Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Tuesday, June 20, 2017
Kalluumeeysato u dhalatay dalka Pakistan ayaa laga soo qabtay Jaziirada Kudhaa iyagoo si sharci daro ah uga kalluumeeysanaaya halkaas
Ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubballand ayaa sheegay iney xeebaha Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubada hoose ku qabteen doon si sharci daro ah uga kalluumeysaneysay halkaas.
Saraakiisha Ciidamada Juballand ayaa sheegay in doontan ay la socdeen ku dhowaad toban nin oo sideed ka mid ah ay yihiin dad ajnabi ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Bakistan.
Waxay intaa ku dareen in dadkan ajaaniibta ah ay baaritaan ku sameyn doonaan, waxaana galabta lagu soo bandhigay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.
Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Max’uud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka J/hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.
Waxa uu xusay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen kalluun gaaraya 300 oo tan oo ay ka jallaabteen xeebaha gobolka Jubadda hoose.
Doonyo fara badan oo ay leeyihiin kalluumeysato ajaaniib ah ayaa si sharci daro ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo gurta kalluun Malaayiin dollar lagu qiimeeyey, iyagoo kaluumeysiga u adeegsada shabaag dunida laga mamnuucay.
Talaabadaan lagu soo qabtay ragaan sida sharci darada ah uga kaluumeeysanaayay xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid horseedeysa in lagu baraarugo boobka ka socda bada Soomaaliya.
W/D Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, June 17, 2017
10 Things You Can Do to Save the Ocean
1. Mind Your Carbon Footprint and Reduce Energy Consumption
Reduce the effects of climate change on the ocean by leaving the car at home when you can and being conscious of your energy use at home and work. A few things you can do to get started today: Switch to compact fluorescent light bulbs, take the stairs, and bundle up or use a fan to avoid oversetting your thermostat.
2. Make Safe, Sustainable Seafood Choices
Global fish populations are rapidly being depleted due to demand, loss of habitat, and unsustainable fishing practices. When shopping or dining out, help reduce the demand for overexploited species by choosing seafood that is both healthful and sustainable.
3. Use Fewer Plastic Products
Plastics that end up as ocean debris contribute to habitat destruction and entangle and kill tens of thousands of marine animals each year. To limit your impact, carry a reusable water bottle, store food in nondisposable containers, bring your own cloth tote or other reusable bag when shopping, and recycle whenever possible.
4. Help Take Care of the Beach
Whether you enjoy diving, surfing, or relaxing on the beach, always clean up after yourself. Explore and appreciate the ocean without interfering with wildlife or removing rocks and coral. Go even further by encouraging others to respect the marine environment or by participating in local beach cleanups.
5. Don't Purchase Items That Exploit Marine Life
Certain products contribute to the harming of fragile coral reefs and marine populations. Avoid purchasing items such as coral jewelry, tortoiseshell hair accessories (made from hawksbill turtles), and shark products.
6. Be an Ocean-Friendly Pet Owner
Read pet food labels and consider seafood sustainability when choosing a diet for your pet. Never flush cat litter, which can contain pathogens harmful to marine life. Avoid stocking your aquarium with wild-caught saltwater fish, and never release any aquarium fish into the ocean or other bodies of water, a practice that can introduce non-native species harmful to the existing ecosystem.
7. Support Organizations Working to Protect the Ocean
Many institutes and organizations are fighting to protect ocean habitats and marine wildlife. Find a national organization and consider giving financial support or volunteering for hands-on work or advocacy. If you live near the coast, join up with a local branch or group and get involved in projects close to home.
8. Influence Change in Your Community
Research the ocean policies of public officials before you vote or contact your local representatives to let them know you support marine conservation projects. Consider patronizing restaurants and grocery stores that offer only sustainable seafood, and speak up about your concerns if you spot a threatened species on the menu or at the seafood counter.
9. Travel the Ocean Responsibly
Practice responsible boating, kayaking, and other recreational activities on the water. Never throw anything overboard, and be aware of marine life in the waters around you. If you’re set on taking a cruise for your next vacation, do some research to find the most eco-friendly option.
10. Educate Yourself About Oceans and Marine Life
All life on Earth is connected to the ocean and its inhabitants. The more you learn about the issues facing this vital system, the more you’ll want to help ensure its health—then share that knowledge to educate and inspire others
(C) By: NATIONAL GEOGRAPHIC
Tuesday, June 6, 2017
Waa mid ka mid ah qalaaiqda badeena ku nool.
Waa noole ka mid ah noolaha faraha badan ee ku nool badeena weyn ee uu allaah nagu maneeystay, magaciisa waxaa la yiraahdaa af Soomaali Maguunge English na (Eel).
Xayawaankaan ka ma mid ahan waxa ay kaluumeeysatada Soomaalida ahi soo kaluumeeystaan, laakiin aduunyada kale aad baa loo ugaarsadaa oo waxaa uu ka mid yahay kheyraadka bada kuwooda uGu caan san ee aad ka loo isticmaalo loogana ganacsado.
