Our Visitors

Flag Counter

Thursday, January 30, 2025

Kaluumeeysato lagu waayay bada oo dib loo helay iyagoo nool

 Waxaa dib loo helay kaluumeeyato Soomaaliyeed kuwaasoo lagu waayay dabeelaha ka dhacaaya bada. Dhacdadaan oo ah mid eey aad ugu farxeen dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka iyo asxaabta eey ragaas la waayay la haayeen.

In markab ay ajaabiib wataan uu soo bad baadiyo kuluumeeysato Soomaaliyeed waa dhacdo ku cusub dhaga dadka, maxaa yeelay waxaa jira dad badanoo ka soo bad baaday waxyeeleeynta ajaanibta sida sharci darada ah uga kaluumeeysta badeena.

Waxaa wali jira kaluumeeysato badan oo ilaa iyo hada aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen walina laga qabo rajo in ey maalin un dib u soo laabtaan ma warkooda dib loo helo Inshaa Allaah.

Waxaan ku wacyi galineynaa dhamaan kaluumeeysatada in ey aad uga feejignaadaan qatarta ka imaan karta dabeelaha xooga leh ee ka jira bada.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Monday, December 30, 2024

Waa waqtigii lagu baraarugi lahaa sheekadan

Burcad badeeda ka qawleeysta xeebaha dalka waxaa ey noqdeen qeyn ka mid ah wax yaabaha lagu soo xusuusto wadankeena.

Tusaale hadii aad qof ajanabi ah weydiiso Soomaaliya waxa uu ka yaqaan, waxa ugu horeeya ee afkiisa ka soo baxayaa waa (Pirates) oo la micno ah Burcad badeed.

Hadaba maxeey tahay fikrada ka dambeeysa shaacinta iyo faafinta sheekada burcad badeeda?

Aduunkaan eynu ku nool nahay waxaa la isku isticmaalo dhagaro waaweyn iyo qiyaanooyin farsameeysan si loo boobo oo looga faaideeysto kheyraadka dihan ey wadamadama tabarta yar lee yihiin.

Dhagarahaas waxaa ka mid in la isticmaalo sheekooyin gacan ku sameeys ah iyo eedo aan sal iyo baar toona laheyn si loo baneeysto boobka hantidaada, waana wax soo jireen ah qaabkaas.

Waxaa jira dad muuqa iyo maqaarka Soomali ka ah, ha ahaadaan wariyeyaal ama mooryaan lagu shaqeeysto oo qeybna wax jisho qeybna tabiso si caalamka loo tuso qatarta ka jirta dhulkaaga iyo saameeynta ey ku yeelan karto caalamka iyo dariskaagaba hadii aan wax looga qaban si dhaqsi ah.

Taasi waxaa ey sahleeysaa in lagu soo fara galiyo iyadoo la adeegsanaayo magacyo kala duwan, sida nabad ilaalin iyo wixii la mid ah.

Hadaba waxaa la taagan yahay xiligii aan ku baraarugi laheyn arimaha noocaas ah iyo kooxaha is huwan ee naloo adeegsanaayo.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Saturday, November 30, 2024

Dhawr doon ayaa lagu la'yahay bada

 Waxaa na soo gaaray in dhawr doon lagu waayay bada sababtoo ah waxaa bada hada ka jira dabeeylo xoogan ku waasoo qatar weyn ku ah doomaha yar yar ee ay caadiyan isticmaalaan kaluumeeysatada Soomaaliyeed.

Ilaa iyo afar doon ayaa la waayay laakiin nasiib wanaag waxaa soo laabtay oo dib loo helay mid ka mid ah afartaas iyadoo ey dhamaan nabad qabaan shaqaalihii la socday doontaa.

Qaar ka mid ah shaqaalihii la socday doontaas oo wareeysi siiyay Chanelka ay Youtubeka ku leedahay shabakada Hiiraanweyn ayuu ku sheegay sababta keentay in ay bada ku maqnaadaan intaas.

