Our Visitors

Flag Counter

Saturday, April 30, 2022

Kheyraadka Dalka iyo Dayaca Jira

Wadamo badan ayaa ka faa’iideeysta kheeyraadka badda, taas oo uu illaahay siiyey. Dalalka uu illaahay nimcadaas siiyey waxaa ka mid ah dalka Soomaalida. Hase ahaatee, Soomaalida kama faa’iideeystaan, mana doonayaan ineey manaafacaadsandaan, balse taa badakeeda waxeey ka jecelyihiin in dalalkaas ka faa’iideeystay kheeyraadkooda ay maalin kasta lacag weeydiistaan, iyagoo oranaya waxaanu nahay ummad habaar uu ku dhacay oo gaajo, biyo la’aan, xannuuno, abaaro iyo masiibooyink kalle ay ku dhaceen ee hanaloo gargaaro.

Hadaba sannadkii 2017kii waxaa wadamadan hoos ku xusan ka soo gallay daqli dhan:

Shiinaha                               $13.3 seddex iyo tobban biliyan iyo seddex boqol oo milyan oo doolar

Norweey                                         $ 11 bilyan

Hinidiya                                           $ 5.42 bilyan

Mareeykanka                                  $ 5.38 bilyan

Chile (Jili)                                          $ 5.2 bilyan

Vietnam (Fiitnaam)                         $ 5 bilyan

Kanada                                               $ 4.8 bilyan

Netherland (Hooland)                     $ 4.2 bilyan

Iswiidhen                                             $4 bilyan

Ruushka                                                $3.5 bilyan

Dhawaan ayeey aheed markii maamulada dalka iyo dawladda federaalka ay ka wada hadleen sida loo qeeybsanayo kheeyraadka badda, waxeeyna dhamaantood isku raaceen in shatiyada lacagta ka soo xaroota ee laga qaado maraakiibta shisheeye lagu shubo qasnad dhexe, dabadeedna la qeeybsado. Marna kama aysan fakirin sidii kalluunka dalka looga faa’iideeysan lahaa, iyadoo maalgashadayaal caalami ahna loo helli lahaa.

Inta badan, marka markabka shisheeye la siiyo ruqsadda kalluumeeysiga, ragga madaxda ka ah maamulada, waxaa u sahlan in lacagtaas ay ka qaateen maraakiibta shisheeya ay jeebkooda ku shubtaan. Tusaale, marka shirkadda shisheeye ee markabka iska leh ay bixiso lacag dhan hal milyan oo doolar, waxeey ka sameeneeysaa shirkaddaas markabka iska leh lacag ka badan konton milyan oo doolar. Miyeeysan qasaaro ku aheen ummada Soomaaliyeed?

Markabkan aad muuqaalka hoose ku aragtaan waa markab lagu sii daayey biyaha Soomaaliya, wuxuuna guranayaa wixii kalluun ah ee uu guran karro, meesha ninkii ruqsada bixiyeyna uusan waxba ka oggeen waxa meesha ka socda, waxa uuna niyadda ka leeyahay maxaa iga gallay mar haddaan xoggaageega ka qaatay.

Waa ay inoo suurto gali weysay in aan idiin soo gudbino muuqaalka marka qormada looga hadlaayo, maxaa yeelay waxaa laga saaray meeshii laga soo share gareeyay.

SOOMAALIYA MA AHAN DAL FAQRI AH, LAAKIIN WAXAA FAQRI KA DHIGAYA DADKA AAN DAL IYO DAD TOONA AAN U NAXEEN.

Xigasho: www.allsanaag.com 

W/D: Mohamed Adam Ishak 


Thursday, March 31, 2022

Kalluumeeysato ku sumoowday Badda


Waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof ilaa sadax kalena waxaa ay la il daran yihiin sun la sheegay in ay ka soo gaartay goob ay ka kaluumeesanayeen.
Waa dhacdo aad u cabsi galisay dhamaan Kalluumeeysatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka Kalluumeeysata Goballada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Illaa hada si cad looma oga nooca ay tahay suntaas iyo cida ku soo shubtay badda Soomaaliya.

Laakiin waxaa la aamiinsan yahay in ay qeyb ka tahay mashruuca qashin ku daadinta iyo wasaqeynta mudo dheer ay xeebaha Soomaaliya ka wadeen marsakiib shisheeye taasoo galaafatay nafta muwaadiniin fara badan.

Sidaad la socotaan waxaa aad u soo kordhay dhawaanahaan haamaha ku soo caarinaaya xeebaha kuwaasoo ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka.

Waxaa suurto gal ah in haan bada gunteeda hoose ku dilaacday ay sabab u tahay dhibkan soo gaaray kalluumeeysatadan.

W/Q: Mohamed Adam Ishak


Monday, February 28, 2022

Xumbo mise Baraf?


Waxaa aad loo hadal hayay wax dadka qaar ay ku sheegeen Baraf lagu arkay xeebaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.


Hadaba waxaas sawirada sare ka muuqdaa ma Barafbaa mise waa Xumbo? Maxaana sababan?