Maki-Sushi-Roll-made-of-Tuna-Salmon-Eel-Cream-Cheese-Fruits-and-Vegetables |
Sawirkaan kore waa Maki-Sushi-Rolls laga sameeyay Taraaqad/Tuna kaluunka Salmon ka loo yaqaan Maguunge ama Eel iyo wax yaaba kale.
Qiima ahaan Maguungeha aad buu u sareeyaa lacaga lagu kala iibsado suuq yada lagu iibiyo kheyraadka bada ee caalamka in kastoo uusan gaarin Kuuleey maanyada ama (Sea-urchin) ta.
Waxaa laga sameyn karaa dhaqaale fiican hadii la helo shirkado xiriir fiican la leh suuqyada waa weyn ee lagu iibiyo kheyraadka bada ee ku teetsan caalamka, waxaana ay shaqo abuur u sameyn karaan kumanaan Soomaali ah oo ay shaqo la'aan ku heysato gudaha iyo dibada dalka.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Monday, June 5, 2017
Maxaad ka taqaan Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaasho (Crab)?
Waxaa laga yaabaa dad badan in sawirkaan uu soo xusuusiyo waqti dheer ka hor xiligii caruurnimada xiligaas oo caruur badan oo ku nool xeebaha dhagta kala socdeen Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaasho una yaqaaneen bahal wax qaniina kaliya.
Waxaan jeclaan lahaa in aan idinla wadaago muuqaal ka duwan midka inta badan ay dadka Soomaalida ah ka aamin santahay Suulal-goys/Carsaanyo/Xarshaashada.
Waa hubaal in Soomaali badan oo dibada ku nool ay wax badan ka barteen cuntooyinka laga helo bada (Sea-food), laakiin ma jirto wali cid inta ay la soo laabatay fikir wanaagsan dalkii ka hirgalisay maashaariic wax soo saarka bada ah oo wax ka badala wacyiga dadka Soomaaliyeed ee ku aadan bada.
Suulalgoysta/Carsaanyada ama Xarshaashada waxaa ay ka mid tahay cuntooyinka bada ee aadka looga isticmaalo maqaayadaha waa weyn ee caalamka sida Indian cuisine, Mexican cuisine, Thai cuisine, Mediterranean cuisine iyo kuwa kaloo aan halkaan kusoo koobi Karin, qiimaha ay ka joogto suuqyada lagu iibiyo kheyraadka badana aad buu u sareeyaa.
Waxaa dhici karta in qaar idinka mid ah ay is dhahaan maxaa balaayadaan nalagala soo doonay ma waxaasaa cunto ah ama la cuni karaa, hadaba ujeedkeygu sidaas ma ahana.
Yaanba la cunin hadii la rabo ee maxaaa looga ganacsan waayay oo dhaqaale looga sameyn waayay oo dadka cuno ama yaqaan loogu iib geyn waayay.
Sidaad ogtihiin heerka dadka aan shaqeeyn aad ayuu u sareeyaa dalkeena cid ka faa'ideysaneysaa fursadahaasna ma jirto ma waxaan dhihi karnaa waa jaahilnimo na heysata mise waa doqonimo.
Hadaba ogoow kheyraadka uu eebe nagu maneystay in ay aad u badan yihiin oo aan hal qurmo iyo qurmooyin lagu soo koobi karin.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Sunday, June 4, 2017
Hala Yaabin Waa Xaqiiq Jirta !!!
Sawirkaan aad arkeysaan waa nooc ka mid ah qalaa'iqda bada ku nool magaceeda waa (Sea Urchin).
Gobolada koofurta Soomaaliya waxaa looga yaqaan Kuuleey Badeed/Maanyo.
Dadka Soomaalida ah ma isticmaalaan oo wax qiima ah agtooda ka ma laha, laakiin dunida kale aad baa loo isticmaalaa waxaa ay ku jirtaa xitaa wax yaabo badan oo aan isticmaalno sida Mayonese rootiga iyo burgerka aan ku isticmaalo. sidoo kale waxaa ay ku jirtaa cuntooyin badan.
Waxaa laga suurto gal ah in aad la yaabto qiimaha ay caalamka ka joogto,
iyo sida ay dadka Soomaalida ah agtooda waxba uga aheyn.
Sawirka hoose waa cuntada loo yaqaan Sushi ama Sashimi oo ay dadyoowga koofur bari Asia caanka ku yihiin waxaa laga cunaa maqaayado badan oo waaweyn oo dunida dacaladeed ku kala yaal waana cunto aad loo jecel yahay dhadhankeeda iyo wax yaabaha ay ka kooban tahay oo badi ka yimid kheyraadka bada, waxa uGu sareeya ee midabka oranjiga ah leh waa Sea urchin ama Kuuleey Badeed/Maanyo.
Waan qeyb ka mid ah aqoon yarida naga heysta badda iyo sida aanan uGu baraarugsaneyn wax soosaarkeeda iyo ka maacaashideeda.
