Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Tuesday, October 31, 2017
Dekeda Boosaaso oo muddo todobaad ku dhow haawaneysa & Maraakiibtii oo ka qaxay (Daawo Sawirro)
Dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka bari oo ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee uu ku tiirsan yahay Maamulka Puntland ayaa waxaa hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday muddo ku dhow dhow todobaad.
Dekeda oo dhawaan lagu wareejiyey shirkadda P&O Ports oo hoos tagta shirkada DP World ayaa waxaa sidoo kale ka qaxay Maraakiibtii iyo doonyihii ku xirnaa.
Arintan ayaa timid ka dib ka dib muran ka dhashay khidmado lacageed oo lagu soo rogay Doonyihii ku soo xiran jiray dekeda Boosaaso, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada Dekada Boosaaso ay sheegeen inaysan awood u lahayn lacagahan oo ay soo rogtay shirkada gacanta ku haysa maamulka dekada Boosaaso.
Lacagaha lagu soo rogay doonyaha ku soo xirta Boosaaso ayaa waxaa la sheegay iney afar jeer ka badan yihiin kuwii horey looga qaadi jiray.
Waxaa dekadda banaankeeda lagu arkayaa oo taagan muddo todobaad ku dhaw dhamaan doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekeda, waxay gudaha dekedu noqotey mid faaruq ah.
Xirnaashaha Dekada ayaa waxaa laga dareemay magaalada Boosaaso, waxayna saameyn ku yeelatay dad badan oo garab xamaalato ahaa oo nolashoodu ku xirneyd Dekada Boosaaso.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sciid Carshe ayaa maanta sheegay iyagoo u turaya shacabka iyo ganacsatadaba lagu heshiiyey in dekaddu u shaqeyso sidii ay u shaqeyn jirtey ka hor inta aan lagu wareejin shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta ee P&O, wasiirku ma sheegin isbeddelka ku yimid nidaamka dekadda ee dhibaatada keenay, isagoo beeniyey iney jiraan lacago dheeri ah oo lagu soo rogay maraakiibta iyo doonyaha ku soo xiran jiray.
Xigasho Shabakada Allbanaadir.net
Saturday, October 21, 2017
Gabdhaha wey kaluumeeysan karaan....
Marka la joogo Soomaaliya kaluumeeysiga ma aha wax ahmidyad sidaas ah ku dhex leh nolosha dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo intoodabadan ay fikrad qaldan ka aaminsan yihiin kaluumeeysiga xirfad ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Sidaas oo ay tahay aniga iyo qoyskeyga waxaan jecel nahay in aan waqti wanaagsan ku qaadano xeebta dabayaaqada isbuuc kasta halkaasoo aan ku raaxeeysano kalluumeeysiga xirfad ahaan iyo sports ahaanba.
Hadaan nafteyda ka bilaabo, waxaan ka soo jeedaa qoys aan sal iyo raad toona ku laheyn taariikhda kalluumeeysiga dalkeyga, kana mid ah dadka u arka wax laga xishooda in aad naftaada ku tilmaanto kalluumeeyste.
Iyadoo ay sidaasi jirto hadana waxaan ku dhashay jaceyl aan xad laheyn oo aan u qabo badda iyo xirfadaas. Waxaa nacasnimo illa aheyd markaan yaraa in anigoo ku nool meel badda aad uGu dhaw hadana aan ka qatanaado qeyraadka balaaran ee uu eebe ku maneystay.
Jaceylkii aan u qabay badda iyo kallumeeysiga waa uu sii kordhay waxa uuna la koray da'deyda waayo hada oo aan ahey aabe caruur leh waxaan wali wadaa kalluumeeysigii waliba waxaan u gudbiyay caruurteyda oo qaar badan oo ka mid ah ay da' aad u yar ku qabteen kalluun tiro badan Maashaa allaah.
