Our Visitors

Flag Counter

Friday, August 30, 2024

Sidee Wax looga qaban karaa kaluumeeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha dalka?

 Waxaa aad u soo badanaaya cabashooyinka ka imaanaaya kaluumeeysatada Soomaaliyeed ee ku aadan maraakiibta iyo doomaha waa weyn ee shisheeye kuwaasoo si sharci daro ah uga kaluumeeysanaaya Xeebteena dheer.

Warbixin laga soo diyaariyay kaluumeeysatada aan qalabka badan la heyn ee noloshoodu ku xiran tahay bada ayeey ku soo bandhigeen dhibaatooyinka ay ku yahaan ajaaniibta xaalufinta ka wada badeena beylahda iska noqotay dhawr iyo sodonkii sano ee ugu danbeeyay sababtoo ah malaha Ciidan badeed heysta agab dhameeystiran oo ay ku sugaan amaankeeda.

Xaalufintaas lagu hayo bada waa ay soo noq noqotay waana sababta asalka u ah curashadii burcad badeeda aafada weyn noo soo jiiday taasoo aan ilaa hada ka soo kaban la'nahay dhibaatooyinkii ka dhashay oo ay ugu horeeyso in la baneeysto ku xad gudbida badeena si bareer ah iyadoo la sheeganaayo la dagaalanka burcad badeeda taasoo aanan sax aheyn.

Hadaba sidee wax looga qaban karaa dhibkaas baaxada leh ee mustaqbalka dhaw saameeynta balaaran ku yeelan kara wax soosaarka kheyraadka bada?

Waxaa jira heshiisyo lala galay wadamo badan oo uu kii Turkiga ugu danbeeyay kaasoo aanan wali si dhab ah u dhaqan galin waana rajada kalya ee noo mooqata xiligan dhaw, maxaa yeelay in la helo ciidan badeed dhameeystiran lehna awood uu ku hanto amniga iyo maamulida xeebta ugu dheer Afrikada aan jaziiradaha aheyn waxaa ay qaadan kartaa sanado badan.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Wednesday, July 31, 2024

Sicirka Malaayga oo aad kor ugu kacay

 Sidii loo galay xiliga xagaag waxaa aad sare ugu kacay qiimaha lagu kala gato malaayga noocyadiisa kala duwan, taasoo saameeyn ku yeelatay dadka ka qanacsada iyo kuwa cunaba.

Waxaan taleefanka kula hadlay ganacsada Cabduqaadir Jimcaale oo ku sugan suuqa malaayga ee Degmada Wadajir.

Cabduqaadir waxaa uu ii sheegay in ay xaalad adag oo malaay la' aan ah ka jirto Suuqyada malaayga lagu gado ee ku yaalo magaalada Muqdisho waxaana ugu wacan xiliga xagaaga ee hada lagu guda jiro waayo waa xiliga ay badu kacdo oo ma gali karaan doomaha kaluumeeysatada waana xilig ay badanaa dhacaan shilalka bada gudaheeda dhaca.

Sidoo kale waxaa qatar culus kala kulma dadka u aada dabaasha oo beylah u ah in aay qaado bada ama ay ku haftaan. 

Waa muhiim in waalidiinta ay ku baraarugaan dhibaatada kaga imaan karta caruurtooda hadii xiligaan ay aadaan bada waayo ma jirto ilaalo badeed oo ka cilineeysa caruurta dabaasha bada ama badbaadin kartaa hadii ay qatar galaan.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, June 30, 2024

Isbuuca Xoriyada Dalka iyo ahmiyadiisa

 











Ocean Care Movement Center Somalia, Waxaa ay hambalyo ku aadan isbuuca xoriyada dalka u direeysaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel kastoo ay dunida daafaheeda ka joogaan.


Run ahaantii ahmiyada isbuuca xoriyada dalka uu u leeyahay umada Soomaaliyeed ma ahan wax hal qormo lagu soo koobi karo si kastoo eey ahaataba waxaan jecleeysanay in aan dareenkeena ku aadan xoriyada dalka iyo heerarka eey soo martay la wadaagno dadkeena.


Xoreeynta dalka waxaa eey soo martay marxalado kala duwan qalin iyo qoriba, waxaana muhiim ah in aan ilaashano oo aan si wanaagsan ugu abaal gudno dadkii muruqa, maskaxda iyo maalba ku soo bixiyay.

Waxaa nasiib daro in aan inagoo xor ah mudo ka badan 60 sanadood aan hadana aad uga liidano wadamadii nagu waqtiga ahaa ama kuwii naga dambeeyay.


