Tusaale hadii aad qof ajanabi ah weydiiso Soomaaliya waxa uu ka yaqaan, waxa ugu horeeya ee afkiisa ka soo baxayaa waa (Pirates) oo la micno ah Burcad badeed.
Hadaba maxeey tahay fikrada ka dambeeysa shaacinta iyo faafinta sheekada burcad badeeda?
Aduunkaan eynu ku nool nahay waxaa la isku isticmaalo dhagaro waaweyn iyo qiyaanooyin farsameeysan si loo boobo oo looga faaideeysto kheyraadka dihan ey wadamadama tabarta yar lee yihiin.
Dhagarahaas waxaa ka mid in la isticmaalo sheekooyin gacan ku sameeys ah iyo eedo aan sal iyo baar toona laheyn si loo baneeysto boobka hantidaada, waana wax soo jireen ah qaabkaas.
Waxaa jira dad muuqa iyo maqaarka Soomali ka ah, ha ahaadaan wariyeyaal ama mooryaan lagu shaqeeysto oo qeybna wax jisho qeybna tabiso si caalamka loo tuso qatarta ka jirta dhulkaaga iyo saameeynta ey ku yeelan karto caalamka iyo dariskaagaba hadii aan wax looga qaban si dhaqsi ah.
Taasi waxaa ey sahleeysaa in lagu soo fara galiyo iyadoo la adeegsanaayo magacyo kala duwan, sida nabad ilaalin iyo wixii la mid ah.
Hadaba waxaa la taagan yahay xiligii aan ku baraarugi laheyn arimaha noocaas ah iyo kooxaha is huwan ee naloo adeegsanaayo.
W/Q: Mohamed Adam Ishak
No comments:
Post a Comment