Our Visitors

Flag Counter

Monday, March 22, 2021

Maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?


Sidaad la socotaan waxaa la soo gabagabeeyay dhageeysigii dhinaca Soomaaliya ee kiiska dacwada badda.

Hadaba su'aashu waxaa ay tahay maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?

Aragtideyda jawaabta su'aashaas waxaa ay tahay. 

Kenya waxaa ay darestay sida aanan wax badan uga ogeyn xaaladaha ay ku sugan tahay Baddeena iyo sida ay isaga dayacan tahay. 

Tusaale, Jaziirada Suqadra waxaa iskala tagtay Yemen waa hore cid si dhab ah arintaas u wajahdayna ma jirto.

Jazeerada Seychelles waxaa la leeyahay waxaa ay badeena isaga maamulataa si furan cid war iyo wacaal ka heysaana ma jirto.

Waxaa intaas dheer kalluumeeysiga sharci darada ah ee aan loo meel dayeen.

Sun iyo qashin ku xabaalida aan waxba loo xeerineyn oo ay ka dhasheen dhibaatooyin bad iyo beriba laga dareemay.

Intaas iyo wax yaabo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sal u ah damaca bahalnimada ah ee ay Kenya ku dooneeyso in ay dharaar cad badeenii ku qaadato.

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujin lahaa in ay u midoobaan guntigana dhiisha isaga dhigaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay wadankooda u ilaashan lahaayeen.

Waxaan Allaah ka rajeeynaayaa in aan kiiskaas maxkamada caalamiga ah horyaal aan ku guuleeysano Inshaa Allaah.

W/Q. Mohamed Adam Ishak

No comments:

Post a Comment