Waxaan ugu baaqeeynaa dhamaan maamulada ka jira dalka in ay si wanaagsan u gutaan masuuliyadooda dadkoodana u cadaalad falaan kana dhawraan qabyaalada iyo musuqmaasuqa si loo helo nabad iyo barwaaqo.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, May 30, 2024

Digniin ku socota dhamaan waalidiinta ku dhaqan magaalooyinka xeebta ku teedsan



Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) Waxaa ay digniin sare u jeedineeysaa Dhamaan waalidiinta ku dhaqan magaalooyinka xeebaha ku teedsan.













Sidaan la socono waxaa la galay xiligii bad xiranka sidaas darteed waxaa waalidiinta lagu wargalinayaa in ay ubadkooda ka wacyigaliyaan qatarta ka jirta bada xiligaan bad xiranka ah.

Dhawaan waxaa ay bada dad isugu jira caruur iyo dad waaweyn ka qaatay xeebaha gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaasoo qaarkood ilaa iyo hada aan raq iyo roox toona la heyn.

Dawlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada waxaa ay ka soo saartay digniin ay ku wargalineeyso dhamaan Kalluumeeysatada, Ganacsatada iyo Shacabka in la galay xiligii bad xiranka aadna looga feejignaado qatarta xiligaan ka imaaneeysa bada, hadii ay noqon laheyd ku safrid. kalluumeeysi, ganacsi iyo dabaal ama damaashaad.

Waxaa soo hormaray xiligii xagaaga oo aalaaba ay bada xiranto waana wax dhaca mararka qaar inkastoo dhawaanahaan saameeynta isbadalka cimilida uu door xoogan ku yeeshay dhamaan jawiyada.

Balanteenu waa taxadar dheeraad ah iyo feejignaan.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Sunday, April 28, 2024

Malaay yare aad ah ayaa ka jirta Suuqyada Malaayga

Laga soo bilaabo horaantii bishii tagtay ee Maarso ilaa iyo hada waxaa jira malaay yari aad ah taasoo sameeysay dhamaan Suuqyada Kaluunka dalka gaar ahaan kuwa caasimada iyo deegaanada ku dhaw-dhaw. 

Si aan u xaqiijino arintaas waxaan la xiriirnay shaqsiyaad kala duwan oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo Gobolka Sh/Dhexe. 

Waxaa ay noo cadeeyeen jiritaanka xaaladaas iyo saameeynta ay ku yeelatay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan. 

Wali si cad looma oga waxa sababay hoos u dhacaas waloow ay jiraan fikiro badan oo la isla dhex maraayo. 

Xiligaan oo ahaan jiray xili ka mid ah kuwa ugu fiican marka ay timaado wax soosaarka kheyraadka bada ayaa noqday mid aan waxba laga faaidin sanadkaan. 

Mudo dheer badaheena waxaa lagu hayay tacadiyo isugu jira kaluumeeysi sharci daro ah iyo ku daadin qashin aan kala sooc laheyn kaasoo dalka iyo dibadaba looga shubaayay Bada. 

Waxaan rajeneynaa in ay wax badan isbadali doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan Inshaa Allaah. 

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Friday, March 29, 2024

Dadaalka Shacabka ee Nadaafada Xeebaha Caasimada

Shacabka ku nool magaalada muqdisho ayaa si iskood ah isugu xilqaamay in ay gacan ka geeystaan nadaafada xeebaha ku teedsan caasimada dalka ee Muqdisho.

Howlo nadiifin xeebaha caasimada ayeey mudo ka wadaan nawaaxiga xeebta caanka ah ee liido, kuwaasoo tusaale fiican oo ku dayasho mudan u ah dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka qaas ahaan ku gobolada dhaca xeebta dheer ee dalkeena eebe ku maneeystay.




Waa sababta keentay in aan dhawr qormo uga hadlo shacabkaas is abaabulay ee u tafaxeeytay sidii ay wax uga qaban lahaayeen qashinka tirada badan ee daadsan xeebaha ku teedsan Caasimada kuwaasoo qatar ku ah dad iyo duunyaba.

Waxaan aad ugu mahad celinaayaa dhamaantood dadaalkaas qiimaha weyn leh ay si iskood ah iskugu xilqaameen waxaana ku rajo weynahay in ay tusaale u noqon doonaan shacab kaloo fara badan Inshaa Allaah.

