo aad u yar yar.

Aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel Macaan waxaa uu ii sheegay in ay jirto rajo laga qabo in ay bada is badasho maadaama uu gabaabs yahay xiliga xagaaga.

Intabadan xiligaan oo kale waxaa sare u kaca qiimaha lagu kala gato Malaayga taasoo faaido iyo qasaaraba u ah kalluumeeysatad, maxaa yeelay waxaa ay qaarkood naftooda iyo maalkoodaba ku biimeeyaan sidii ay kalluun u soo heli lahaayeen oo ay faaido fiican uga heli lahaayeen, taasoo keenta qasaare naf iyo maalba leh.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, July 18, 2021

Maxaa keenay in ay soo Bataan Haamaha?

Mudo ka yar laba bilood gudaheed waxaa xeebaha Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ku soo caariyay Haamo aan lagaraneeyn waxa ku jira.
Waxaa ay Haamahan walaac ku abuureen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Xeebaha dalka.

Dhamaan Waxgarad Culumaa udiinka Aqoon yahanada iyo Hooyooyinka ku dhaqan deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ay codsi u diraayaan Dowlada Federalka Soomaaliya in Xal deg deg ah loo helo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee bulshada iyo bay'adaba ku haaya qatarta weyn.

Sidoo kale Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay Ka codsaneeysaa Maamulka Hir/Shabeele iyo kan Dowlada dhexeba in sare loo qaado la socoshada xaaladahaan soo noq noqday ee ay ugu dambeeyso midan Caddale ka taagan.

Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay uga digeeysaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ku xeeran Xeebaha dalka iyo cid kastoo xeebaha u tagta dalxiis ama siyaabo kale in ay ka digtoonaadaan Haamaha noocaan oo kale ah, kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh geeysan kara.

W/Q: Mohamed Adam Ishak.

Wednesday, June 2, 2021

Haan laga shakisan yahay ayaa ku soo caarisay xeebta Jaziira.


Haan aan la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caarisay xeebta deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xeebta Jaziira oo ah xeeb ay si weyn ugu dalxiisaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed aadna mashquul u ah maalmaha isbuuca uu ka kooban yahay ayaa hada waxaa wal-wal ka abuuray haantaan aan la ogeyn waxa ku jira ee lagu arkay xeebta.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee xeebaha dalka lagu arko haaman ku soo caariyay, laakiin waa markii labaad mudo 9 sano ah oo ay haan noocaan oo kala ah ay deegaanada Jaziira hoos taga lagu arko.

Waxeey aheyd 2012 kii markii naloo soo sheegay haan aan la ogeyn waxa ku jira oo ku soo caarisay deegaanka Baqal iyo Xawaaloow oo hoos taga deegaanka Jaziira.

Hadaba Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center) waxaa ay ugu baaqeeysaa Dowlada Federalka Soomaaliya in ay si dhaqso ah ula wareegto Haantaas una maareeyso waxa ku jiray inta aysan Dadka iyo Deegaanka waxyeelo u geeysan.

Baaris heer caalami ahna ku sameeyso maraakiibta caadeeystay in ay sunta iyo qashanka ku soo daadiyaan bada Soomaaliyeed.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada xeebaha ku teetsan waxaan uga digeeynaa in ay ka foojignaadaan Haamaha nooc kaste leh ee ku soo caariya xeebaha kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh idiin geeysan kara idinka iyo xoolihiinaba.

Codsi. Ocean Care Movement Center Somalia waxeey si xushmad iyo ixtiraam leh uga codsaneeysaa qof walboo arka Haamaha noocaan oo kala ah in ay sida ugu Macquulsan ula soo xiriiraan xafiisyadeena.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, May 30, 2021

Maxaa la filan karaa xagaag?


Waxaa soo socda xiliga xagaaga kaasoo calaamadihii lagu yaqaanay ay biloowdeen.

Marka aan ka hadleeyno bada iyo kaluumeeysiga xiliba waxaa uu leeyahay mudnaan iyo ahmiyad gaar u ah sida

1) Nooc Malaay ah oo u gaar ah

2) Xaalada iyo Jawiga xiligaas

3) Doomaha ku wanaagsan xiligaas

Hadaba xagaaga waa waa xili noocee ah? 

Xagaaga waa xili ay bada aad u kacdo Soomaalida aan kaluumeeysatada aheyna ay ku garan karaan xiliga bad xiranka kaasoo saameeyntiisa laga wada dareemo guud ahaan suuq yada dalka.

Maceeshada iyo wax yaabaha kale ee nolosha saameeyana ay qaali noqdaan sababtoo ah, waxaa yaraada safarka bada ee isaga kala safra wadamada aan xiriirka ganacsiga leenahay.

Sidaasoo kale waxaa aad hoos ugu dhaca wax soo saarka kaluumeeysatada yar yar iyo kuwa meel dhexaadka ah.

Waxaa la soo dhaafay laba xili oo ay bada aad barwaaqo u aheyd.

Waxaan Eebe ka rajeynaayaa in uu u saqiro xaaladaha dhamaan kaluumeeysatada noocyadooda kala duwan gaar ahaan kuwa tabarta yar.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Friday, April 9, 2021

Xiliga Guga' waxaa aad looga faa'ideeysanaayaa Kalluunka noocyadiisa kala duwan

 











Waxaa aad hoos ugu dhacay qiimaha lagu kala gato/iibsado kalluunka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan noocyada ay adku aadka u jecel yihiin sida 


  1. Jeedarka/Tabadinka
  2. Yuumbiga/Taraaqada
  3. Daambariga/Afka-Toob
iyo kuwo kaloo badan, hadaan tusaale u soo qaato Yuumbiga/Taraaqada oo markii hore kiiladiisa lagu kala gadan jiray 5 ilaa 6 doolarka Mareeykanka ayaa hada lagu kala gadanayaa 1.5 hal doolar iyo bar halkaasoo aad ka dareemi kartid farqiga u dhexeeya.



















Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa noo sheegay in hoos u dhacaas uu sababay sara u kaca wax soo saarka kheyraadka bada oo xiligaan meel aad u sareeysa gaaray iyo xiliga oo ah xili barwaaqo ah.

Waxaa kaloo aad dalka ugu soo badanaaya isticmaalka noocyada kala duwan ee kheyraadka bada taasoo aan horey loo aqoon jirin, sida 

Yaambo/Octopus

















Duusho/Squid






























Run ahaantii waxaa muuqda in horumar balaaran laga gaaray isticmaalka kheyraadka bada kaasoo aysan dadka Soomaaliyeed aad u qoon markoodii hore.

Isbadalkan ayaa loo sababeynayaa dadka Soomaaliyeed oo aad ugu kala baahay daafaha caalamka wax badana ka soo bartay dhaqamada kala duwan ee aduunka.

Maadaama diinteena suuban aysan inoo diideyn isticmaalka kheyraadka bada oo qof walboo jecelin uu tijaabiyo wax cusub sideeydoo kale ay fursad weyn u tahay isbadalkaas.

W/Q Mohamed Adam Ishak