Our Visitors

Flag Counter

Saturday, February 3, 2024

Maxaa ka jira in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii xeebaha Soomaaliya?


 

Warbaahinta caalamka waxaa ay hadal hayaan dhawaanahaan in ay dib u soo rogaal celiyeen burcad badeedii ka jiri jiray xeebaha wadankeena Soomaaliya.

Hadaba Maxaa ka jira arintaas? Qormadeena bishaan oo aan soo hormarinay waxaan uga hadli doonaa haduu eebe weyne ka raali noqdo barnaamishkaas ku saabsan soo laabashada burcad badeedii xeebaha Soomaaliya laga cirib tiray sanado badan ka hor iyo cadeemaha lagu xaqiijinaayo jiritaanka arintaas.

Sidaad wada ogtihiin burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa dacay guud ku dhacay dhamaan qarankii Soomaaliya dhul cir iyo badba.

Bada ha igu sii darnaatee waxaa ay ay magan u noqotay qowleeysato aan u diir naxeeyn deegaanka iyo kheyraadka badda nooc kastoo ay yihiin kuwaasoo si arxan daro ah ugu isticmaali jiray shabaago aduunka intiisa kale laga mamnuucay markii la arkay dhibka ay iyo dabar gooyta ay u geeysanaayaan dhamaan kheyraadka badda.

Waxaa intaas dheer kuwo kale oo badda u isticmaali jiray goob ay ku soo fogeeyaan qashinka iyo haraaga kiimikooyinka warshadaha dalalkooda, taasoo iyadana badeena u geeysatay dhibaato baaxad weyn leh.

Dadkeena Soomaalida ahi aad ayeey ugu yartahay fahanka dhibaatada ku dhacday badeena inta ay la eg tahay laakiin waxaa xaqiiqo ah in inta ay nooloshoodu badda ku xiran tahay iyo inta ku nool daafaheeda ay si fiican uga dharagsan yihiin isbadalada iyo xaalahada ka dhashay gurashada kaluunka ee xad dhaafka ah iyo wasaqeeynta bada.

Marka laga soo tago labadaas qodob ee aan kor ku soo sheegay qodob sadexaad oo saameeyntiisa leh kaasoo ah in ay jiraan ciidamo shisheeye ah oo lagu sheego in ay xeebaha dalka u joogaan waxa loogu yeero la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasoo aan wax ba ka qaban gurashada sharcidarada ah ee kheyraadka badda. iyagana waxaa ay wataan dano gaar ah sida in badan dhacdayna waxaa ay si sharci daro ah u qab qabtaan kaluumeeysato Soomaaliyeed oo ku guda jira shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa iyagoo dusha ka saara in ay yihiin burcad badeed.

Soo nasiib daro ma ahan in cid kastaa ay police ka noqoto badeena iska xir xirato muwaadineentii Soomaaliyeed ee dalkooda iyo ka dhex shaqeysanaayay?

Waxaan Dowlada Soomaaliyeed kula dardaarmi lahaa in il gooni ah lagu fiiriyo waxa ka jira baddaheena waliba waqtigaan xasaasiga ah, si aysan dib dambe noogu soo laaban in ajaanib hadba shaar gooni ah wadataa ay dadka iyo dalkaba sideey doonaan ugu tagri falaan sidii dhici jirtay sanadihii hore oo kale.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

No comments:

Post a Comment