Our Visitors

Flag Counter

Thursday, December 30, 2021

Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan.


Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan ayaa saameeyn kooban ku yeeshay Kalluumeeysatada ku dhaqan halkaas.

Dabeeylahan ayaa ka dhici jiray deeganada ku yaala nawaaxiga xeebaha kuwaa soo loogu yeero magacyo uu ka mid yahay (Istaaqfuruloow).

Waxaana jira caado dhaqameedyo badan oo lagu maamuuso xiligaan sida (Bad Galka) oo inta xeebta la isugu soo baxo lagu Alle baryo oo lagu duceeysto.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Tuesday, November 30, 2021

Isbadal wanaagsan ayaa laga dareemayaa Suuqyada lagu gado malaayga


Suuqyada lagu gado malaayga waxaa laga dareemayaa isbadal weyn kadib mudo kooban oo hoos u dhac ah ka dib.
Waxaa si wanaagsan u biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka kaasaa caan ku xiliga Deerta oo aan hada ku gudo jirno.

Mar aan la hadalnay dadka ku dhaqan Degmada Wadajir gaar ahaan nawaaxiga Kawaanka Malaayga, waxaa ay noo sheegeen in maalmahaan uu kawaanka si wanaagsan u camiran yahay.

Kiilada Malaayga waliba Nooca Jeedarka/Tabadinka (Tuna) oo dunida aad looga jecel yahay waxaa ay mareeysaa $1.5 ilaa $2.00 dollar, taasoo ah qiimo aad u jaban, halka uu dhawr sitimaan ka hor uu ka ahaa $6 ilaa $5.

Si kastaba waxaa la rajeynaayaa in ay hoos u sii dhici doonto Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak.

Saturday, October 30, 2021

Waa sidee xaalka kalluumeeysatada Deegaanka Ceel-Macaan


Halkan waa Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaa ay caanku tahay marka laga soo tago dakadii macmalka aheyd ee xili halkaas ku taali jirtay, wax soo saarka qeyraadka bada kaasoo soo jiitay indhaha ganacsato iyo kaluumeeysato farabadan.
Mar aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Macaan waxaa uu ii sheegay in ay halkaas ka jiraan hoos u dhac xoogan oo ku yimid wax soo saarka qeyraadka bada.


Sidaad ka aragtaan kawaanka Malaayga ee Deegaanka Ceel-Macaan, waxaa la garan la yahay waxa sababay hoos u dhacaas saameeynta balaaran ku yeeshay Ganacsatada iyo Kalluumeeysatada sida tooska ah noloshoodu ugu xiran tahay wax soo saarka qeyraadka bada.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in uu isbadal weyn ku imaan doono bada maadaama hada un uu biloowday xiligii Deerta kaasoo ah xili aad iyo aad ugu wanaagsan wax soo saarka qeyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Thursday, September 30, 2021

Maxaa la filan karaa xiliga Deerta?


Waxaa biloow ah xiliga Deerta kaasoo ah xili aad loogu xisaabtamo dhan kasta, hadeey tahay kaluumeeysi ama dalxiis iyo dabaalasho.

Mar aan wareeystay ganacsade Cabduqaadir Jimcaale wuxuu ii sheegay in ay jirto saadaal wanaagsan, "Waxaa biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka (Tona) kaasoo aad loo jecel yahay dal iyo dibadba, wuxuuna tusaale u yahay in biloowday xiligii Deerta"

Sidoo kale waxaa isbadalay jawiga guud ee bada, kaasoo soo jiitay dad badan oo aad u daneeynaaya in ay ku raaxeeystaan dabaal ama dalxiis iyo hawo qaadahso indhana ugu raaxeeyaan biyaha Buluug iyo Cagaar ka ah ee bada iyo Cirka Saxar la aanta ah iyo Cadceeda Macaan.

Si kastaba waxaan aad iyo aad ugu rajo weyn nahay in uu xiligaan noqon doono mid barwaaqo ah kaasoo si fiican looga faaideeysto.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Monday, August 30, 2021

Waxa aad hoos ugu dhacay kalluunkii/malaaygii.


Waxaa laga dareemayaa Malaay yari xoog leh dhamaan Suuqyada lagu gado Malaayga ee ku yaal Magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw.

