Our Visitors

Flag Counter

Monday, January 1, 2018

Sanadkan cusub malaga yaabaa in ay Warshadaha Kalluunka soo bataan


Sidaan wada ognahay Soomaaliya waxaa ay leedahay xeebta ugu dheer Africa hadana malaha Warshadaha Kaluunka/Malaayga qasacadeeya.

Wixii ka dambeeyay Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa baaba'ay gabi ahaan warshadihii uu dalku lahaa, laakiin illaah mahadii waxaa dib loo soo kiciyay Warshadii Kalluunka Laas Qoray

Taasoo gacan ka geysatay in dib dunida loogu arko Kaluun ay ku qoran tahay Made in Somalia.

Durbaba waxaa uu saameeyn weyn ku sheeshay suuqyada geeska Africa Sida Soomaaliya Jabuti Kenya Sudan Uganda iyo Ethiopia.

Aniga nafteyda safar aan ku dhex maray Somalia Kenya Uganda iyo Sudan waxaa sahay noo ahaa aniga iyo dadkii ila socday Kaluunka ay warshada Las Qoray soo saartay.

Rayi aruurin aan sameeyay intaan ku guda jiray safarkaas waxaan ku xaqiiqsaday in Kaluunka Las Qoray uu yahay lambar.

Dhiiri galinta ay sameeyay Warshada Kaluunka Las Qoray waxaa ka dhashay warshada Kaluunka Xaabo.

Taasoo saameeyn aan la dhayalsan karin ku yeelatay Suuqyada waaweyn ee dalka iyo dibadaba.


Hadaba waxaan eebe ka rajeyneynaa in uu sanadkan noqdo mid warshado badan ay dalka ku soo kordhaan qaasatan kuwa kalluunka, gacan weyna ay ka geestaan sare u kaca wax soo saarka dalka inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, December 18, 2017

Qiimaha lagu kala iibsado kalluunka oo aad sare ugu kacay .....

Waxaa sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado/gato kalluunka/malaayga ee magaalo xeebeedyada Konfurta Soomaaliya ka dib markii ay dabeelo xoog badani ka kaceeb xeebaha.


Dabeelahaas ayaa sababay bada oo aad u kacday taasoo kaliftay in ay ku dhiiran waayaan kaluumeeysatada yar yar ee aan heysan doomo xoog leh oo iska celin kara xooga dabeelaha.


Waxaa aad u yaraaday kaluunka la soo gaarsiiyo suuqyada waaweyn ee lagu kala iibsado kaluunka, iyadoo ay aad u soo badaneeyso isticmaalka kalluunka ee magaalooyinka waaweyn.


Si kastaba ha ahaatee waxaa la rajeynayaa in ay sii socoto dabeeshan ilaa bil ama bil iyo bar haduu eebe idmo inshaa allaah.



W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, November 27, 2017

Cunista Malaayga/Kaluunka oo aad ugu soo badaneysa Magaalooyinka.....


Waxaa aad ugu soo badanaaya magaalooyinka waaweyn cunista kaluunka, taasoo lagu macneeyay sababo kala duwan.



Dadka qaar ayaa aaminsan in la soo fahmaayo faa'idooyinka uu caafimaadka u leeyahay kaluunka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu yaraan isbuucii la cuno hal jeer.

Kuwo kale ayaa aamin san in abaarihii dhacay ay sababtay xoolo yari keentay in uu kor u koco hilibka, sidaas darteedna ay dadka u jeesteen cunista kaluunka.



Si kastaba ha ahaatee waa horumar fiican oo ku soo kordhay nolol maalmeedka bulshada Soomaaliyeed, maxaa yeelay Soomaalidu waxeey tiraahdaa "war helaa talo hela" waxaa ay il uga bixi doontaa dad badan oo sii joogteyn doona cunista kaluunka.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Saturday, November 18, 2017

Waxaa dib dalkoodii loogu celiyay...


Waxaa si nabad ah dalkoodii uGu laabtay bad-maaxiin u dhashay dalka Pakistan, ku waasoo lagu hayay Magaalada Kismaayo.