Waxaa uu sheegay in uu motorka doonta ka ciladoobay xili ay ku sugnaayeen meel ka baxsan inta uu gaari karo signalka talefanada laga isticmaalo dalka sidaas darteedna ay ku qaadatay ku dhawaad shan maalmood in ay bada dul sabeeyaan iyagoo isticmaalaaya shiraac.

Wuxuu intaas raaciyay in ay mudadaas isticmaalaayeen malaayga ugu soo dhaca jalaabta sababtoo ah ma eeysan wadan sahay ka badan hal habeen.

Waxaa ilaa hada la la'yahay sedex doomood kuwaasoo aan wax war ah laga heyn rax iyo ruux meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Waxaan ka codsaneynaa Ciidamada Bada iyo dhamaan cid kastoo gacan ka geysan kartaa in ay gurmad u baadi goob ah u fidiyaan dadkaas Soomaaliyeed ee bada lagu la' yahay una qalbi qaboojiyaan waalidiintii iyo eheladii dhashay ee aadka uga walwalsan.

Allaha soo nabad celiyo dhamaantood


W/Q Mohamed Adam Ishak

Wednesday, October 30, 2024

Malaay yari aan caadi aheyn ayaa ka jirta

Iyadoo lagu gudo jiro xiliga Deerta oo midka loogu jecel yahay marka la barbar dhigo xiliyada kale ayaa waxaa sandka la leeyahay wuu noqon waayay wixii lagu yaqiin Deerta. 

Hadaba maxaa sababay hoos u dhacaas aadka u balaaran ee ku yimid kaluumeeysiga dalka. 

Wali sicad looma oga laakiin waxaa afka lagu dhufanaayaa dhawr sababood kuwaasoo loo maleynaayo in ey yihiin sababta ka dambeeysa. 

Mida ugu horeeysa waa isbadalka cimilada maxaa yeelay waxaa la arkayaa dabeelo aan horey loogu baran in ey xiligaan dhacaan. 

Mudo dheer ayaan ka soo hadleeynay in aan la dhayalsan karin Isbadalka cimilada iyo sida aan ugu nugul nahay saameeytiisa. 

Waxaa intaas noo dheer dayaca badeena heeysta iyo Qashinka xad-dhaafka ah ee lagu shubo. 

Sidoo kale weerarada eey Xuutiyiinta dalka Yemen ka wadaan bada noo dhaxeeysa iyo shidaalka tiro beelka ah ee ku qubanaaya bada kaasoo ka imaanaaya maraakiibta lagu gubaayo dagaalkaas oo iyagana saameeyntooda leh. 

W/Q: Mohamed Adam Ishak 

Monday, September 30, 2024

Ugu dambeeyn dowlada ayaa joojisay isticmaalka bacaha

 Dhibaatada eey bacuhu ku haayaan deegaanka waxaan uga soo hadalnay qormooyin badan waayo waxaa eey aheyd walina tahay qatar weyn oo dhinaca deegaanka ah.

Soomaaliya oo ku taalo cirifka bari ee qaarada Africa xad badeed balaarana la leh qaarada aan dariska nahay ee Asia lehna xeebta ugu dheer Africa dowlad dhexe oo xoog lehna eeysan ka jirin mudo dheer waxaa eey qarka u istaagtay in aay noqoto qabriga bacaha iyo balaastiga kale ee ka imaada qaarada Asia xilig eey dabeeshu isbadasho,

Waxaa mudo dheer lagu soo qobaayay badeena qashin noocyo badan leh kuwaasoo eey bacda iyo walxaha balaastiga ka sameeysan eey qeyb weyn ka ahaayaan kuwaasoo saameyn muuqata ku yeeshay noloha bada ku jira iyo kuwa beriga joogaba.

Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) waxaa walaac xoog leh ka qabtay mustaqbalka dalka qaasatan dhinaca bada sida uu u sii liidanaayo maalinba maalinta ka dambeeysa, laakiin nasiib wanaag waxaa go'aan lama filaan soo saartay dowlda dhexe ee dalka taasoo ku joojisay isticmaalka bacaha iyo ka ganacsigoodaba.

