Our Visitors

Flag Counter

Friday, September 30, 2022

Isbadal noocee ah ayaa ku dhacay xiligan bada


Caadiyan xiliga Deerta waa xili ka mid xiliyada ay aadka u fiican tahay bada iyo wax soo saarkeedaba, hadeysanba aheyn xiliga ugu fiican.

Waxaa la helaa Kaluunka ama Malaayga noocyada ugu qaalisan looguna jecel yahay.

Waa xili kaluumeeysatadu ay si wanaagsan isha ugu hayaan kuna xisaabtamaan, laakiin sanadkan xoogaa dib u dhac ah ayaa jira walina si cad looma oga waxa sababay.

Mar aan la hadlay ganacsade jooga Kawaanka Malaayga ee Degmada Wadajir ayaa Ii sheegay in uu wali jirin malaaygii la heli jiray xiligaan oo kale, dabeeshana aysan wali hal dhinac isu raacin taasoo sii adkeeneeysa in la helo wax soosaar sax ah.

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

No comments:

Post a Comment