Dadweynaha ku nool Deegaanka Ceel-Macaan ayaa waxaa fara ba'an ku haya qalfoofta iyo haraadiga ka haray Maraakiib, Dooman iyo Shactaro hore oo burburay.
Birahaas mirirka ah ayaa waxaa ay dhibaato isug jirta dhaawac iyo burbur hantiyeed ka soo gaartaa dadka kaluumeeysatada u badan ee ku nool Deegaanka Ceel-Macaan,
Dadka Deegaanka Ceel-Macaan ku nool ayaa si naxariisi ay ku jirto waxa ay uga codsanaayaan cid alaale iyo cidii gacanka geysan karta maareeynta birasaah ku burburay xeebta ee dhibta ku haya Dad iyo Duunyo ba in ay u soo gurmadan.
Xigasho: Dalsoor Tv
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Thursday, March 15, 2018
Wednesday, February 28, 2018
Daawo Sawirada: Hay'ada FOA oo tababar siineeysa haweenka ku nool xeebaha.
Halkan waa Magaalada Boosaaso, Hey'ada Cuntada iyo Hurumarinta beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (FOA) ayaa waxaa ay tababar siineeysaa hablaha ku nool kaamamka barakacayaasha ee nawaaxiga xeebta dheer ee magaalada Boosaaso.
Haweenkan waxaa la barayaa sida looga faa'ideysto kaluunka, mudo dheerna loo keediyo, iyadoo la isticmaalaayo hanaanka qorax ku qalajinta.
Source:http://www.puntlandtrust.com/2018/01/blog-post_30.html
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, February 10, 2018
Daawo Sawirada: Dadaalo lagu badbaadinaayo Doon u raran ganacsato.
Waxaa si heer sare ah u socda dadaalo lagu badbaadinaayo doon u raran ganato, taasoo ku soo caarisay magaalada Boosaaso.

Howshaas balaaran waxaa si hagar la'aan ah uga qeyb qaadanaaya dhamaan shacab weynaha ku nool guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Hosha waxaa ay socotaa muda ku siman sedex maalmood waxaana la dhisay in ka badan 200 mitir waxaa hada ka dhiman in doonta loo tago wax ka yar 50 mitir.

Waxaan alle ka rajeyneynaa in uu ku garab galo dadaaladoodaas oo ay ku guuleeystaan inshaa allaah kuna bad baadsadaan hantidaas ku sigatay in ay baaba' do taaasoo saameeyn weyn ku leh nolosha dad weyne tiro badan oo Soomaali ah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, February 3, 2018
Halkuu ku dambeeyay mashruucii lagu dhigaayay qalabka FISH AGGREGATING DEVICES (FAD).
Ku dhawaad shan sano ka hor waxaa deegaana ku teetsan badda laga hir galiyay qalab ku cusub kalluumeeysatada Soomaalida qalabkaas oo loo yaqaan Fish Aggregating Device loona soo gaabiyo (FAD).
Qalabkaas wuxuu ahaa deegaan macmal ah oo uu kaluunka gabaadsado si uu uga bad baado kalluunka kale ee ugaarsada.
Qalabkaas meelaha laga hir galiyay waxaa ka mid ahaa Deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabeelaha Hoose, si aan wax badan uga ogaado xaalka uu ku sugan yahay qalabkaas mudo shan sano ku dhaw ka dib ayaan taleefanka kula hadlay Salaad Jimcaale oo ka mid ah kalluumeeysatada ka howl gasha deegaankaas.
Mudane Salaad Jimcaale wuxuu ii sheegay in qalabkaas uu ka koobnaa la qeyb, in muda ahna lagu diirsaday laakiin ugu dambeeyntii uu qalabkii xargaha goostay qeybna ay soo caarisay oo ay banaanka u soo baxday qeybna ay bada raacday oo uu san sheegi karin meesha ay sida saxda ah uga baxday iyo in ay meel kale qabsatay.
Hadaba marka la helo qalab kaasoo kale waxaa muhiim ah in si fiican looga taxadaro ilaalinta iyo la socoshada xaaladaha uu ku sugan yahay fikrad fiicana laga qaato sida loo sameeyay si la isugu filnaado oo looga baaqsado ku tiirsanaanta kaalmo shisheeye.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Thursday, January 25, 2018
Maamuulka Soomaaliland ayaa Shatiyada kala noqotay maraakiibta ka kaluumeeysatad deegaanka uu maamulkaas ka arimiyo.
Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Soomaaliland ayaa shatiyada kala noqday dhamaan maraakiibta ka kaluumeeysata deegaanada uu ka arimiyo maamulkaas.
Waxa sababay in shatiyada la laabto ayuu wasiirka Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka bada ku sheegay kala fogaasho qiimaha shatiyada lagu qaato iyo wax soo saarka maraakiibtaas oo aad u sareeya.
Hadaba arintaas ayaan wax ka weydiiyay Daahir Cabdule Ali oo ah aqoon yahan Soomaalyeed oo aad ugu dhuun duleela xaaladaha dalka iyo dadka.
Su'aal: Maxeey kula tahay shatiyada lagala noqday maraakiibta ka kaluumeeysta deegaanada maamulka Soomaaliland uu ka arimiyo?
Daahir Cabdule Ali: Waxeey ila tahay in ay sax tahay arintaas waayo dhaqaalaha lagala baxo badeena sanadkii waxaa lagu qiyaasaa maalaayiin dollar, qiimaha shatiyada lagu jartana waa wax ka yar mal yan una dhaweyn marka wax faa'ido ah oo dadka iyo deegaankaba ugu jiro malaha fasaxaas.
Su'aal: Dhanka dhaqaalaha iyo daqliga dawlada sow saameeyn kuma yeelaneyso joojinta daqligii laga heli jiray bixinta shatiyada?
Daahir Cabdule Ali: Waxaan aaminsanahay in ay awalba wax saameyn weyn ku leh daqliga dowlada aysan aheyn, sidaan kuu sheegayna waxaa aad uga badnaa qasaaraha ay geesan jireen maraakiibtaas waayo majirto cid koontarooli jirtay hab dhaqankooda shaqo markoodii horena lama waafajin hanaanka saxda ah ee shatiyada lagu bixiyo caalamka, waxaa la dhihi karaa waxaa ay howshu ku socotay si musuqmaasuq ah maadaama ay san dad iyo dalkaba faa'ido ugu jirin bixinta shatiyadaas.
Su'aal: Malaga yaabaa in ay iska sii wataan howshoodii oo ay san u joojin shatiyadii laga qaaday maadaama ay xog ogaal u yihiin awooda maamulka iyo koontarool yarida jirta?
Daahir Cabdule Ali: Waa suurto gal maxaa yeelay awalba lama hubin in ay si sax ah ugu hogaan samaan fulinta wixii lagu balamay markii la siinaayay shatiga ama ogolaashaha, waxaa kaloo sii dheer waxaa ay xog ogaal u yihiin dacaya ka jira bada iyo sida sharci darada ah ee looga kaluumeeysanaayo.
Su'aal: Aan kaa dhex galo maxaad ku talin la heyd hada? sidee looga hortagi karaa xaalufinta balaaran ee lagu hayo badda?
Daahir Cabdule Ali: Waad mahadsan tahay, waa in ay maamulada iyo dowlada dhexe iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa xaalufinta ba'an ee lagu hayo bada taasoo saameeynteeda meel walba laga dareemay, waa in ay dhistaan ciidamo tayo leh oo ugu yaraan gacan ka geeysta in laga hor istaago maraakiibta sharcidarada ah kusoo dhawaashaha xeebaha dhaw dhaw bad weynta allaa loo qabaa inta ay dowladnimada caga fiican uga istaageeyso.
Ocean Care Somalia Waad ku mahadsan tahay sida aan noola wadaagtay waqtigaaga qaaliga ah Mr Daahir Cabdule Ali.
Daahir Cabdule Ali: Idinkaa Mudan, Halkiina ka sii wada howsha qiimaha badan ee aad Dalka u heeysaan.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, January 15, 2018
Sidee badeena looga ilaalin karaa kuwa sida sharcidarada ah uga kaluumeeysta?
Ka dib bur-burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa aad iyo aad u sii kordhaayay boobka iyo baabi'inta lagu hayo kheyraadka dalka, qaas ahaan Badda oo beylaha u noqotay burcad badeed isaga timid dunida daafaheeda haba ugu sii darnaadaan wadamada Aasiya. Sida ka muuqata video ga hoose
Waa shirkad laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta (UAE) oo si aan kala sooc laheyn u xaalufineysa badeena.