Waxaan ku faraxsanahay in aanan dareen qaas ah siineeyn fikrada qaldan ay dadkeyga intiisa badani ka aamin san yihiin kalluumeeysiga, maadaama aysan aheyn wax ay diinteena muqadaska ah diiday oo xaaraan ah.
Waxaan ka xumahay in dad badan ay maanta ka qatan yihiin nimcadaas eebe nagu maneystay oo sida lacag la'aanta ah agteena looga helo iyagoo maqaayadaha iyo suuqyada lagu iibiyo u ogol in ay lacag badan ku bixiyaan.
Waa waxa aan fahmi waayay intaan noolaa caqliga iyo xigmada ku jirta in aad shey soo saaridiisa iyo la soo bixidiisa ceebeeyso hadana aad cunidiisa iyo qarashgereyntiisa caadi u aragto.
Waxaan jeclaan lahaa in aad ila wadaagtaan dabaal daga gabadheyda Saabiriin oo markii uGu horeysay qabatay Malaaygaas/Kalluunkaas yar oo ay gacanta ku heyso. Hambalyo Hambalyo Saabiriin halkaada ka sii wad in aad noloshaada ku raaxeysato waxa aad jeceshahay ee wanaag ah diinteena ogoshahayna sameyso adigoo aragti cid kale fiirineyn maxaa yeelay ma tihid qof kale, dareenkooda iyo waxa ay jecel yihiina kama shaqeysid.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Wednesday, October 18, 2017
Goobaha dalxiiska ku wanaagsan ee dalkeena..
Waxaa wax alle looga mahad celiya ah deegaanka balaaran iyo kheyraadka naga badan ee dhex ceegaaga ee aan ku noolahay, kuwaasoo nagu filan nagana badan, Alloow Mahadaa.
Maanta waxaan jecleystay in aan qormadaan uga hadlo goob ka mid ah goobaha dalxiiska ku wanaagsan ee dalkeena Soomaaliya (Somalia).
Goobtaas waa Tuulo xeebeedka Jaziira (Jazeera Beach) oo ku taal masaafo u jirta shan iyo tabon kiiloo mitir 15-km Magaalada Muqdisho.
Taasoo sahleysa in aad si fudud ku gaarto markastoo aad damacdo.
- Dabaal
- Kaluumeeysi
- Lugo baxsi
- Hawo qaadasho
- In aad soo ciyaarto dhamaan noocyada isportiga uu ka kooban yahay oo dhan
Jazeera oo ku taal meel aad iyo aad u hawo macaan kuna haboon in waqti tayo leh lagu qaato waxaa kaloo ay aad uGu wacan tahay qoysaska leh caruurta yar yar degana xaafada ah ciriiriga ah ee magaalada ku waasoo aysan caruurtoodu waqti ku filan u helin in ay ciyaaraan maalmaha fasaxa ay ka yihiin wax barashada.
Waxaa ay caruurtaada heli doonaan jawi aad u wanaagsan oo ay ciyaarta kaga dhargaan, kagana nastaan buuqii isqab qabsigii iyo dacwadii joogtada aheyd ee xaafda.
Sidoo kale waalidiinta dhalin yarada ah ee ku kala maqshuulay maareeynta caruurta maalmaha fasaxa ah, waxaad Xeebta Jazeera ka heli doontaan waqti idinku filan oo aad ku xustaan dibna boorka uga jaftaan jaceylkiina.
Hadaba ka faa'ideysta nimcooyinka uu eebe idinku maneystay oo ay midan uGu yar tahay.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq.
Xuquuqda sawiradan waxaa leh © Ocean Care Movement Center Somalia
Thursday, September 7, 2017
Ciidamadii Badda Soomaaliya oo dib u howl bilaabi doona inshaa allaah
Ku dhawaad 27 sano waxaa beylah iska ahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, meelaha ugu sii daran waxaa ka mid ahaa ama ugu horeeya xeebta dheer uu allaah ku maneeystay umada Soomaaliyeed.
