Our Visitors

Flag Counter

Wednesday, June 29, 2022

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.


Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa soo bandhigtay deeq waxbarasho oo la gudoonsiiyay ku dhawaad ilaa 20 arday, kuwaasoo baran doona cilmiga kalluumeeysiga.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda iyo xubno ka kala socday Hay'ada FAO, EU iyo Maamulka jaamcada City University ee magaalada Muqdisho.

Waa talaabo aad iyo aad muhiim u ah in sare loo qaado aqoonta iyo tayada dhalinyarada Soomaaliyeed ee hanka wanaagsan u leh kobcinta iyo ka miro dhalinta kheyraadka Badda.

Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) Waxeey bogaadineeysaa dadaalka Wasaarada kalluumeeysiga iyo kheyraadka Badda ee ku aadan deeqdan waxbarasho taasoo naruuro u ah dhamaan umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia) Waxeey kula dardaarmeeysaa ardayda nasiibka u yeelatay in ay helaan fursadan qaaliga ah in ay ogaadaan in uu saaran yahay waajib qaran waayo waxaad wax ku baraneeysaan canshuurtii laga qaaday shacabka Soomaaliyeed sidaas darteed waa in aad dadaalkiina laba laabtaan si aad u anfacdaan Dalkiina iyo Dadkiinaba.

Waxaan Allaah idin kaga baryeeynaa in uu idin siiyo cimriga iyo caafimaad ka aad ku dhameeysataan waxbarashadiina Dalkiina iyo Dakiinana ugu adeegtaan.

W/Q Mohamed Adam Ishak 

No comments:

Post a Comment