Marka la joogo Soomaaliya kaluumeeysiga ma aha wax ahmidyad sidaas ah
ku dhex leh nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo intoodabadan ay fikrad
qaldan ka aaminsan yihiin kaluumeeysiga xirfad ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Sidaas oo ay tahay aniga iyo qoyskeyga waxaan jecel nahay in aan waqti
wanaagsan ku qaadano xeebta dabayaaqada isbuuc kasta halkaasoo aan ku
raaxeeysano kalluumeeysiga xirfad ahaan iyo sports ahaanba.
Hadaan nafteyda ka bilaabo, waxaan ka soo jeedaa qoys aan sal iyo raad toona
ku laheyn taariikhda kalluumeeysiga dalkeyga, kana mid ah dadka u arka wax laga
xishooda in aad naftaada ku tilmaanto kalluumeeyste.
Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waxaan ku dhashay jaceyl aan xad laheyn oo
aan u qabo badda iyo xirfadaas. Waxaa nacasnimo illa aheyd markaan yaraa in
anigoo ku nool meel badda aad uGu dhaw hadana aan ka qatanaado qeyraadka
balaaran ee uu eebe ku maneystay.
Jaceylkii aan u qabay badda iyo kallumeeysiga waa uu sii kordhay waxa uuna
la koray da'deyda waayo hada oo aan ahey aabe caruur leh waxaan wali wadaa
kalluumeeysigii waliba waxaan u gudbiyay caruurteyda oo qaar badan oo ka mid ah
ay da' aad u yar ku qabteen kalluun tiro badan Maashaa allaah.
Waxaan ku faraxsanahay in aanan dareen qaas ah siineeyn fikrada qaldan ay
dadkeyga intiisa badani ka aamin san yihiin kalluumeeysiga, maadaama aysan
aheyn wax ay diinteena muqadaska ah diiday oo xaaraan ah.
Waxaan ka xumahay in dad badan ay maanta ka qatan yihiin nimcadaas eebe nagu
maneystay oo sida lacag la'aanta ah agteena looga helo iyagoo maqaayadaha iyo
suuqyada lagu iibiyo u ogol in ay lacag badan ku bixiyaan.
Waa waxa aan fahmi waayay intaan noolaa caqliga iyo xigmada ku jirta in aad
shey soo saaridiisa iyo la soo bixidiisa ceebeeyso hadana aad cunidiisa iyo qarashgereyntiisa
caadi u aragto.
Waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan dabaal daga gabadheyda Saabiriin
oo markii uGu horeysay qabatay Malaaygaas/Kalluunkaas yar oo ay gacanta ku
heyso. Hambalyo Hambalyo Saabiriin halkaada ka sii wad in aad noloshaada ku
raaxeysato waxa aad jeceshahay ee wanaag ah diinteena ogoshahayna sameyso
adigoo aragti cid kale fiirineyn maxaa yeelay ma tihid qof kale, dareenkooda
iyo waxa ay jecel yihiina kama shaqeysid.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq