Our Visitors

Flag Counter

Saturday, October 21, 2017

Gabdhaha wey kaluumeeysan karaan....





Marka la joogo Soomaaliya kaluumeeysiga ma aha wax ahmidyad sidaas ah ku dhex leh nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo intoodabadan ay fikrad qaldan ka aaminsan yihiin kaluumeeysiga xirfad ahaan iyo dhaqan ahaanba.


Sidaas oo ay tahay aniga iyo qoyskeyga waxaan jecel nahay in aan waqti wanaagsan ku qaadano xeebta dabayaaqada isbuuc kasta halkaasoo aan ku raaxeeysano kalluumeeysiga xirfad ahaan iyo sports ahaanba.


Hadaan nafteyda ka bilaabo, waxaan ka soo jeedaa qoys aan sal iyo raad toona ku laheyn taariikhda kalluumeeysiga dalkeyga, kana mid ah dadka u arka wax laga xishooda in aad naftaada ku tilmaanto kalluumeeyste.


Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waxaan ku dhashay jaceyl aan xad laheyn oo aan u qabo badda iyo xirfadaas. Waxaa nacasnimo illa aheyd markaan yaraa in anigoo ku nool meel badda aad uGu dhaw hadana aan ka qatanaado qeyraadka balaaran ee uu eebe ku maneystay.


Jaceylkii aan u qabay badda iyo kallumeeysiga waa uu sii kordhay waxa uuna la koray da'deyda waayo hada oo aan ahey aabe caruur leh waxaan wali wadaa kalluumeeysigii waliba waxaan u gudbiyay caruurteyda oo qaar badan oo ka mid ah ay da' aad u yar ku qabteen kalluun tiro badan Maashaa allaah.


Waxaan ku faraxsanahay in aanan dareen qaas ah siineeyn fikrada qaldan ay dadkeyga intiisa badani ka aamin san yihiin kalluumeeysiga, maadaama aysan aheyn wax ay diinteena muqadaska ah diiday oo xaaraan ah.


Waxaan ka xumahay in dad badan ay maanta ka qatan yihiin nimcadaas eebe nagu maneystay oo sida lacag la'aanta ah agteena looga helo iyagoo maqaayadaha iyo suuqyada lagu iibiyo u ogol in ay lacag badan ku bixiyaan.


Waa waxa aan fahmi waayay intaan noolaa caqliga iyo xigmada ku jirta in aad shey soo saaridiisa iyo la soo bixidiisa ceebeeyso hadana aad cunidiisa iyo qarashgereyntiisa caadi u aragto.


Waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan dabaal daga gabadheyda Saabiriin oo markii uGu horeysay qabatay Malaaygaas/Kalluunkaas yar oo ay gacanta ku heyso. Hambalyo Hambalyo Saabiriin halkaada ka sii wad in aad noloshaada ku raaxeysato waxa aad jeceshahay ee wanaag ah diinteena ogoshahayna sameyso adigoo aragti cid kale fiirineyn maxaa yeelay ma tihid qof kale, dareenkooda iyo waxa ay jecel yihiina kama shaqeysid.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq



No comments:

Post a Comment