Bad-maaxiintaan ayaa ku eedeeysnaa in ay si sharci daro ah uga kaluumeeysanayeen Badaha Soomaaliya.

Wali si cad looma oga waxa ay uu ku dhamaatay eedeeyntii loo heestay, taas oo ay dad badani ka warsugayeen waxa ay ku dambeeyn doonto.


Waxaa sii deeyntooda gacan ka geystay wadankii ay u dhasheen ee Pakistan iyo Hay'ada Laan-qeyrta Cas, dadaaladaaso guuleeystay uGu dambeyntii.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Tuesday, October 31, 2017

Dekeda Boosaaso oo muddo todobaad ku dhow haawaneysa & Maraakiibtii oo ka qaxay (Daawo Sawirro)


Dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka bari oo ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay Maamulka Puntland ayaa waxaa hakad galay  dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday muddo ku dhow dhow todobaad.

Dekeda oo dhawaan lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports oo hoos tagta shirkada DP World ayaa waxaa sidoo kale ka qaxay Maraakiibtii iyo doonyihii ku xirnaa.

Arintan ayaa timid ka dib ka dib muran ka dhashay khidmado lacageed oo lagu soo rogay Doonyihii ku soo xiran jiray dekeda Boosaaso, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada Dekada Boosaaso ay sheegeen inaysan awood u lahayn lacagahan oo ay soo rogtay shirkada gacanta ku haysa maamulka dekada Boosaaso.

Lacagaha lagu soo rogay doonyaha ku soo xirta Boosaaso ayaa waxaa la sheegay iney afar jeer ka badan yihiin kuwii horey looga qaadi jiray.
Waxaa dekadda banaankeeda lagu arkayaa oo taagan muddo todobaad ku dhaw dhamaan doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekeda, waxay gudaha dekedu noqotey mid faaruq ah.
Xirnaashaha Dekada ayaa waxaa laga dareemay magaalada Boosaaso, waxayna saameyn ku yeelatay dad badan oo garab xamaalato ahaa oo nolashoodu ku xirneyd Dekada Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sciid Carshe ayaa maanta sheegay iyagoo u turaya shacabka iyo ganacsatadaba lagu heshiiyey in dekaddu u shaqeyso sidii ay u shaqeyn jirtey ka hor inta aan lagu wareejin shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta ee P&O, wasiirku ma sheegin isbeddelka ku yimid nidaamka dekadda ee dhibaatada keenay, isagoo beeniyey iney jiraan lacago dheeri ah oo lagu soo rogay maraakiibta iyo doonyaha ku soo xiran jiray.

Xigasho Shabakada Allbanaadir.net

Saturday, October 21, 2017

Gabdhaha wey kaluumeeysan karaan....





Marka la joogo Soomaaliya kaluumeeysiga ma aha wax ahmidyad sidaas ah ku dhex leh nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo intoodabadan ay fikrad qaldan ka aaminsan yihiin kaluumeeysiga xirfad ahaan iyo dhaqan ahaanba.


Sidaas oo ay tahay aniga iyo qoyskeyga waxaan jecel nahay in aan waqti wanaagsan ku qaadano xeebta dabayaaqada isbuuc kasta halkaasoo aan ku raaxeeysano kalluumeeysiga xirfad ahaan iyo sports ahaanba.


Hadaan nafteyda ka bilaabo, waxaan ka soo jeedaa qoys aan sal iyo raad toona ku laheyn taariikhda kalluumeeysiga dalkeyga, kana mid ah dadka u arka wax laga xishooda in aad naftaada ku tilmaanto kalluumeeyste.


Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waxaan ku dhashay jaceyl aan xad laheyn oo aan u qabo badda iyo xirfadaas. Waxaa nacasnimo illa aheyd markaan yaraa in anigoo ku nool meel badda aad uGu dhaw hadana aan ka qatanaado qeyraadka balaaran ee uu eebe ku maneystay.


