Our Visitors

Flag Counter

Sunday, July 31, 2022

Saameeynta xagaaga ee sanadkan ayaa ah mid aad u sareeysa


Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay sedex dhimasho ah iyo ilaa dhawr doon oo lal'a yahay.

Mideedka oo ka soo caariyay degmooyinka Cabdicasiis iyo Shingaani ayaa la sheegay in ay ahaayeen kaluumeeysato ay saameeyeen dabeelaha xooga badan ee ka dhacaaya bada xiligan xagaaga ah darteed.

Waxaa lagu jiraa xiligii bad xiranka kaasoo caadiyan ay yaraadaan isku socodka ganacsiga iyo kaluumeeysiga isbadalka jawiga dartiis.

Kaluumeeysatada isticmaasha doomaha yar yar ayaa intabadan joojiya howlahooda kaluumeeysiga maadaama ay bada aad u kacsan tahay ayna adag tahay in ay isticmaalaan doomahooda.

Laakiin waxaa jira qaarkaloo howlahooda iska sii wata maadaama ay nolol maalmeedkoodu ku tiirsan tahay bada cid kaloo caawineeysaana aysan jirin.

Waxaan Allaah uga baryeenaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo intii ku geetiyootay bada samir iyo iimaan saadaq ahna naga ada siiyo. Aamiin yaa rabi

W/Q:  Mohamed Adam Ishak

Wednesday, June 29, 2022

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.


Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa soo bandhigtay deeq waxbarasho oo la gudoonsiiyay ku dhawaad ilaa 20 arday, kuwaasoo baran doona cilmiga kalluumeeysiga.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda iyo xubno ka kala socday Hay'ada FAO, EU iyo Maamulka jaamcada City University ee magaalada Muqdisho.

Waa talaabo aad iyo aad muhiim u ah in sare loo qaado aqoonta iyo tayada dhalinyarada Soomaaliyeed ee hanka wanaagsan u leh kobcinta iyo ka miro dhalinta kheyraadka Badda.

Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) Waxeey bogaadineeysaa dadaalka Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda ee ku aadan deeqdan waxbarasho taasoo naruuro u ah dhamaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) Waxeey kula dardaarmeeysaa ardayda nasiibka u yeelatay in ay helaan fursadan qaaliga ah in ay ogaadaan in uu saaran yahay waajib qaran waayo waxaad wax ku baraneeysaan canshuurtii laga qaaday shacabka Soomaaliyeed sidaas darteed waa in aad dadaalkiina laba laabtaan si aad u anfacdaan Dalkiina iyo Dadkiinaba.

Waxaan Allaah idin kaga baryeeynaa in uu idin siiyo cimriga iyo caafimaad ka aad ku dhameeysataan waxbarashadiina Dalkiina iyo Dakiinana ugu adeegtaan.

W/Q Mohamed Adam Ishak 

Tuesday, May 31, 2022

Sidee looga hortagi karaa Sunta bada lagu soo shubo?


Waxaa aad u soo kordhaaya qeylo dhaanta ka imaaneeysa Kalluumeeysatada ee ku aadan haamaha ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka ee wadamada shisheeye kuwaasoo geeysanaaya dhibaatooyin naf iyo maalba isugu jira.


Sida la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad ka badan sedex qof dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen markii Kalluumeeysato shaqo maalmeed kooda caadiga ah iska wata ay si lama filaan ah u dhex galeen goob ay ku dilaacday haan sun ah, taasoo galaafatay nafta saaxiibadood dhaac halis ahna soo gaarsiisay kuwo kale.

Waa tiro dhaaf inta jeer ee dhibaato ka timid haamaha ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka sameeya ee badeena lagu soo daadiyo ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan muwaadiniin fara badan.

Run ahaantii waa nasiib daro in dawlada federal ka Somalia iska fiirsato tacadiga lagu hayo dadka iyo deegaankaba, taasoo hadii aan wax laga qaban keeni karta xaalado aan laga soo kaban karin.

Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya ( Ocean Care Movement Center) waxaay ay uga digeysaa dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan xeebaha iyo Kalluumeeysatada in ay ka feeyjignaadaan haamahaas halista ah, meel kastoo lagu arkana fadlan la soo xiriira maamulada goobtaas aad joogtaan ka jira si loogu gudbiyo cid wax ka qaban karta.

W/Q Mohamed Adam Ishak

Saturday, April 30, 2022

Kheyraadka Dalka iyo Dayaca Jira

Wadamo badan ayaa ka faa’iideeysta kheeyraadka badda, taas oo uu illaahay siiyey. Dalalka uu illaahay nimcadaas siiyey waxaa ka mid ah dalka Soomaalida. Hase ahaatee, Soomaalida kama faa’iideeystaan, mana doonayaan ineey manaafacaadsandaan, balse taa badakeeda waxeey ka jecelyihiin in dalalkaas ka faa’iideeystay kheeyraadkooda ay maalin kasta lacag weeydiistaan, iyagoo oranaya waxaanu nahay ummad habaar uu ku dhacay oo gaajo, biyo la’aan, xannuuno, abaaro iyo masiibooyink kalle ay ku dhaceen ee hanaloo gargaaro.

