Ururka Dhaq-dhaqaaqa Daryeelka Xeebaha. Wuxuu u taagan yahay wacyi galinta iyo baraarujinta bulshada ee xaaladaha xaasaasiga ah ee soo wajaha deegaanka bad iyo beriba qaasatan badda kuwaasoo qatar ku keeni kara Naf iyo Maalba.
Wednesday, November 11, 2020
Maxaa sababay hoos u dhaca xooga leh?
Monday, October 26, 2020
Monday, October 19, 2020
Diyaar garoowga Kaluumeysatada ee Xiliga Deerta.
Sunday, September 27, 2020
Maxaa iska badalay wacyigii ka jiray bada Soomaaliya?
Bada Soomaaliya mudo dheer waxaa ay ku asteeysan tahay, Goob aad looga cabsado, taasoo loo aaneenaayo laba arin.
1) Burcad Badeed ka qowleeysata Bada ku xeeran Soomaaliya
2) Dowlad Xoog leh oo aan ka jirin Wadanka Soomaaliya taasoo hanan karta Amniga Bada iyo kan Berigaba
Hadaan xoogaa falan qeyno qodobka koowaad.
Heer intee leg ayeey gaarsiisan tahya awooda burcad badeeda ka jirta Bada Soomaaliya maxaana sababay markii hore in ay abuurmaan burcad badeeda?
Burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa meesha ka baxay awoodii ciidan ee ilaalin jirtay dhamaan xuduudaha dalka bad iyo beriba taasoo ka dhigtay Bada Soomaaliya meel loo soo wada shaqo tago si sharci daro ah na loo gurto kheyraadkeeda.
Kaliya in la gurto kheyraadka laguma ekeen ee waxaa laga dhigay goob lagu soo fogeeyo qashanka haba uu darnaato haraaga warshadaha keemikooyinka ( A place to dump chemical waste)
Labadaas oo isku tagay waxaa ay saameen dhaqaale iyo mid caafimaadba ku yeesheen bulashada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ku nool nawaaxiga xeebaha noolashooduna ay si toos ah ugu xiran tahay bada.
Waxaa dhacay Kaluun/Malaay yari baahsan ka dib markii maraakiib waa weeyn ay bad weynta iyo xeebahaba si isku mid ah ugu isticmaaleen shabaagyo nabaad guur weyn geesanaaya kuwaasoo laga mabnuucay aduunka laakiin cid la xisaabtameeysa oo aan halkan ka jirin waxaa isticmaaleen wax kaste oo ay u isticmaali kareen.
Howshaas noocaas ah waxaa ay sii socotaba waxaa biloowday in la baabi iyo shabaagtii iyo doomahii yar yaraa ee ay ku kaluumeeysan jireen shacabka Soomaaliyeed ee noloshooda ka soo xasilan jiray waxa ay ka soo helaan bada.
Waxaa dhawro meel oo kale nooc ah ka dhacay in maraakiib shisheeye ay biyo kulul ku rusheeyaan kaluumeeysato Soomaali ah oo wata dooman iyo huuriyaal yar yar, taasoo ugu dambeeyntii gaartay in xabad loo soo adeeg sado kaluumeeysatada Soomaaliyeed.
Ugu dambeeyntii bada waxaa ay noqotay meel laga cabsado oo ay san jirin cid ku dhiiran karta in ay u shaqo tagto, taasoo sii adkeeysay nolosha qoysaskii kaluumeeysatada ahaa ee ku tiirsanaa dhaqaalaha laga helo Malaayga/Kaluunka bada laga soo Dabo/Jilaabo.
Halkaas ha inoo joogto Qeybtii koobaad....
W/Q Mohamed Adam Ishak
Monday, August 17, 2020
Xal cusub oo loo helay dhibaatada Bacaha iyo Plastic da
Qabiir u dhashay wadan Netherland ayaa helay xal bada looga nadiifin karo Bacaha iyo Plastiga saameeynta weyn ku yeeshay noolaha iyo deegaanka badaba
Thursday, July 23, 2020
Dhibaatada bacaha ay deegaanka ku hayaan, iyo Kaalintaada
Isticmaalka bacaha waa wax nolol maalmeedka bini aadamka caalamka ku nool ka mid ah ku waas oo aan qeyb ka nahay lana wadaagno dhibka ay bacaha u geestaan deegaanka bad iyo beriba.
Wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa hir galiyay nadaam ay kaga gudbaan kuna badashaan isticmaalka bacaha si loo yareeyo saameeynta weyn ay deegaanka u geesato, wadamadaas waxaa ka mid ah Kenya oo aan deris nahay waxaa laga hir galiyay kiishash ka sameeysan dun oo cabir kaste leh si looga maarmo isticmaalka bacaha dhibkodana loo yareeyo,
Hadaba maxaa nala gudboon si aan u yareeno dhibaatada baaxada leh ay bacaha sababaan deegaankeenana u bad baadin karnaa si aynu ugu noolaano deegaan qurux badan caafimaadna qaba.
Markaan yaraa ee aan dugsiga hoose dhiganaayay waxaan maalin kasta macalinka ka maqli jiray ooraahda ah (Jir Fiyoow ayaa leh Maskax Fiyoow) si uu noogu dhiiri galiyo jimicsiga iyo ciyaaraha ilaa hada ma iloobin hadalkaas waana sax, Hada deegaan fiyoow ayaa leh Nolol Fiyoow waana dhab arintaas hadii aad ku nooshahay deegaan nadiif ah caafimaadkaada iyo kan ubadkaadaba waa uu sugan yahay qadarta eebe waa halkeeda.
Waxaan jeclaan lahaa in aan ku dhiiri galiyo Umada Soomaaliyeed in ay u istaagaan horumarinta deegaankooda bad iyo beriba si aan Ubadkeena ugu helno Deegaan wanaagsan
W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