Jaceylkii aan u qabay badda iyo kallumeeysiga waa uu sii kordhay waxa uuna la koray da'deyda waayo hada oo aan ahey aabe caruur leh waxaan wali wadaa kalluumeeysigii waliba waxaan u gudbiyay caruurteyda oo qaar badan oo ka mid ah ay da' aad u yar ku qabteen kalluun tiro badan Maashaa allaah.


Waxaan ku faraxsanahay in aanan dareen qaas ah siineeyn fikrada qaldan ay dadkeyga intiisa badani ka aamin san yihiin kalluumeeysiga, maadaama aysan aheyn wax ay diinteena muqadaska ah diiday oo xaaraan ah.


Waxaan ka xumahay in dad badan ay maanta ka qatan yihiin nimcadaas eebe nagu maneystay oo sida lacag la'aanta ah agteena looga helo iyagoo maqaayadaha iyo suuqyada lagu iibiyo u ogol in ay lacag badan ku bixiyaan.


Waa waxa aan fahmi waayay intaan noolaa caqliga iyo xigmada ku jirta in aad shey soo saaridiisa iyo la soo bixidiisa ceebeeyso hadana aad cunidiisa iyo qarashgereyntiisa caadi u aragto.


Waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan dabaal daga gabadheyda Saabiriin oo markii uGu horeysay qabatay Malaaygaas/Kalluunkaas yar oo ay gacanta ku heyso. Hambalyo Hambalyo Saabiriin halkaada ka sii wad in aad noloshaada ku raaxeysato waxa aad jeceshahay ee wanaag ah diinteena ogoshahayna sameyso adigoo aragti cid kale fiirineyn maxaa yeelay ma tihid qof kale, dareenkooda iyo waxa ay jecel yihiina kama shaqeysid.


W/Q Maxamed Aadan Isxaaq



Wednesday, October 18, 2017

Goobaha dalxiiska ku wanaagsan ee dalkeena..



Waxaa wax alle looga mahad celiya ah deegaanka balaaran iyo kheyraadka naga badan ee dhex ceegaaga ee aan ku noolahay, kuwaasoo nagu filan nagana badan, Alloow Mahadaa.




Maanta waxaan jecleystay in aan qormadaan uga hadlo goob ka mid ah goobaha dalxiiska ku wanaagsan ee dalkeena Soomaaliya (Somalia).


Goobtaas waa Tuulo xeebeedka Jaziira (Jazeera Beach) oo ku taal masaafo u jirta shan iyo tabon kiiloo mitir 15-km Magaalada Muqdisho.




Taasoo sahleysa in aad si fudud ku gaarto markastoo aad damacdo.
  1. Dabaal
  2. Kaluumeeysi
  3. Lugo baxsi
  4. Hawo qaadasho
  5. In aad soo ciyaarto dhamaan noocyada isportiga uu ka kooban yahay oo dhan


Jazeera oo ku taal meel aad iyo aad u hawo macaan kuna haboon in waqti tayo leh lagu qaato waxaa kaloo ay aad uGu wacan tahay qoysaska leh caruurta yar yar degana xaafada ah ciriiriga ah ee magaalada ku waasoo aysan caruurtoodu waqti ku filan u helin in ay ciyaaraan maalmaha fasaxa ay ka yihiin wax barashada.


Waxaa ay caruurtaada heli doonaan jawi aad u wanaagsan oo ay ciyaarta kaga dhargaan, kagana nastaan buuqii isqab qabsigii iyo dacwadii joogtada aheyd ee xaafda.




Sidoo kale waalidiinta dhalin yarada ah ee ku kala maqshuulay maareeynta caruurta maalmaha fasaxa ah, waxaad Xeebta Jazeera ka heli doontaan waqti idinku filan oo aad ku xustaan dibna boorka uga jaftaan jaceylkiina.


Hadaba ka faa'ideysta nimcooyinka uu eebe idinku maneystay oo ay midan uGu yar tahay.




W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.

Xuquuqda sawiradan waxaa leh  © Ocean Care Movement Center Somalia