Waa mid ka mid ah u jeedooyinkii loo aas'aasay Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Dalka, maxaa yeelay qashinka iyo daadsan xeebaha dalka waa qatar aan la iska indho tiri karin kuwaasoo galaaftay nafta dad iyo duunyo fara badan, deegaankana dhib weyn ku haaya.

Juquraafi ahaan halka uu ku yaalo dalkeena iyo dalalka qaarada Asia ee aan xad wadaaga ka nahay bad weynta hindiya waxaa ay noo sahleysaa in wax kastoo lagaga soo shubo dhanka wadamadaas in xiliga ay dabeeshu isbadasho ay ku soo caariyaan ama ka soo baxaan xeebaheena.

Waxaa intaas noo sii dheer shacabka Soomaaliyeed oo si aan kala sooc laheyn qashanka ugu shuba nawaaxiga xeebaha ku waasoo iyagana qeyb kaloo weyn ku leh qashinka ceegaaga xeebaha iyo gudaha badaba.

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Thursday, February 29, 2024

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu ku soo aaday xili aad loogu baahnaa


 Heshiiska iskaashiga ganacsiga iyo militariga ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga waxaa uu soo beegmay xili ku haboon sababo badan dartood.

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya Baddeena dheer waxaa ay aheyd mid ka mida meelaha ugu dayacan dalkeena hadii aysanba aheyn meesha koobaad.










Dowladihii iyo maamuladii dalka soo maray ee kala da dambeeyay waxaa ay mid kastaa isku dayday in ay si un u maareeyso howsha ku aadan badda iyo sidii loogu heli lahaa gacan aamin ah illaa iyo xad oo lala wadaag mas'uuliyadaas culus.

Waxaa jiray heshiisyo badan oo lala galay kambaniyo iyo wadamo badan si loo buuxiyo booskaas weyn ee banaan.

Si kastoo ay ahaataba hada waxaa taagan tahay Dalka Turkiga oo aan saaxiib dhaw nahay xiliyadaan dambe dan iyo daruufo badana ay inaga dhexeeyaan.











Culeyskii ka yimid dowlada aan dariska nahay ee Itoobiya kaasoo ay ku dooneeyso in ay ku qaadato qeyb weyn oo badda iyo dhulka Soomaalyeed ka mid ah ayaa soo dadajiyay in Wadanka Turkiga lala galo heshiis Milateri si ay gacan uga geeystaan xal u helida dayaca heysta baddeena.

Run ahaantii waa fikir macquul ah in inta aan ka dhisaneyno ciidan awood u leh in uu kaalintaas qaato la helo cid kaloo lagu aamini karo Baddeena.

Waxaan rajeyneynaa in ay wax weyn iska badali doonaan boobkii iyo wasaqeyntii baddeena lagu hayay taasoo saameeyn iyo cawaaqib xoog leh ku yeelatay sixada iyo wax soo saarka.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, February 3, 2024

Maxaa ka jira in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii xeebaha Soomaaliya?


 

Warbaahinta caalamka waxaa ay hadal hayaan dhawaanahaan in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii ka jiri jiray xeebaha wadankeena Soomaaliya.

Hadaba Maxaa ka jira arintaas? Qormadeena bishaan oo aan soo hormarinay waxaan uga hadli doonaa haduu eebe weyne ka raali noqdo barnaamishkaas ku saabsan soo laabashada burcad badeedii xeebaha Soomaaliya laga cirib tiray sanado badan ka hor iyo cadeemaha lagu xaqiijinaayo jiritaanka arintaas.

Sidaad wada ogtihiin burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa dacay guud ku dhacay dhamaan qarankii Soomaaliya dhul cir iyo badba.

Bada ha igu sii darnaatee waxaa ay ay magan u noqotay qowleeysato aan u diir naxeeyn deegaanka iyo kheyraadka badda nooc kastoo ay yihiin kuwaasoo si arxan daro ah ugu isticmaali jiray shabaago aduunka intiisa kale laga mamnuucay markii la arkay dhibka ay iyo dabar gooyta ay u geeysanaayaan dhamaan kheyraadka badda.

Waxaa intaas dheer kuwo kale oo badda u isticmaali jiray goob ay ku soo fogeeyaan qashinka iyo haraaga kiimikooyinka warshadaha dalalkooda, taasoo iyadana badeena u geeysatay dhibaato baaxad weyn leh.

