Our Visitors

Flag Counter

Tuesday, October 31, 2017

Dekeda Boosaaso oo muddo todobaad ku dhow haawaneysa & Maraakiibtii oo ka qaxay (Daawo Sawirro)


Dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka bari oo ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay Maamulka Puntland ayaa waxaa hakad galay  dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday muddo ku dhow dhow todobaad.

Dekeda oo dhawaan lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports oo hoos tagta shirkada DP World ayaa waxaa sidoo kale ka qaxay Maraakiibtii iyo doonyihii ku xirnaa.

Arintan ayaa timid ka dib ka dib muran ka dhashay khidmado lacageed oo lagu soo rogay Doonyihii ku soo xiran jiray dekeda Boosaaso, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada Dekada Boosaaso ay sheegeen inaysan awood u lahayn lacagahan oo ay soo rogtay shirkada gacanta ku haysa maamulka dekada Boosaaso.

Lacagaha lagu soo rogay doonyaha ku soo xirta Boosaaso ayaa waxaa la sheegay iney afar jeer ka badan yihiin kuwii horey looga qaadi jiray.
Waxaa dekadda banaankeeda lagu arkayaa oo taagan muddo todobaad ku dhaw dhamaan doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekeda, waxay gudaha dekedu noqotey mid faaruq ah.
Xirnaashaha Dekada ayaa waxaa laga dareemay magaalada Boosaaso, waxayna saameyn ku yeelatay dad badan oo garab xamaalato ahaa oo nolashoodu ku xirneyd Dekada Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sciid Carshe ayaa maanta sheegay iyagoo u turaya shacabka iyo ganacsatadaba lagu heshiiyey in dekaddu u shaqeyso sidii ay u shaqeyn jirtey ka hor inta aan lagu wareejin shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta ee P&O, wasiirku ma sheegin isbeddelka ku yimid nidaamka dekadda ee dhibaatada keenay, isagoo beeniyey iney jiraan lacago dheeri ah oo lagu soo rogay maraakiibta iyo doonyaha ku soo xiran jiray.

Xigasho Shabakada Allbanaadir.net

No comments:

Post a Comment