Our Visitors

Flag Counter

Sunday, October 30, 2022

Ugu dambeeyn waxaa si fiican u biloowday


Waxaa la dareemay isbadal aad uga wanaagsan sidii la ahaa bilihii la soo dhaafay.

Waxaana si fiican u biloowday helida Malaaygii lagu yaqiin xiliga Deerta sida,
Jeedarka/Taraaqada kaasoo ah Malaayga loogu jecel yahay aduunka.

Mar aan la hadlay mid ka mid ah Ganacsatada Malaayga ee Magaalada Muqdisho, isagoo aad u faraxsan waxaa uu ii sheegay in ay ku jiraan xili aaran ama barwaaqo ah.

Run ahaantii waxaa jiray isweydiin farabadan oo ku aadan waxa sababta u ah in uu soo daaho xiligan sida weyn loo sugo sanad kasta.

W/Q Mohamed Adam Ishak 

No comments:

Post a Comment