Dadkeena Soomaalida ahi aad ayeey ugu yartahay fahanka dhibaatada ku dhacday badeena inta ay la eg tahay laakiin waxaa xaqiiqo ah in inta ay nooloshoodu badda ku xiran tahay iyo inta ku nool daafaheeda ay si fiican uga dharagsan yihiin isbadalada iyo xaalahada ka dhashay gurashada kaluunka ee xad dhaafka ah iyo wasaqeeynta bada.

Marka laga soo tago labadaas qodob ee aan kor ku soo sheegay qodob sadexaad oo saameeyntiisa leh kaasoo ah in ay jiraan ciidamo shisheeye ah oo lagu sheego in ay xeebaha dalka u joogaan waxa loogu yeero la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasoo aan wax ba ka qaban gurashada sharcidarada ah ee kheyraadka badda. iyagana waxaa ay wataan dano gaar ah sida in badan dhacdayna waxaa ay si sharci daro ah u qab qabtaan kaluumeeysato Soomaaliyeed oo ku guda jira shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa iyagoo dusha ka saara in ay yihiin burcad badeed.

Soo nasiib daro ma ahan in cid kastaa ay police ka noqoto badeena iska xir xirato muwaadineentii Soomaaliyeed ee dalkooda iyo ka dhex shaqeysanaayay?

Waxaan Dowlada Soomaaliyeed kula dardaarmi lahaa in il gooni ah lagu fiiriyo waxa ka jira baddaheena waliba waqtigaan xasaasiga ah, si aysan dib dambe noogu soo laaban in ajaanib hadba shaar gooni ah wadataa ay dadka iyo dalkaba sideey doonaan ugu tagri falaan sidii dhici jirtay sanadihii hore oo kale.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Tuesday, January 30, 2024

Heshiiska Ethiopia iyo maamulka Hargeysa muxuu dabada ku wataa


 

Waxaa 1 dii bishan magaalada Addis Ababa ee dalka aan dariska nahay ee Ethopia lagu saxiixay wax loogu yeeray heshiis isfahan, kaasoo u dhexeeyay dowlada Ethopia iyo maamulka Hargeysa. 

Hishiiskaas Soomaali badan waxaa uu qalbiyadooda ku soo riday cawaaqibkii lagala kulmay heshiiskii isfahan ee Kenya lala galay dhawr iyo toban sano ka hor kaa soo ugu danbeeyntii sababay dagaal diplomaasiyadeed oo ku soo gabagawooway Maxkamad iyo in ay Kenya u xalaaloowdo in ka badan 50 killometer biyaha Soomaaliya.

Dadka qaarkii waxaa kaloo ay tusaale u soo qaataan dhul xeebeedka Kenya ee Mombasa kaa soo dadkii halkaa daganaa lagu qanciyay in ay Kenya ka sii mid ahaadaan 50 sano oo kaliya kadibna ay noqdaan dal iskii u taagan oo Kenya ka madax banaan, taasoo noqotay riyo aan waligeed rumoobeen.

Hadaba Ethiopia qorshaheedu waa noocee?

  1. Ma deked ganacsi ay kala soo degtaa?
  2. Ma deked ay iskeed u maamulato oo ay maalgashato maamushaana?
  3. Ma deked militaria oo ay ciidan ay iyadu leedahay maamulaan ganacantana ku hayaan baa? 
Su'aalahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa la isweydiinayaa laakiin Ethiopia qorshaheedu waa qeybo ka mid ah su aalahaas iyo kuwo kaloo badan.

Ethiopia waxaa ay rabtaa ma ahan deked ay maagashato iyo mid ay agab kala soo degto ee waa mid ay ku dooneeyso deked iyo dhul Ethiopia bada ku xira oo ay ku sheegtay ilaa 50 killometer laakiin ugu danbeeyn lagu qanciyay in ay ku soo koobto 20 killometer kaasoo ay ka sameeysato deked iyo saldhig ciidamadeeda bada ah.

Mar uu hadlay ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali waxaa uu sheegay in ay rabaan in ay ka faa'ideeystaan kheyraadka ku jira bada nooc kastaa uu yahay sida,

  • Kalluunka
  • Macdanta
  • Shidaalka
Hadaba sidee macquul ku noqon kartaa in wadan uu wadan kale siiyo dhul intaas la eg si uu kala baxo wax kastoo kheyraad ah ee e dhex ceegaaga mudo 50 sano ah ka dibna uu dib uga guuro?

Soomaalida waxaa ay caan ku yihiin saadaalinta waxa dhici kara ama ku soo wajahan hadana kama gaashaantaan oo uma diyaar garoobaan.


WQ: Mohamed Adam Ishak