Our Visitors

Flag Counter

Thursday, March 31, 2022

Kalluumeeysato ku sumoowday Badda


Waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof ilaa sadax kalena waxaa ay la il daran yihiin sun la sheegay in ay ka soo gaartay goob ay ka kaluumeesanayeen.
Waa dhacdo aad u cabsi galisay dhamaan Kalluumeeysatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka Kalluumeeysata Goballada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Illaa hada si cad looma oga nooca ay tahay suntaas iyo cida ku soo shubtay badda Soomaaliya.

Laakiin waxaa la aamiinsan yahay in ay qeyb ka tahay mashruuca qashin ku daadinta iyo wasaqeynta mudo dheer ay xeebaha Soomaaliya ka wadeen marsakiib shisheeye taasoo galaafatay nafta muwaadiniin fara badan.

Sidaad la socotaan waxaa aad u soo kordhay dhawaanahaan haamaha ku soo caarinaaya xeebaha kuwaasoo ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka.

Waxaa suurto gal ah in haan bada gunteeda hoose ku dilaacday ay sabab u tahay dhibkan soo gaaray kalluumeeysatadan.

W/Q: Mohamed Adam Ishak


No comments:

Post a Comment