Our Visitors

Flag Counter

Friday, May 26, 2017

Juballand oo eedeyn u jeedisay Wasaarada Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada. Halkan ka aqriso






































Golaha wasiirada dowlad goboleedka Juballand oo shalay kulan ku yeeshay Kismaayo uuna shir gudoominayay Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam ayaa eedeeyay Wasaaradda kaluumeysiga dowladda Soomaaliya inay ku xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda kalluumeysiga dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa nuxurka qodobadii kasoo baxay shirka warbaahinta u aqriyay Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, isagoo sheegay in kulanka diiradda lagu saaray heshiis kumeelgaar ah oo ka dhacay Sycheles oo ku saabsanaa ogolaanshaha soo saaridda shatiga kalluumeysiga qaasatan Tunnaha, kaa oo uu wasiirku sheegay in ay wada sixiixeen dhammaan dowlad goboleedyada.

Xigasho:-Shabakada www.allbanaadir.net

W/D Maxamed Aadan Isxaaq

Thursday, May 25, 2017

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaaliya

Bashiir Xasan waa qabiir waayo badan u soo joogay isbadalada xeebaha Soomaliya, wax badana kala socda heerka uu marayo wax soosaarka badda waqtigan aan joogno.

Bashir Xasan waxa uu ku nool yahay tuulo xeebeedka Ceel Macaan ee Gobolka Sha/Dhexe.

Waxaan ka wax iska weydiinay waxa ka jira in uu isbadal weyn ku dhacay kheyraadkii bada iyo in kale.

Bashiir: Bismilaah waa wax jira oo aan caad saarneyn qof kastoo bada wax ka yaqaana waa uu ogyahay, wax weyn ayaa iska badalay run ahaantii.

Su'aal: Bashiir ahaan maxaad si qaas ah kuu saameeyay?

Bashiir: Aniga horta waxan ku dhashay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaasatan laanta Xalane, waxaan xusuustaa ciyaalnimadeydii in aan bada soo aado anigoo shabaag iyo jalaab toona wadan ayaan kaluunka gacanta kula soo bixi jirnay oo anigoo bac buuxda sita ayaan xaafada kula soo laaban jiray, bal hada orodoo shabaag, jalaab iyo birba ku keen gacan warkeed daayee.

Su'aal: Maxaa sababay isbadalkaas weyn ee bada ku yimid ma mid dabiici ahaa oo sida abaartoo kale ah mise waa mid ay bini'aadamka sababeen?

Bashiir: Taasi caad ma saarna waa wax ay bini'aadamka sababeen waliba kuwa aan Soomaali aheyn, Badaan waxaa looga soo duulay meel kasta aduunyadii oo dhan ayaa iskugu timid, haba sii kala darnaadaanee,...

Su'aal: aan kaa dhex galo ma waxaa jirta xog aad ka heysaan dadka aad tiri waa ay soo duuleen oo aduunkeey ka kala yimaadeen sid ay u kala badan yihiin?

Bashiir: haa haa wax qarsoon ma ahan aroortii markaad soo toosto xees kaas ayeey joogaan, mida kale kaluumeeysatada dhan waa og tahay habeenkii bada raxan raxan in ay u socdaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darada ah uga kaluumeeysaneysa bada, xoogaa nasri yar ayaa la helay markii ay kaluumeeysatadii ku ceertoowday bililiqadaas iyo dad kale isku abaabuleen oo ay dhawr marka qabsadeen..

Su'aal: Ma waxaad ka wadaa burcd-badeeda maraakiibta qabsata?

Bashiir: Burcad-badeed waxaan u aqaan cida inta ay bada islaameed timid nool iyo moodba boobtay sun iyo qashin kiimikeeysan ku daadisay dadkiideena biyo kulul iyo xabad isugu dartay.

Su'aal: Waan gartay wadamadee u badan kuwa aad Burcad-Badeeda saxda ah ku tilmaantay?

Bashiir: Waa badan yihiin sidaan horey kuugu soo sheegay, waxaa ka mid ah Philippine, Thailand, Yemen, India, Iran, China, iyo kuwa kaloo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Su'aal: Waxaan jeclaan lahaa in aan ku weydiiyo su'aashii ugu dambeysay, ma isleedahay waxaa jiri kara wado ka wanaagsan in hub la aruursado oo maraakiib aan lakala soocin la soo qafaasho lacag madax furasho ahna la weydiisto mudo dheerna la iska heysto oo ay naf iyo maalba qasaaro soo gaarto waliba dad aan waxba galabsan ay ka mid yihiin?

