Our Visitors

Flag Counter

Monday, March 22, 2021

Maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?


Sidaad la socotaan waxaa la soo gabagabeeyay dhageeysigii dhinaca Soomaaliya ee kiiska dacwada badda.

Hadaba su'aashu waxaa ay tahay maxaa sababay in Kenya ay damacdo Baddeena?

Aragtideyda jawaabta su'aashaas waxaa ay tahay. 

Kenya waxaa ay darestay sida aanan wax badan uga ogeyn xaaladaha ay ku sugan tahay Baddeena iyo sida ay isaga dayacan tahay. 

Tusaale, Jaziirada Suqadra waxaa iskala tagtay Yemen waa hore cid si dhab ah arintaas u wajahdayna ma jirto.

Jazeerada Seychelles waxaa la leeyahay waxaa ay badeena isaga maamulataa si furan cid war iyo wacaal ka heysaana ma jirto.

Waxaa intaas dheer kalluumeeysiga sharci darada ah ee aan loo meel dayeen.

Sun iyo qashin ku xabaalida aan waxba loo xeerineyn oo ay ka dhasheen dhibaatooyin bad iyo beriba laga dareemay.

Intaas iyo wax yaabo kaloo badan oo isbiirsaday ayaa sal u ah damaca bahalnimada ah ee ay Kenya ku dooneeyso in ay dharaar cad badeenii ku qaadato.

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujin lahaa in ay u midoobaan guntigana dhiisha isaga dhigaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii ay wadankooda u ilaashan lahaayeen.

Waxaan Allaah ka rajeeynaayaa in aan kiiskaas maxkamada caalamiga ah horyaal aan ku guuleeysano Inshaa Allaah.

W/Q. Mohamed Adam Ishak

Friday, February 26, 2021

Wacyi galin cudurka Covid 19


 

Xarunta Dhaq-dhaqaaq Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Somalia), waxaa ay ku boorineeysaa dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Kaluumeeysatada in ay ka feejignaadaan cudurka Covid 19 oo ay saameeyntiisa soo laabatay. 

Si aad uga hortagto cudurka Covid 19 waa in aad raacdaa tilmaamaha hoos ku qoran.

1) Waa in aad gacmaha ku dhaqdaa saabuun.

2) Waa in aad isticmaashaa af-xir (mouth mask)

3) Waa in aad joogtaa gurigaaga xiliyada aadan shaqeeyneyn.

4) Waa in aad ilaalisaa kala fogaashaha xitaa guriga iyo qoyska Dhexdiisa

5) Hadii aad isku aragto astaamaha/calaamaha soo socda.        

✓ Dhuunta oo ku qalasha.

✓ Qufac qalalan.

✓ Qandho/Xumad aad u sareeysa.

✓ Dareenka Uriska oo aad weydo.

✓ Neefsashada oo kugu adkaata.

Fadlan sida ugu macquulsan kula xiriir goobta ku haboon la tacaalida cudurka Covid 19 ee kuugu dhaw.

Aan dadaalno Eebena talo saarano Inshaa Allaha.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga dulqaado xanuunkaan faafaha daran.


W/Q Mohamed Adam Ishak.








Monday, January 11, 2021

Jaziirado halis ugu jira in ay baaba'aan


Jaziirada Kiribati waxaa ay ka mid tahay Jaziiradaha qarka u saaran in ay ka tirtirmaan qariirada aduunka, sare u kaca biyaha Bada ku hareereesan 
darteed.
Waxaa ay tusaale cad u tahay Kiribati heerka ay mareeso qatarta ka imaaneeysa isbadalka cimilada aduunka (Climate Change).

Jaziiradaas oo ku dhex taal Bada Pacifica inta u dhexeeysa Australia iyo Hawaii ayaa dowladeeda waxaa ay dhul ka gadatay Jaziirada dariskeeda ah ee Fiji si ay dadkeeda halkaas ugu daad gureeyso.

Hadaba maxaa sababa isbadalka cimilada? (Climate Change)

Isbadalka cimilada waxaa sababa Gaasas badan laakiin waxaa ugu caansan kuwa loo yaqaan Green House gasses oo kala ah.

1. Water vapor
2. Carbon Dioxide
3. Methane
4. Nitrous Oxide
5. Chlorofluorocarbons

Gaasaskaas waxaa ay u ogolaadaan  ileyska qoraxda in uu soo dhex maro atmosphere ka nagu hareereesan, kadibna waxaa ay ka hor istaagaan kuleelka qoraxda in uu dib u laabto.

