Our Visitors

Flag Counter

Monday, May 16, 2016

Maxeey ciidamada shisheeye ka qabtaan xeebaha Soomaaliya?

Sidaad la socotaan mudo dheer waxaa xeebaha wadankeena ku soo qulqulaayay ciidamo shisheeye, kuwaasoo sheeganaaya in ay la dagaalamaayaan waxa ay ugu yeeraan Burcad-Baddeedka, ka jira xeebaha Soomaaliya..

Su aasha meesha taala ee in la is weydiiyo u baahan ayaa ah, Cudurka ma calaamadahaa laga daweeyaa mise Waxa sababay?

Burcad Baddeedku iskama imaan ee waxaa abuuray sabab cad oo aan la iska indho tiri karin, hadaan sababtaas wax laga qabana waligeed xal waara looma heli doono.

Waxaa wali halkeedii ka sii socda siina xoogeeystay ku shubidii badda Wasaqda iyo haraaga Warshada Kiimikooyinka iyo Hubka soosaara.

Waxaa si arxan daro ah loo xaalufinayaa kaluunkii iyo qeyraadkii kalee Badda.

Labadaas qodob waxaa ay ahaayeen walina yihiin waligeedna ahaan doonaan xaalad aan laga indho qarsan karin, cid kaloo wax ka qabaneeysaa ma jirto ilaa dadka Soomaalida ah ay ku baraarugaan lugooyada iyo hagardaamada loo maleegaayo ee dalkooda iyo qeyraadkooda lagu baabi'inaayo.

Soomaaliyeey toosa oo dantiina garta illaahna u toobad keena,


Monday, May 9, 2016

Jasiirada Suqadara (Socotra Island)














Jasiirada Suqadara (Socotra Island):-
Jasiirada Suqadara waxay ku taala bad-weynta India khadka joogiisu yahay 12, 30 waqooyi iyo khadka dheerarkiisu yahay 54 dhanka bari, wuxuu bariga soomaaliya u jira 130 mayl waqooyi bari Garda-fooy oo carabtu u taqaanay Ras Casayr, biriga koofur bari khaliij alcarab ee yemen u jirta 190 mayl .

Jasiirada Suqadara iyo dhawr jasiiradu oo kale waxaay raacsan jireen maamulka Saldanada almahra oo ahayd xarunteedu Jasiirada Suqadara. Dhulka almahra wuxuu u dhexeeya Hadarmuut iyo cumaan. Jasiiradaha kale ee hoos yimaada jasiirada suqadara waa shan jasiiradood oo yar yar waxaa ka mid ah: Cabdi AlKuuri, Darsam, Karacateen, alfaraacinah iyo Siyaad. Jasiirada cabdi alkuuri waxay u jirta Ras Garda-fooy soomaaliya 200 mayl, waxaa kale oo jira marsooyin yar yar oo ku yaala koofurta xeebta oo la yiraahdo Binder Saalax sida xaqiijiyeen ergo ka socotay ingiriisa xiligaas.
Jasiirada Suqadara waxay dheerarkeedu dhan yahay 72 mayl baaxadiisuna tahay 22 mayl, baaxada ay ku fadhido waa kun mayl (10002 ).

Xigasha:--- Somalitalk

Wednesday, February 10, 2016

Doon/Xaryan





























Waa jaad kamida gaadiidka badda oo bedenka ka weyn, markabkana ka yar. Waa gaadiid aadanuhu waayo badan adeegsanaayay, waxaana wadi jirtay awoodda dabaysha oo inta ku dhufata shiraac loo qaabeeyay arrinka, riixda doonta oo sidaas ku maaxisa. Hab-dhaqanka doonyaha/badda ee Soomaalidu waa durugsan yahay, waxaana jiri jirtay marar si weyn doonta, bedenka, iyo huuriga loo samayn jiray.

Beach Clean Up.....





Wednesday, January 27, 2016

Xeebaheena sidan ma Istaahilaan?
























Aaway Shacabkii Soomaaliyeed?? Aaway Dowladii Hoose?? Sida idin kaga muuqata Sawiradan waa qeybo kamid ah Xeebta Bossaso oo laga dhigtey Qashin Qub. Bal eega Caruurteena meesha ey ku dabaalanayaan Iyo waxa ey soo dhex marayaan!! War sidan ma Ina qabataa??
Balanteenu waa in aynu ka dhidhinaa dayaca iyo duleeynta aan ku heyno deegaanka.
Xuquuqda Sawirka waa Bootaan
W/Q Sakariye Isticmaar, waxaa dib u qaabeeyay Maxamed Aadan.


Tuesday, January 26, 2016

Gacan (Gulf)


























Waa jeex biyo ah oo geesaha birri ka xigo. Aalaa gacanku wuxuu leeyahay marin ciriiriya oo birrigu isaga soo dhawaado. Labada dhul-biyood ee Soomaaliya mid baa ah gacan, waana Gacanka Cadmeed (Gacanka Barbar). Gacammada kale waxaa noogu dhow Gacanka Beershiya.

W/Q:  Abdi J Aw-Aden

Thursday, January 14, 2016

Khoori (Bay)

























Waa gacan-biyood aan weynayn oo birri ku qoolaaban yahay.
In kastoo Soomaaliya ay xeeb dheer leedahay, haddana khoorriyadu waa ku yar yihiin, waxaana ugu door roon Khooriga Xaafuun iyo Khooriga Buurgaabo, sida ka muuqata sawirada.

Qore: Qabiir sare Abdi J Aw-Aden