Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, June 2, 2021

Haan laga shakisan yahay ayaa ku soo caarisay xeebta Jaziira.


Haan aan la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caarisay xeebta deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xeebta Jaziira oo ah xeeb ay si weyn ugu dalxiisaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed aadna mashquul u ah maalmaha isbuuca uu ka kooban yahay ayaa hada waxaa wal-wal ka abuuray haantaan aan la ogeyn waxa ku jira ee lagu arkay xeebta.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee xeebaha dalka lagu arko haaman ku soo caariyay, laakiin waa markii labaad mudo 9 sano ah oo ay haan noocaan oo kala ah ay deegaanada Jaziira hoos taga lagu arko.

Waxeey aheyd 2012 kii markii naloo soo sheegay haan aan la ogeyn waxa ku jira oo ku soo caarisay deegaanka Baqal iyo Xawaaloow oo hoos taga deegaanka Jaziira.

Hadaba Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center) waxaa ay ugu baaqeeysaa Dowlada Federalka Soomaaliya in ay si dhaqso ah ula wareegto Haantaas una maareeyso waxa ku jiray inta aysan Dadka iyo Deegaanka waxyeelo u geeysan.

Baaris heer caalami ahna ku sameeyso maraakiibta caadeeystay in ay sunta iyo qashanka ku soo daadiyaan bada Soomaaliyeed.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada xeebaha ku teetsan waxaan uga digeeynaa in ay ka foojignaadaan Haamaha nooc kaste leh ee ku soo caariya xeebaha kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh idiin geeysan kara idinka iyo xoolihiinaba.

Codsi. Ocean Care Movement Center Somalia waxeey si xushmad iyo ixtiraam leh uga codsaneeysaa qof walboo arka Haamaha noocaan oo kala ah in ay sida ugu Macquulsan ula soo xiriiraan xafiisyadeena.

W/Q Mohamed Adam Ishak

No comments:

Post a Comment