Waxaa na soo gaaray in dhawr doon lagu waayay bada sababtoo ah waxaa bada hada ka jira dabeeylo xoogan ku waasoo qatar weyn ku ah doomaha yar yar ee ay caadiyan isticmaalaan kaluumeeysatada Soomaaliyeed.
Ilaa iyo afar doon ayaa la waayay laakiin nasiib wanaag waxaa soo laabtay oo dib loo helay mid ka mid ah afartaas iyadoo ey dhamaan nabad qabaan shaqaalihii la socday doontaa.
Qaar ka mid ah shaqaalihii la socday doontaas oo wareeysi siiyay Chanelka ay Youtubeka ku leedahay shabakada Hiiraanweyn ayuu ku sheegay sababta keentay in ay bada ku maqnaadaan intaas.
Waxaa uu sheegay in uu motorka doonta ka ciladoobay xili ay ku sugnaayeen meel ka baxsan inta uu gaari karo signalka talefanada laga isticmaalo dalka sidaas darteedna ay ku qaadatay ku dhawaad shan maalmood in ay bada dul sabeeyaan iyagoo isticmaalaaya shiraac.
Wuxuu intaas raaciyay in ay mudadaas isticmaalaayeen malaayga ugu soo dhaca jalaabta sababtoo ah ma eeysan wadan sahay ka badan hal habeen.
Waxaa ilaa hada la la'yahay sedex doomood kuwaasoo aan wax war ah laga heyn rax iyo ruux meel ay jaan iyo cirib dhigeen.
Waxaan ka codsaneynaa Ciidamada Bada iyo dhamaan cid kastoo gacan ka geysan kartaa in ay gurmad u baadi goob ah u fidiyaan dadkaas Soomaaliyeed ee bada lagu la' yahay una qalbi qaboojiyaan waalidiintii iyo eheladii dhashay ee aadka uga walwalsan.
Allaha soo nabad celiyo dhamaantood
W/Q Mohamed Adam Ishak
No comments:
Post a Comment