Sidaan idiin soo sheegnay bilihii hore dabeeylo xoog leh ayaa ka dhacaayay xeebaha dalka, kuwaasoo saameeyn balaaran ku yeeshay bada iyo wax soo saarkeediiba.


Waxaad aragtaana waa Xumbo ka dhalatay dabeeylaha xeebaha ka dhacaayay iyo hirka bada.

Mida kale waa istaan muujineeysa fayo qabka deegaanka Bada iyo in ay tahay mid kheyraad balaaran dihan ama ay dhex ceegaagaan.  (productive ecosystem)

Xumbadaas malaha qatar ka badan indho xanuun kooban hadii ay indhaha kaaga soo bido.

Waxeey kaloo saameeyn kartaa dadka qaba xanuunka neefta ( Asthma)

W/Q Mohamed Adam Ishak


Sunday, January 30, 2022

Dabeeylo xoog leh ayaa wali ka jira Bada


Waxaa wali halkoodii ka sii socda Dabeeylo xoog leh kuwaasoo aad u sameeyay wax soo saarkii kheyraadka Bada.

Dabeeylahan oo loo yaqaan (Istaaqfuruloow) ayaa ah kuwo sanad kasta xiligaan oo kale ka dhaca xeebaha dalka gaar ahaan Gobolada ku teetsan bad weynta hindiya.

Mar aan la hadalnay mid ka mid ah ganacsatada sida tooska ah uu ganacsigoodu ugu xiran yahay bada ayaa noo sheegay in ganacsigoodu uu aad hoos ugu dhacay dabeeylahan dartood.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali jira Kalluumeeysato aan ka quusan, naftooda iyo maalkoodana u huray sidii ay haba yaraatee wax ku soo heli lahaayeen.

Dabeeylahan waxaa ay sababan shilal ka dhaca bada sida in ay gadoomaan ama ay jihadii ka dhumaan doomaha yar yar ee aan ku habooneen xiligaan bada.

Waxaan u rajeyneenaa Kalluumeeysatada waqti wanaagsan Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Thursday, December 30, 2021

Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan.


Dabeeylo yar yar oo ka dhacaya deegaanada xeebta ku teedsan ayaa saameeyn kooban ku yeeshay Kalluumeeysatada ku dhaqan halkaas.

Dabeeylahan ayaa ka dhici jiray deeganada ku yaala nawaaxiga xeebaha kuwaa soo loogu yeero magacyo uu ka mid yahay (Istaaqfuruloow).

Waxaana jira caado dhaqameedyo badan oo lagu maamuuso xiligaan sida (Bad Galka) oo inta xeebta la isugu soo baxo lagu Alle baryo oo lagu duceeysto.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Tuesday, November 30, 2021

Isbadal wanaagsan ayaa laga dareemayaa Suuqyada lagu gado malaayga


Suuqyada lagu gado malaayga waxaa laga dareemayaa isbadal weyn kadib mudo kooban oo hoos u dhac ah ka dib.
Waxaa si wanaagsan u biloowday helida Malaayga Jeedarka/Tabadinka kaasaa caan ku xiliga Deerta oo aan hada ku gudo jirno.

Mar aan la hadalnay dadka ku dhaqan Degmada Wadajir gaar ahaan nawaaxiga Kawaanka Malaayga, waxaa ay noo sheegeen in maalmahaan uu kawaanka si wanaagsan u camiran yahay.

Kiilada Malaayga waliba Nooca Jeedarka/Tabadinka (Tuna) oo dunida aad looga jecel yahay waxaa ay mareeysaa $1.5 ilaa $2.00 dollar, taasoo ah qiimo aad u jaban, halka uu dhawr sitimaan ka hor uu ka ahaa $6 ilaa $5.

Si kastaba waxaa la rajeynaayaa in ay hoos u sii dhici doonto Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak.

Saturday, October 30, 2021

Waa sidee xaalka kalluumeeysatada Deegaanka Ceel-Macaan


Halkan waa Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobalka Shabeelada Dhexe, waxaa ay caanku tahay marka laga soo tago dakadii macmalka aheyd ee xili halkaas ku taali jirtay, wax soo saarka qeyraadka bada kaasoo soo jiitay indhaha ganacsato iyo kaluumeeysato farabadan.
Mar aan la hadlay mid ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Macaan waxaa uu ii sheegay in ay halkaas ka jiraan hoos u dhac xoogan oo ku yimid wax soo saarka qeyraadka bada.


Sidaad ka aragtaan kawaanka Malaayga ee Deegaanka Ceel-Macaan, waxaa la garan la yahay waxa sababay hoos u dhacaas saameeynta balaaran ku yeeshay Ganacsatada iyo Kalluumeeysatada sida tooska ah noloshoodu ugu xiran tahay wax soo saarka qeyraadka bada.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in uu isbadal weyn ku imaan doono bada maadaama hada un uu biloowday xiligii Deerta kaasoo ah xili aad iyo aad ugu wanaagsan wax soo saarka qeyraadka bada.

W/Q: Mohamed Adam Ishak