Hadaba sannadkii 2017kii waxaa wadamadan hoos ku xusan ka soo gallay daqli dhan:

Shiinaha                               $13.3 seddex iyo tobban biliyan iyo seddex boqol oo milyan oo doolar

Norweey                                         $ 11 bilyan

Hinidiya                                           $ 5.42 bilyan

Mareeykanka                                  $ 5.38 bilyan

Chile (Jili)                                          $ 5.2 bilyan

Vietnam (Fiitnaam)                         $ 5 bilyan

Kanada                                               $ 4.8 bilyan

Netherland (Hooland)                     $ 4.2 bilyan

Iswiidhen                                             $4 bilyan

Ruushka                                                $3.5 bilyan

Dhawaan ayeey aheed markii maamulada dalka iyo dawladda federaalka ay ka wada hadleen sida loo qeeybsanayo kheeyraadka badda, waxeeyna dhamaantood isku raaceen in shatiyada lacagta ka soo xaroota ee laga qaado maraakiibta shisheeye lagu shubo qasnad dhexe, dabadeedna la qeeybsado. Marna kama aysan fakirin sidii kalluunka dalka looga faa’iideeysan lahaa, iyadoo maalgashadayaal caalami ahna loo helli lahaa.

Inta badan, marka markabka shisheeye la siiyo ruqsadda kalluumeeysiga, ragga madaxda ka ah maamulada, waxaa u sahlan in lacagtaas ay ka qaateen maraakiibta shisheeya ay jeebkooda ku shubtaan. Tusaale, marka shirkadda shisheeye ee markabka iska leh ay bixiso lacag dhan hal milyan oo doolar, waxeey ka sameeneeysaa shirkaddaas markabka iska leh lacag ka badan konton milyan oo doolar. Miyeeysan qasaaro ku aheen ummada Soomaaliyeed?

Markabkan aad muuqaalka hoose ku aragtaan waa markab lagu sii daayey biyaha Soomaaliya, wuxuuna guranayaa wixii kalluun ah ee uu guran karro, meesha ninkii ruqsada bixiyeyna uusan waxba ka oggeen waxa meesha ka socda, waxa uuna niyadda ka leeyahay maxaa iga gallay mar haddaan xoggaageega ka qaatay.

Waa ay inoo suurto gali weysay in aan idiin soo gudbino muuqaalka marka qormada looga hadlaayo, maxaa yeelay waxaa laga saaray meeshii laga soo share gareeyay.

SOOMAALIYA MA AHAN DAL FAQRI AH, LAAKIIN WAXAA FAQRI KA DHIGAYA DADKA AAN DAL IYO DAD TOONA AAN U NAXEEN.

Xigasho: www.allsanaag.com 

W/D: Mohamed Adam Ishak 


Thursday, March 31, 2022

Kalluumeeysato ku sumoowday Badda


Waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof ilaa sadax kalena waxaa ay la il daran yihiin sun la sheegay in ay ka soo gaartay goob ay ka kaluumeesanayeen.
Waa dhacdo aad u cabsi galisay dhamaan Kalluumeeysatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka Kalluumeeysata Goballada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Illaa hada si cad looma oga nooca ay tahay suntaas iyo cida ku soo shubtay badda Soomaaliya.

Laakiin waxaa la aamiinsan yahay in ay qeyb ka tahay mashruuca qashin ku daadinta iyo wasaqeynta mudo dheer ay xeebaha Soomaaliya ka wadeen marsakiib shisheeye taasoo galaafatay nafta muwaadiniin fara badan.

Sidaad la socotaan waxaa aad u soo kordhay dhawaanahaan haamaha ku soo caarinaaya xeebaha kuwaasoo ay ku jiraan haraadiga warshadaha kiimikooyinka.

Waxaa suurto gal ah in haan bada gunteeda hoose ku dilaacday ay sabab u tahay dhibkan soo gaaray kalluumeeysatadan.

W/Q: Mohamed Adam Ishak


Monday, February 28, 2022

Xumbo mise Baraf?


Waxaa aad loo hadal hayay wax dadka qaar ay ku sheegeen Baraf lagu arkay xeebaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.


Hadaba waxaas sawirada sare ka muuqdaa ma Barafbaa mise waa Xumbo? Maxaana sababan?

Sidaan idiin soo sheegnay bilihii hore dabeeylo xoog leh ayaa ka dhacaayay xeebaha dalka, kuwaasoo saameeyn balaaran ku yeeshay bada iyo wax soo saarkeediiba.


Waxaad aragtaana waa Xumbo ka dhalatay dabeeylaha xeebaha ka dhacaayay iyo hirka bada.

Mida kale waa istaan muujineeysa fayo qabka deegaanka Bada iyo in ay tahay mid kheyraad balaaran dihan ama ay dhex ceegaagaan.  (productive ecosystem)

Xumbadaas malaha qatar ka badan indho xanuun kooban hadii ay indhaha kaaga soo bido.

Waxeey kaloo saameeyn kartaa dadka qaba xanuunka neefta ( Asthma)

W/Q Mohamed Adam Ishak


Sunday, January 30, 2022

Dabeeylo xoog leh ayaa wali ka jira Bada


Waxaa wali halkoodii ka sii socda Dabeeylo xoog leh kuwaasoo aad u sameeyay wax soo saarkii kheyraadka Bada.

Dabeeylahan oo loo yaqaan (Istaaqfuruloow) ayaa ah kuwo sanad kasta xiligaan oo kale ka dhaca xeebaha dalka gaar ahaan Gobolada ku teetsan bad weynta hindiya.

Mar aan la hadalnay mid ka mid ah ganacsatada sida tooska ah uu ganacsigoodu ugu xiran yahay bada ayaa noo sheegay in ganacsigoodu uu aad hoos ugu dhacay dabeeylahan dartood.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali jira Kalluumeeysato aan ka quusan, naftooda iyo maalkoodana u huray sidii ay haba yaraatee wax ku soo heli lahaayeen.

Dabeeylahan waxaa ay sababan shilal ka dhaca bada sida in ay gadoomaan ama ay jihadii ka dhumaan doomaha yar yar ee aan ku habooneen xiligaan bada.

Waxaan u rajeyneenaa Kalluumeeysatada waqti wanaagsan Inshaa Allaah.

W/Q Mohamed Adam Ishak