Sidaad wada ogtihiin wadanka Imaaraadka Carabta waxaa uu la wareegay dhowr dakadood oo ku yaala Wadanka sida Berbera, Boosaaso iyo Baraawe.
Tani waxaa ay daliil u noqoneysaa in Imaaraadku uu usan cidna ogolaasho weydiisaneyn maadaama uu wadanka kheyb ka yeeshay oo uu siduu rabo iska takrifalaayo kheyraadkiisa.
Hadaba maxaa la gudboon ummada Soomaaliyeed ee mudada sodonka sano ku dhaw la soo daalaa dhaceysay colaad gacan ku sameys ah oo dibada looga soo abaabulay si looga mashquuliyo baabi'inta iyo boobka lagu hayo dalkooda taasoo aysan dunidu u kala harin.
Waxaad ogtihiin in dowlada aan dariska nahay ee Kenya ay qeyb weyn oo badeena ah rabto in ay xoog kula wareego inagoo soo taagan.
Waxaad aragtaan wadamadii islaamka sheeganaayay ee aan carabnimda macmalka ah la wadaagno sida ay u dhaqmayaan.
Maalinba maalinta ka dambeysa waxaan baraneynaa cadaw cusub oo doonaya in uu na baabi'iyo diintuu rabo hasheegto qaaraduu rabana haka soo jeedee.
Waxeey ila tahay in aan soo baraarugi doono mar wadankii lakala qaatay kheyraadkiisiina la baabi'iyay oo la boobay.
Allaa u maqan dalkan iyo dadkan dayacan ee naftooda iyo dalkoodaba shisheeyaha u loogay.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Sunday, January 7, 2018
Ma moodaa in lagu baraarugay kaalinta maqan ee wax soosaarka Bada?
Mudo dheer ayaan isweydiinaayay sababta looga faaideysan la’yahay
kheyraadka uu eebe ku maneeystay badeena muga iyo baaxada weyn leh.
Waxaan ka qoray maqaalo badan oo ku saabsan sida loo dayacay
kheyraadka balaarane bada ee uu eebe noogu deeqay, ku waasoo aan ku soo
bandhigay dhowr shey oo ah ku wa ugu sahlan helidooda hadana aanan laga faa’ideysaneyn.
Dareenkeygii ku aadanaa arintaas waan ogaa in uusan kaligeey
igu koobneyn oo ay ila wadaagaan dad badan oo Soomaali ah oo dal iyo dibadba
jooga.
Jimcihii 05-01-2018 - Barnaamishka Ogaal ee ka baxa idaacada
BBC laanta af-Soomaaliga waxaa lagu soo qaatay Sababta ay dadka Soomaalida ah
uga faa’ideysan la’yihiin kheyraadka bada xili beerihii iyo xoolihii ay
xaaladooda adagtahay.
Barnaamishkaas si weyn ayaan ugu farxay waxaana dareemay in
wacyiga dad weynaha ee ku aadan Badda uu aad sare ugu kacay, oo hada la taagan yahay xiligii wax la iska
weydiin la haa sababta looga faaideysan la’yahay badan meesha isaga taal iyo
caqabadaha hortaagan in saas la sameeyo.
Waxaan hubaa in ay doodaas dad badanoo kale dareenkooda taabatay
oo ay wax iska weydiinayaan sida qaabka habka ugu haboon ee looga faa’ideysan
karo kheyraadka bada iyo sida ugu sahlan ee loo bilaabi karo, iyagaoo fikir
fiican kala baxay caqabadihii lagu gorfeeyay barnaamishkaas ee hortaagan in
laga faa’ideysto kheyraadka bada taasoo ay ugu horeeyso.
- Wado/Jid Xumo
- Qaboojiye la’aan sababta in la gaarsiin karin kaluunka iyo kheyraadka kale ee bada laga soo saaro suuqyada magaalooyinka waaweyn.
- Agabka ay heystaan kaluumeeysatada Soomaalida ah oo aan hormarsaneyn
- Suuq xumo dibada iyo gudaha ah – waloo ay hada dadka Soomaaliyeed ee gudaha ay aad u soo fahmayaan isticmaalka kheyraadka bada noocyadiisa kala duwan
Waxaan rajeynayaa in sanadkan cusub uu biloow fiican u noqon
doono kacdoonka ka daryeelka iyo faa’ideysiga kheyraadka bada Inshaa allaah.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Subscribe to:
Posts (Atom)