Kaluumeeysi sharci daro ah oo aan loo aabayo yeeleeyn iyo kawa sii daranee waxaa lagu soo daabuli jiray haraaga warshada kiimikooyinka Wadamo badan oo caalamka.
Illaah mahadiis Dawlada Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday in howl gali doonaa ciidamadii bada Soomaaliya iyagoo ku qalabeeysan qalab casri ah.

Sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya waxaa ay ka howl gali doonaan ciidamadaas dhowr magaalo oo kala ah.
Boosaaso Hobyo Cadale Muqdisho Marka Baraawe iyo Kismaayo.
Waxaan rajeyneynaa in ay wax weyn iska badali doonaan xaaladaha amaan ee xeebaha wadanka marka ay ciidan kan howl galka bilaabaan.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, September 4, 2017
Innaalilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.
Waxaa galab meel u dhaxeeysa Jaziira iyo Abaay Dhaxan laga helay meydka allaha u naxariistee naaquude AWEYS CISMAAN NUUR (Yaraani) kaa soo dabayaaqadii isbuucii hore ay doon uu naaquude ka ahaa kula qalib matay meel ka yara baxsan Xeebta Jaziira kuna aadan dhanka Baqal.
Waxaan Allaah uga baryeenee AWEYS CISMAAN NUUR (Yaraani) naxariistii jano in uu ka warabiyo Samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Thursday, August 31, 2017
Kaalintaadu waa muhiim...
Waxaa wali socda baadi goobkii loogu jiray soo helida raq iyo ruux naaquude AWEYS CISMAAN NUUR (Yaraani) kaa soo ay doontii uu naaquudaha ka ahaa ku qalibmatay inta u dhaxeeysa Jaziiro iyo Baqal, maalin ka hor.
Mudada maqnaashihiisa oo sii dheraatay darted waxaa sii yaraanaya rajada laga qabo in nolol lagu soo heli waloow ay tii rabi halkeeda tahay.
Waxaa si naxariis leh looga codsanayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo cid kastoo gacan ka geysan karta soo helida Mr Yaraani in ay ku tabarucaan hoo iyo hiil waxa ay awoodaan.
Fadlan nala soo xiriir haad heyso xog ku saabsan Mr Yaraani. (0615233384)
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, August 28, 2017
Deg Deg. Doon ku qalibantay Xeebta Jazeera...
Sida aan wararka ku heleeyno doon nooca kaluumeeysiga ah ayaa ku rogmatay meel xoogaa ka baxsan xeebta Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho.
Doontaas oo ay la socdeen sedex nin oo kaluumeeysato ah ayaa waxaa la helay labo iyo doontii
halka la la' yahay mid kii sedexaad oo naloogu sheegay in uu ahaa naaquudihii waday doonta qalibantay.
Sida uu noo xaqiijiyay xog ogaal Salaad Jimcaale, waxaa wali socda baadi goob xoogan oo loogu jiro helid raq iyo ruux naaquudahaas la layahay.
Waxaan allaah ka rajeyneynaa in la soo helo isagoo caafimaad qaba inshaa allaah.
W/Q: Maxamed Aadan Isxaaq
Doontaas oo ay la socdeen sedex nin oo kaluumeeysato ah ayaa waxaa la helay labo iyo doontii
halka la la' yahay mid kii sedexaad oo naloogu sheegay in uu ahaa naaquudihii waday doonta qalibantay.
Sida uu noo xaqiijiyay xog ogaal Salaad Jimcaale, waxaa wali socda baadi goob xoogan oo loogu jiro helid raq iyo ruux naaquudahaas la layahay.
Waxaan allaah ka rajeyneynaa in la soo helo isagoo caafimaad qaba inshaa allaah.
W/Q: Maxamed Aadan Isxaaq
Subscribe to:
Posts (Atom)