Waxaan uga mahad celineeynaa dowlada dhexe ee dalka go'aankaas geesinimada leh ee ay ugu hiilisay dalka iyo dadkaba kaasoo si weyn loo soo dhaweeyay.

Sidoo kale waxaan aad u bogaadineeynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed sida qiimaha badan ee dhago nugeelka ah ee ay go aankaas ula qaateen dowladooda.

Waxaa umada Soomaaliyeed u baryay waa cusub waxaa eeyna dalkooda ka joojiyeen qatar dalka iyo dadkaba haadaan dheer ka tuureeysay.

W/Q: Mohamed Adam Ishak

Friday, August 30, 2024

Sidee Wax looga qaban karaa kaluumeeysiga sharci darada ah ee ka socda xeebaha dalka?

 Waxaa aad u soo badanaaya cabashooyinka ka imaanaaya kaluumeeysatada Soomaaliyeed ee ku aadan maraakiibta iyo doomaha waa weyn ee shisheeye kuwaasoo si sharci daro ah uga kaluumeeysanaaya Xeebteena dheer.

Warbixin laga soo diyaariyay kaluumeeysatada aan qalabka badan la heyn ee noloshoodu ku xiran tahay bada ayeey ku soo bandhigeen dhibaatooyinka ay ku yahaan ajaaniibta xaalufinta ka wada badeena beylahda iska noqotay dhawr iyo sodonkii sano ee ugu danbeeyay sababtoo ah malaha Ciidan badeed heysta agab dhameeystiran oo ay ku sugaan amaankeeda.

Xaalufintaas lagu hayo bada waa ay soo noq noqotay waana sababta asalka u ah curashadii burcad badeeda aafada weyn noo soo jiiday taasoo aan ilaa hada ka soo kaban la'nahay dhibaatooyinkii ka dhashay oo ay ugu horeeyso in la baneeysto ku xad gudbida badeena si bareer ah iyadoo la sheeganaayo la dagaalanka burcad badeeda taasoo aanan sax aheyn.

Hadaba sidee wax looga qaban karaa dhibkaas baaxada leh ee mustaqbalka dhaw saameeynta balaaran ku yeelan kara wax soosaarka kheyraadka bada?

Waxaa jira heshiisyo lala galay wadamo badan oo uu kii Turkiga ugu danbeeyay kaasoo aanan wali si dhab ah u dhaqan galin waana rajada kalya ee noo mooqata xiligan dhaw, maxaa yeelay in la helo ciidan badeed dhameeystiran lehna awood uu ku hanto amniga iyo maamulida xeebta ugu dheer Afrikada aan jaziiradaha aheyn waxaa ay qaadan kartaa sanado badan.


W/Q: Mohamed Adam Ishak

Wednesday, July 31, 2024

Sicirka Malaayga oo aad kor ugu kacay

 Sidii loo galay xiliga xagaag waxaa aad sare ugu kacay qiimaha lagu kala gato malaayga noocyadiisa kala duwan, taasoo saameeyn ku yeelatay dadka ka qanacsada iyo kuwa cunaba.

Waxaan taleefanka kula hadlay ganacsada Cabduqaadir Jimcaale oo ku sugan suuqa malaayga ee Degmada Wadajir.

Cabduqaadir waxaa uu ii sheegay in ay xaalad adag oo malaay la' aan ah ka jirto Suuqyada malaayga lagu gado ee ku yaalo magaalada Muqdisho waxaana ugu wacan xiliga xagaaga ee hada lagu guda jiro waayo waa xiliga ay badu kacdo oo ma gali karaan doomaha kaluumeeysatada waana xilig ay badanaa dhacaan shilalka bada gudaheeda dhaca.

Sidoo kale waxaa qatar culus kala kulma dadka u aada dabaasha oo beylah u ah in aay qaado bada ama ay ku haftaan. 

Waa muhiim in waalidiinta ay ku baraarugaan dhibaatada kaga imaan karta caruurtooda hadii xiligaan ay aadaan bada waayo ma jirto ilaalo badeed oo ka cilineeysa caruurta dabaasha bada ama badbaadin kartaa hadii ay qatar galaan.


W/Q: Mohamed Adam Ishak