Halkii kiilo ama 1 kg waxaa ay suuq yada caalamka ee lagu iibiyo kheyraadka bada ka joogtaa $450,
Run ahaantii ma ahan qiimo yar lacagtaas, waxaa laga yaabaa in ay loor/kiish/juwaan galeey ah ay ka qaalisan tahay kana howl yar tahay soo saarideeda.
Si kastaba waxaan ku baraajinaayaa dadyoowga Soomaaliyeed in ay u soo jeestaan ka faa'ideysiga badooda baaxada weyn ee uu allaah ku maneeystay.
Waxaa la yaab leh inagoo heesana xeebta uGu dheer qaarada afrika hadana in nalooga waayo aragsanaado wax soosaarka iyo ka macaashida kheyraadka bada, dadkeenana ay macluul iyo gaajo u le'daan.
Markastana aan u taaganahay abaabulida iyo hurinta colaado sokeeyo oo aan aduun iyo aakhiraba faa'ido inoo laheyn.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Gobolada koofurta Soomaaliya waxaa looga yaqaan Kuuleey Badeed/Maanyo.
Dadka Soomaalida ah ma isticmaalaan oo wax qiima ah agtooda ka ma laha, laakiin dunida kale aad baa loo isticmaalaa waxaa ay ku jirtaa xitaa wax yaabo badan oo aan isticmaalno sida Mayonese rootiga iyo burgerka aan ku isticmaalo. sidoo kale waxaa ay ku jirtaa cuntooyin badan.
Waxaa laga suurto gal ah in aad la yaabto qiimaha ay caalamka ka joogto,
iyo sida ay dadka Soomaalida ah agtooda waxba uga aheyn.
Sawirka hoose waa cuntada loo yaqaan Sushi ama Sashimi oo ay dadyoowga koofur bari Asia caanka ku yihiin waxaa laga cunaa maqaayado badan oo waaweyn oo dunida dacaladeed ku kala yaal waana cunto aad loo jecel yahay dhadhankeeda iyo wax yaabaha ay ka kooban tahay oo badi ka yimid kheyraadka bada, waxa uGu sareeya ee midabka oranjiga ah leh waa Sea urchin ama Kuuleey Badeed/Maanyo.
Waan qeyb ka mid ah aqoon yarida naga heysta badda iyo sida aanan uGu baraarugsaneyn wax soosaarkeeda iyo ka maacaashideeda.
Halkii kiilo ama 1 kg waxaa ay suuq yada caalamka ee lagu iibiyo kheyraadka bada ka joogtaa $450,
Run ahaantii ma ahan qiimo yar lacagtaas, waxaa laga yaabaa in ay loor/kiish/juwaan galeey ah ay ka qaalisan tahay kana howl yar tahay soo saarideeda.
Si kastaba waxaan ku baraajinaayaa dadyoowga Soomaaliyeed in ay u soo jeestaan ka faa'ideysiga badooda baaxada weyn ee uu allaah ku maneeystay.
Waxaa la yaab leh inagoo heesana xeebta uGu dheer qaarada afrika hadana in nalooga waayo aragsanaado wax soosaarka iyo ka macaashida kheyraadka bada, dadkeenana ay macluul iyo gaajo u le'daan.
Markastana aan u taaganahay abaabulida iyo hurinta colaado sokeeyo oo aan aduun iyo aakhiraba faa'ido inoo laheyn.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Saturday, June 3, 2017
DIGNIN CULUS OO KU SAABSAN SOCDAALKA KALUUMEEYSIGA IYO SAFARADA GANACSIGA BADDA!
Xarunta Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center), waxaa ay ka digeysaa Socdaalka, Kaluumeeysiga iyo Safarada Ganacsiga badda, Sababtoo ah waxaa fooda inagu soo haya xiligii bad xiranka.
Dabeylo iyo mowjado xoogan oo bada ka jira darteed bada ma isticmaalin karaan maraakiibta ama doonyaha culeyskoodu ka yar yahay 1200 - 1500 mt (Metric ton).
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Bada ayaa ka codsaday ganacsatay in ay ku soo rartaan badeecooyinkooda maraakiibta waaweyn si aysan hantidooda uga baabi'in.
Sanad walba marka la soo gaaro bilaha juun ilaa sibtember waxaa bada ka dhaca dabeeylo iyo mowjada waaweyn ku waasoo Qatar ku ah isku isticmaalka bada qaasatan aaladaha yar yar.
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq
Thursday, June 1, 2017
Mahdi Maxamed Guleed oo Muqdisho kula Kulmay Guddiga Arrimaha Badda
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa la kulmay Guddiga Arrimaha Badaha, waxana warbixino ku saabsan xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda laga dhageystay Wasaaradaha Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda.
Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ugu horeyn ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaa kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).
Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Marwo Maryan Aweys ayaa soo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena, waxana ay Wasiirku codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirada, Maaliyadda, Difaaca, Arrimaha Dibedda iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Arrimaha Badda.
Xigasho Allbanaadir.com
W/D Ocean Care Team
Subscribe to:
Posts (Atom)