Waxa sababay in uu yaraado wax soo saarka qeyraadka bada ayaa loo aaneenayaa xiliga hada lagu guda jiro ee xagaaga, waana xiliga bad xiranka.

Intabadan doomaha ay kalluumeeysatadu isticmaasho ma gali karaan bada sababtoo ah waa kuwo aad u yar yar.

Aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel Macaan waxaa uu ii sheegay in ay jirto rajo laga qabo in ay bada is badasho maadaama uu gabaabs yahay xiliga xagaaga.

Intabadan xiligaan oo kale waxaa sare u kaca qiimaha lagu kala gato Malaayga taasoo faaido iyo qasaaraba u ah kalluumeeysatad, maxaa yeelay waxaa ay qaarkood naftooda iyo maalkoodaba ku biimeeyaan sidii ay kalluun u soo heli lahaayeen oo ay faaido fiican uga heli lahaayeen, taasoo keenta qasaare naf iyo maalba leh.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, July 18, 2021

Maxaa keenay in ay soo Bataan Haamaha?

Mudo ka yar laba bilood gudaheed waxaa xeebaha Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ku soo caariyay Haamo aan lagaraneeyn waxa ku jira.
Waxaa ay Haamahan walaac ku abuureen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Xeebaha dalka.

Dhamaan Waxgarad Culumaa udiinka Aqoon yahanada iyo Hooyooyinka ku dhaqan deegaanka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ay codsi u diraayaan Dowlada Federalka Soomaaliya in Xal deg deg ah loo helo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee bulshada iyo bay'adaba ku haaya qatarta weyn.

Sidoo kale Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay Ka codsaneeysaa Maamulka Hir/Shabeele iyo kan Dowlada dhexeba in sare loo qaado la socoshada xaaladahaan soo noq noqday ee ay ugu dambeeyso midan Caddale ka taagan.

Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center Somalia ) Waxaa ay uga digeeysaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ku xeeran Xeebaha dalka iyo cid kastoo xeebaha u tagta dalxiis ama siyaabo kale in ay ka digtoonaadaan Haamaha noocaan oo kale ah, kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh geeysan kara.

W/Q: Mohamed Adam Ishak.

Wednesday, June 2, 2021

Haan laga shakisan yahay ayaa ku soo caarisay xeebta Jaziira.


Haan aan la ogeyn waxa ku jira ayaa ku soo caarisay xeebta deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xeebta Jaziira oo ah xeeb ay si weyn ugu dalxiisaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed aadna mashquul u ah maalmaha isbuuca uu ka kooban yahay ayaa hada waxaa wal-wal ka abuuray haantaan aan la ogeyn waxa ku jira ee lagu arkay xeebta.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee xeebaha dalka lagu arko haaman ku soo caariyay, laakiin waa markii labaad mudo 9 sano ah oo ay haan noocaan oo kala ah ay deegaanada Jaziira hoos taga lagu arko.

Waxeey aheyd 2012 kii markii naloo soo sheegay haan aan la ogeyn waxa ku jira oo ku soo caarisay deegaanka Baqal iyo Xawaaloow oo hoos taga deegaanka Jaziira.

Hadaba Xarunta Dhaqdhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center) waxaa ay ugu baaqeeysaa Dowlada Federalka Soomaaliya in ay si dhaqso ah ula wareegto Haantaas una maareeyso waxa ku jiray inta aysan Dadka iyo Deegaanka waxyeelo u geeysan.

Baaris heer caalami ahna ku sameeyso maraakiibta caadeeystay in ay sunta iyo qashanka ku soo daadiyaan bada Soomaaliyeed.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada xeebaha ku teetsan waxaan uga digeeynaa in ay ka foojignaadaan Haamaha nooc kaste leh ee ku soo caariya xeebaha kuwaasoo qatar naf iyo maalba leh idiin geeysan kara idinka iyo xoolihiinaba.

Codsi. Ocean Care Movement Center Somalia waxeey si xushmad iyo ixtiraam leh uga codsaneeysaa qof walboo arka Haamaha noocaan oo kala ah in ay sida ugu Macquulsan ula soo xiriiraan xafiisyadeena.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Sunday, May 30, 2021

Maxaa la filan karaa xagaag?