Bashiir: -

Waan dareen sanahay in hawshi is difaaca aheyd ay dad kale si qaldan uga faa'ideysteen oo ay meeshii noqotay meel loo soo wada shaqo doontay oo dad badan aan waxba galabsan lagu dhibaateeyay, laakiin ogoow cid kaloo ka damqatay oo wax ka qabashadeeda u istaagtay ma jirto waayo dawladana malaha ciidanka bada oo dhisan ragan sida sharcidarada ah wax u boobayana waa rag ka qalab casri ah sita oo subxdiina dheeraanaaya habeenkiina soo hoyanaaya, waadna maqleysay ciidamada shisheeye ee bada jooga ee isku sheegay la dagaalanka burcad-badeeda in ay lahaayeen mandate uma heysano in aan wax ka qabano kuwa sida sharcidarada ah bada u boobaaya kaliya burcad-badeeda Soomaalida ayaan la dagaalameeynaa, taasi miyeeynan garbaduub aheyn aaway caqligii shaqeynaayay aaway damiirkii bini'aadanimo waxa meesha ka socda adeer waa wax lagu soo tashaday oo gumeeysi salka ku haya iyo xadgudib.

Ocean care team: Aad baad ugu mahadsan tahay waqtigaaga qiimaha badan.
 

Wednesday, May 24, 2017

NIMCOOYINKA DALKEENNA IYO KA DAAHNAANTA DADKEENNA!


Waa xeeb quruxda Rabbi ku mannaystay ee istaahisha dalxiiska caalamiga ah, horena ay waayuhu uga soo marag-keceen, kasow khayraadka dihan ee Alle uu dhigay aanuu ahayn mid u baahan in gudaha loogu sii safro baddan, sida anigu aan markhaati ka noqday!

Waa xeebta Bilan ee bariga magaalada Muqdisho oo marka laga reebo maalmaha dabaayaqada toddobaadka aan buuq badnayn, sawaxan badanna lahayn.

 Anigoo jooga gurigayga ayay naftaydu muhatay inaan tago xeebtaas, oo aan daawado muuqaallada quruxda badan ee mawjadaha ka kacaya badweynta Inida, xilli lagu jiro xagaa, oo roobka shuuxa ah aanuu ka qaadin ama ka joogsan Muqdisho.

Intii aan joogay xeebta ee aan hadba dhinac u qooraansanayay, ayaa ay yimaaddeen meel aan iga fogayn saddex nin oo wata shabaagta badda lagaga kalluumaysto, taasoo aan ka aaminsanaa oo kaliya in doonni lagu qaado oo lagaga soo dhex tago badda, oo saacado kaddib lagu noqdo oo dabin

badeedkaas loogu tago kalluun ku dhacay.

Imika arrintu sidaas aad ayay uga duwantahay!

Laba ka mid ah raggii agtayda yimid ayaa badda galay, halka ninkii saddexaadna uu dibadda ugu sii hayay dharkii ay beddesheen ee ay markii hore xidhnaayeen.

Labada nin ee badda galay waxay kala istaageen laba dhinac iyagoo gacanta ku hayay shabaggii ay siteen, biyahana hore uma aanay gelin ka badan toban mitir qiyaastii, haddii aan si kale u dhigana halka ay carruurtu ku dabbaashaan, waxana aan xiisaynayay bal waxa ay samaynayaan inaan si deggen u daawado!

Muddo toban daqiiqo ah ayay labadii nin dib ula soo noqdeen shabaggii, kaasoo markii bannaanka la keeneyna laga soo saaray kalluun farabadan, oo muggiisu aan ku qiyaasay in ka badan soddon kiiloo garaam.
Mid ka mid ah kalluunkaas oo qiyaastii saddex kiiloo ahaa ayaa la iga siiyay laba doollar ($2).
 Way yartahay, dunidana naadir ayay ku tahay in laba nin ay muddo 15 daqiiqo ka yar iyaga oo aan badda gudaha u gelin ay helaan qiyaasta soddon kiiloo oo kalluun ah.
Khayraadka yaalla badda dalkeennu waa mid runtii inta badan dadkiisu ay ka qatanyihiin, waxase xusid mudan in dadka Soomaalida in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan baabi'inta khayraadkaas, halka ay ka indhosaabanyihiin ka faa'idaysigiisa.

Sawirro dheeraad ah ka daawo xagga hoose. 





 

 



 

Xigasho:

Adam Shardi Ahmedwww.adamshardi.blogspot.com
Skype ID: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Facebook: ashardi1



Tuesday, May 23, 2017

Dhawr cisho ka hor waxaan barta aan facebooka ku leenahay ku qornay qormo gaaban oo uu la socday sawirkaan aad arkeysaan.

Qormadaas waxaan kaga hadleeynay dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatada Soomaalida.