Taasoo keenta in kuleeelkii xayirmay uu sababo dhibaatooyinka aan hada aragno oo ay ka mid yihiin.

1. Abaaraha
2. Daadadka
3.Dabka ka kaca Keymaha
4. Sare u kaca Badaha iwm

Waxaana rajeeynaynaa in ay dowladaha waaweyn ee caalamka hore u sii wadaan kana wada shaqeeyaan hergelinta heshiiskii Paris.

W/Q Mohamed Adam Ishak.

Monday, December 28, 2020

Haraaga iyo burburka Dooman iyo Qalab kale.

Waxaa dhibaato balaaran ku haya dadka ku nool tuulada Ceel-Macaan ee G/Sh Dhexe, qalfoofta Doomihii iyo Qalabkii kale ee looga shaqeeyn jiray dadkadii macmalka aheyd ee halkaas ku taali jirtay.

Sida aan hada ka hor uga hadalnay dhibaatadaas ay shacabka u geestaan birahaas daxaleeystay oo naf iyo maalba leh.

Wali ma jirto cid isku xilqaantay wax ka qabashadooda, waxaana halkooda ka sii socda dhaawicidii iyo burburkii ay sababaayeen.

Sida uu noo sheegay Bashiir Xasan Cali (Bootaan) oo ka mid ah dad weynaha ku nool halkaas.

Waxaa jira dad u naafoobay dhaawc ka soo gaaray birahaas daxaleestay.

Hadaba Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha Soomaaliya (Ocean Care Movement Center), waxaa ay ugu baaqeeysaa cid walboo gacan ka geesan karta xalinta dhibaatadaas oo ay ugu horeeyaan maamulka Hir-Shabeele iyo dowlada dhexeba in ay arintaas si deg deg ah wax uga qabtaan.

Waxaan rajeyneynaa in si dhaqsa ah loo xalin doono arintaas inshaa allaah.

W/Q: Mohamed Adam Ishak.

Wednesday, November 11, 2020

Maxaa sababay hoos u dhaca xooga leh?

Hoos u dhac xoog leh ayaa ku yimid wax soo saarkii Kaluumeysatada xiligan deerta oo ahaa xili caan ku ah Kaluumeeysiga qaas ahaan kuwa loogu jecel yahay Malaayga/Kaluunka sida Jeedarka/Tabadinka (Tuna).

Kaluumeeysata, Ganacsada iyo dhamaan dadka la socda wax soosaarka kheyraadka bada ayaa wali garan la waxa sababy hoos u dhacan xooga leh.

Iyadoo aan og nahay saameeynta Isbadalka cimilada aduunka (Climate Change), ayaa hadana waxaa jira in baddeena si sharci daro ah looga kaluumeeysto taasoo iyadana leh saameen kaloo xoog leh.

Si kastaba ha ahaatee waxaa looga fadhiyaa wasaarada kaluumeeysiga iyo kheyraadka bada in ay cilmi baaris (research) ku sameeyso xaqiiqda dhabta ah ee hoos u dhacan keentay.

W/Q Mohamed Adam Ishak 

Monday, October 19, 2020

Diyaar garoowga Kaluumeysatada ee Xiliga Deerta.

































 
Xiliga Deeyrta waa xiliga ugu wanaagsan ee ay Kaluumeysatadu si fiican uga faaideystaan xirfadooda xaga kaluumeeysiga dhowr sababood dartood.

Mida koobaad waa xili ay bada aad u degan tahay taasoo sahleysa in ay ku dhiiradaan Kaluumeeysatada isticmaasha Huuriyada ama lashashka yar yar sarena u qaadeeysa wax soosaarka kheyraadka bada dhaqaale iyo nololna u abuureeysa dhamaan Kaluumeeysatada noocyadooda kale duwan.

Mida Labaad waa xiliga uu biloowda Guur guurida Kaluunada aadka loo jecel yahay sida Jeedarka/Tabadinka (Tuna) Yuumbiga/Taraaqada (Kingfish) iyo Daamberiga/Afka-Toob (Blue Marlin).

Sidaa darteed waa xili aad caan uga ah Kaluumeysatada dhexdooda meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan iyo heer kasta ay awoodooda qalabka kaluumeeysiga la egtahay.

Waxaan idiin rajeyneynaa xili Nabad iyo Barwaaqa ah inshaa allaah. 

W/Q Mohamed Adam Ishak