Our Visitors

Flag Counter

Sunday, July 18, 2021

Maxaa keenay in ay soo Bataan Haamaha?

Mudo ka yar laba bilood gudaheed waxaa xeebaha Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ku soo caariyay Haamo aan lagaraneeyn waxa ku jira.
Waxaa ay Haamahan walaac ku abuureen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Xeebaha dalka.

Dhamaan Waxgarad Culumaa udiinka Aqoon yahanada iyo Hooyooyinka ku dhaqan deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ay codsi u diraayaan Dowlada Federalka Soomaaliya in Xal deg deg ah loo helo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee bulshada iyo bay'adaba ku haaya qatarta weyn.

Sidoo kale Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay Ka codsaneeysaa Maamulka Hir/Shabeele iyo kan Dowlada dhexeba in sare loo qaado la socoshada xaaladahaan soo noq noqday ee ay ugu dambeeyso midan Caddale ka taagan.

Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay uga digeeysaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ku xeeran Xeebaha dalka iyo cid kastoo xeebaha u tagta dalxiis ama siyaabo kale in ay ka digtoonaadaan Haamaha noocaan oo kale ah, kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh geeysan kara.

W/Q: Mohamed Adam Ishak.

No comments:

Post a Comment