Aad iyo aad ayeey u tiro badan yihiin dhibaatooyinka heysta kaluumeeysatadeena laakiin waxaan soo koobnay inta ugu sii daran, oo ay ka mid yihin sadexda ku dul qoran sawirka, sababatana waxaa ay aheyd kuma wada qori karin sawirka dushiisa dhamaantood.

Aqriste ma ogtahay in wax soo saarkii bada uu aad hoos ugu dhacay in ka badan 50% taa soo ay ugu wacan tahay xaalufinta aan loo meel dayin ay ee ka jirta badaheena, taa soo ay sabateeda leeyihiin gacmo shisheeyo oo aan u diir naxeeyn badan iska dagan oo cid ilaalisaa ama ka war heysaa aysan jirin.

Mise ogtahay in qoysas badan ay u daruufeeysan yihiin saameeyntaas oo aabayaashii reerahooda ka maareeyn jiray ay manta shaxaad doon iyo shaqo la'aan yihiin.

Waxaa laga yaabaa in aad mudo badan ay dhagahaada ku soo noqonqdeen ololaha la dagaalan ka burcad-badeeda Soomaaliya laakiin aadan xog badan ka heyn daruufaha dhabta ah ee sababay in nolol laga raadiyo burcad-badeednimda maxaa yeelay waxaa aad loo buun buuniyay dhawr markab oo ay ajaanib la socdeen oo ay soo qabsadeen kooxahaas.

Xaqiiqada jirtaa waa ay ka fogtahay sida idaacadaha u turjumaan waa ayna ka xasaasisan tahay.

Hadaba maxaa nala gudboon Soomaali ahaan,

1: Waa in aan ku baraarugnaa dhibaatada jirta
2: Waa in aan kala hadalanaa cid alaali iyo cidaan is leenahay wax ayeey ka qaban kartaa, oo ay ugu horeeyaan Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya iy maamul goboleedyada waayo iyagaa iska leh mas'uuliyadaas iyo wax ka qabashadeeda.

Qore: Maxamed Aadan Isxaaq

Monday, May 16, 2016

Maxeey ciidamada shisheeye ka qabtaan xeebaha Soomaaliya?

Sidaad la socotaan mudo dheer waxaa xeebaha wadankeena ku soo qulqulaayay ciidamo shisheeye, kuwaasoo sheeganaaya in ay la dagaalamaayaan waxa ay ugu yeeraan Burcad-Baddeedka, ka jira xeebaha Soomaaliya..

Su aasha meesha taala ee in la is weydiiyo u baahan ayaa ah, Cudurka ma calaamadahaa laga daweeyaa mise Waxa sababay?

Burcad Baddeedku iskama imaan ee waxaa abuuray sabab cad oo aan la iska indho tiri karin, hadaan sababtaas wax laga qabana waligeed xal waara looma heli doono.

Waxaa wali halkeedii ka sii socda siina xoogeeystay ku shubidii badda Wasaqda iyo haraaga Warshada Kiimikooyinka iyo Hubka soosaara.

Waxaa si arxan daro ah loo xaalufinayaa kaluunkii iyo qeyraadkii kalee Badda.

Labadaas qodob waxaa ay ahaayeen walina yihiin waligeedna ahaan doonaan xaalad aan laga indho qarsan karin, cid kaloo wax ka qabaneeysaa ma jirto ilaa dadka Soomaalida ah ay ku baraarugaan lugooyada iyo hagardaamada loo maleegaayo ee dalkooda iyo qeyraadkooda lagu baabi'inaayo.

Soomaaliyeey toosa oo dantiina garta illaahna u toobad keena,


Monday, May 9, 2016

Jasiirada Suqadara (Socotra Island)














Jasiirada Suqadara (Socotra Island):-
Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl .

Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay raacsan jireen maamulka Saldanada almahra oo ahayd xarunteedu Jasiirada Suqadara. Dhulka almahra wuxuu u dhexeeya Hadarmuut iyo cumaan. Jasiiradaha kale ee hoos yimaada jasiirada suqadara waa shan jasiiradood oo yar yar waxaa ka mid ah: Cabdi AlKuuri, Darsam, Karacateen, alfaraacinah iyo Siyaad. Jasiirada cabdi alkuuri waxay u jirta Ras Garda-fooy soomaaliya 200 mayl, waxaa kale oo jira marsooyin yar yar oo ku yaala koofurta xeebta oo la yiraahdo Binder Saalax sida xaqiijiyeen ergo ka socotay ingiriisa xiligaas.
Jasiirada Suqadara waxay dheerarkeedu dhan yahay 72 mayl baaxadiisuna tahay 22 mayl, baaxada ay ku fadhido waa kun mayl (10002 ).

Xigasha:--- Somalitalk