Waxaa soo socda xiliga xagaaga kaasoo calaamadihii lagu yaqaanay ay biloowdeen.

Marka aan ka hadleeyno bada iyo kaluumeeysiga xiliba waxaa uu leeyahay mudnaan iyo ahmiyad gaar u ah sida

1) Nooc Malaay ah oo u gaar ah

2) Xaalada iyo Jawiga xiligaas

3) Doomaha ku wanaagsan xiligaas

Hadaba xagaaga waa waa xili noocee ah? 

Xagaaga waa xili ay bada aad u kacdo Soomaalida aan kaluumeeysatada aheyna ay ku garan karaan xiliga bad xiranka kaasoo saameeyntiisa laga wada dareemo guud ahaan suuq yada dalka.

Maceeshada iyo wax yaabaha kale ee nolosha saameeyana ay qaali noqdaan sababtoo ah, waxaa yaraada safarka bada ee isaga kala safra wadamada aan xiriirka ganacsiga leenahay.

Sidaasoo kale waxaa aad hoos ugu dhaca wax soo saarka kaluumeeysatada yar yar iyo kuwa meel dhexaadka ah.

Waxaa la soo dhaafay laba xili oo ay bada aad barwaaqo u aheyd.

Waxaan Eebe ka rajeynaayaa in uu u saqiro xaaladaha dhamaan kaluumeeysatada noocyadooda kala duwan gaar ahaan kuwa tabarta yar.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Friday, April 9, 2021

Xiliga Guga' waxaa aad looga faa'ideeysanaayaa Kalluunka noocyadiisa kala duwan

 











Waxaa aad hoos ugu dhacay qiimaha lagu kala gato/iibsado kalluunka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan noocyada ay adku aadka u jecel yihiin sida 


  1. Jeedarka/Tabadinka
  2. Yuumbiga/Taraaqada
  3. Daambariga/Afka-Toob
iyo kuwo kaloo badan, hadaan tusaale u soo qaato Yuumbiga/Taraaqada oo markii hore kiiladiisa lagu kala gadan jiray 5 ilaa 6 doolarka Mareeykanka ayaa hada lagu kala gadanayaa 1.5 hal doolar iyo bar halkaasoo aad ka dareemi kartid farqiga u dhexeeya.



















Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa noo sheegay in hoos u dhacaas uu sababay sara u kaca wax soo saarka kheyraadka bada oo xiligaan meel aad u sareeysa gaaray iyo xiliga oo ah xili barwaaqo ah.

Waxaa kaloo aad dalka ugu soo badanaaya isticmaalka noocyada kala duwan ee kheyraadka bada taasoo aan horey loo aqoon jirin, sida 

Yaambo/Octopus

















Duusho/Squid






























Run ahaantii waxaa muuqda in horumar balaaran laga gaaray isticmaalka kheyraadka bada kaasoo aysan dadka Soomaaliyeed aad u qoon markoodii hore.

Isbadalkan ayaa loo sababeynayaa dadka Soomaaliyeed oo aad ugu kala baahay daafaha caalamka wax badana ka soo bartay dhaqamada kala duwan ee aduunka.

Maadaama diinteena suuban aysan inoo diideyn isticmaalka kheyraadka bada oo qof walboo jecelin uu tijaabiyo wax cusub sideeydoo kale ay fursad weyn u tahay isbadalkaas.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Monday, March 22, 2021

Maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?


Sidaad la socotaan waxaa la soo gabagabeeyay dhageeysigii dhinaca Soomaaliya ee kiiska dacwada badda.

Hadaba su'aashu waxaa ay tahay maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?

Aragtideyda jawaabta su'aashaas waxaa ay tahay. 

Kenya waxaa ay darestay sida aanan wax badan uga ogeyn xaaladaha ay ku sugan tahay Baddeena iyo sida ay isaga dayacan tahay. 

Tusaale, Jaziirada Suqadra waxaa iskala tagtay Yemen waa hore cid si dhab ah arintaas u wajahdayna ma jirto.

Jazeerada Seychelles waxaa la leeyahay waxaa ay badeena isaga maamulataa si furan cid war iyo wacaal ka heysaana ma jirto.

Waxaa intaas dheer kalluumeeysiga sharci darada ah ee aan loo meel dayeen.

Sun iyo qashin ku xabaalida aan waxba loo xeerineyn oo ay ka dhasheen dhibaatooyin bad iyo beriba laga dareemay.

Intaas iyo wax yaabo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sal u ah damaca bahalnimada ah ee ay Kenya ku dooneeyso in ay dharaar cad badeenii ku qaadato.

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujin lahaa in ay u midoobaan guntigana dhiisha isaga dhigaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay wadankooda u ilaashan lahaayeen.

Waxaan Allaah ka rajeeynaayaa in aan kiiskaas maxkamada caalamiga ah horyaal aan ku guuleeysano Inshaa Allaah.

W/Q. Mohamed Adam Ishak

Friday, February 26, 2021

Wacyi galin cudurka Covid 19


 

Xarunta Dhaq-dhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia), waxaa ay ku boorineeysaa dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Kaluumeeysatada in ay ka feejignaadaan cudurka Covid 19 oo ay saameeyntiisa soo laabatay. 

Si aad uga hortagto cudurka Covid 19 waa in aad raacdaa tilmaamaha hoos ku qoran.

1) Waa in aad gacmaha ku dhaqdaa saabuun.

2) Waa in aad isticmaashaa af-xir (mouth mask)

3) Waa in aad joogtaa gurigaaga xiliyada aadan shaqeeyneyn.

4) Waa in aad ilaalisaa kala fogaashaha xitaa guriga iyo qoyska Dhexdiisa

5) Hadii aad isku aragto astaamaha/calaamaha soo socda.        

✓ Dhuunta oo ku qalasha.

✓ Qufac qalalan.

✓ Qandho/Xumad aad u sareeysa.

✓ Dareenka Uriska oo aad weydo.

✓ Neefsashada oo kugu adkaata.

Fadlan sida ugu macquulsan kula xiriir goobta ku haboon la tacaalida cudurka Covid 19 ee kuugu dhaw.

Aan dadaalno Eebena talo saarano Inshaa Allaha.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga dulqaado xanuunkaan faafaha daran.


W/Q Mohamed Adam Ishak.








Monday, January 11, 2021

Jaziirado halis ugu jira in ay baaba'aan


Jaziirada Kiribati waxaa ay ka mid tahay Jaziiradaha qarka u saaran in ay ka tirtirmaan qariirada aduunka, sare u kaca biyaha Bada ku hareereesan 
darteed.
Waxaa ay tusaale cad u tahay Kiribati heerka ay mareeso qatarta ka imaaneeysa isbadalka cimilada aduunka (Climate Change).

Jaziiradaas oo ku dhex taal Bada Pacifica inta u dhexeeysa Australia iyo Hawaii ayaa dowladeeda waxaa ay dhul ka gadatay Jaziirada dariskeeda ah ee Fiji si ay dadkeeda halkaas ugu daad gureeyso.

Hadaba maxaa sababa isbadalka cimilada? (Climate Change)

Isbadalka cimilada waxaa sababa Gaasas badan laakiin waxaa ugu caansan kuwa loo yaqaan Green House gasses oo kala ah.

1. Water vapor
2. Carbon Dioxide
3. Methane
4. Nitrous Oxide
5. Chlorofluorocarbons

Gaasaskaas waxaa ay u ogolaadaan  ileyska qoraxda in uu soo dhex maro atmosphere ka nagu hareereesan, kadibna waxaa ay ka hor istaagaan kuleelka qoraxda in uu dib u laabto.

Taasoo keenta in kuleeelkii xayirmay uu sababo dhibaatooyinka aan hada aragno oo ay ka mid yihiin.

1. Abaaraha
2. Daadadka
3.Dabka ka kaca Keymaha
4. Sare u kaca Badaha iwm

Waxaana rajeeynaynaa in ay dowladaha waaweyn ee caalamka hore u sii wadaan kana wada shaqeeyaan hergelinta heshiiskii Paris.

W/Q Mohamed Adam Ishak.