Our Visitors

Flag Counter

Sunday, September 27, 2020

Maxaa iska badalay wacyigii ka jiray bada Soomaaliya?

 

Bada Soomaaliya mudo dheer waxaa ay ku asteeysan tahay, Goob aad looga cabsado, taasoo loo aaneenaayo laba arin.

1) Burcad Badeed ka qowleeysata Bada ku xeeran Soomaaliya

2) Dowlad Xoog leh oo aan ka jirin Wadanka Soomaaliya taasoo hanan karta Amniga Bada iyo kan Berigaba

Hadaan xoogaa falan qeyno qodobka koowaad.


Heer intee leg ayeey gaarsiisan tahya awooda burcad badeeda ka jirta Bada Soomaaliya maxaana sababay markii hore in ay abuurmaan burcad badeeda?

Burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa meesha ka baxay awoodii ciidan ee ilaalin jirtay dhamaan xuduudaha dalka bad iyo beriba taasoo ka dhigtay Bada Soomaaliya meel loo soo wada shaqo tago si sharci daro ah na loo gurto kheyraadkeeda.

Kaliya in la gurto kheyraadka laguma ekeen ee waxaa laga dhigay goob lagu soo fogeeyo qashanka haba uu darnaato haraaga warshadaha keemikooyinka ( A place to dump chemical waste) 

Labadaas oo isku tagay waxaa ay saameen dhaqaale iyo mid caafimaadba ku yeesheen bulashada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa ku nool nawaaxiga xeebaha noolashooduna ay si toos ah ugu xiran tahay bada.

Waxaa dhacay Kaluun/Malaay yari baahsan ka dib markii maraakiib waa weeyn ay bad weynta iyo xeebahaba si isku mid ah ugu isticmaaleen shabaagyo nabaad guur weyn geesanaaya kuwaasoo laga mabnuucay aduunka laakiin cid la xisaabtameeysa oo aan halkan ka jirin waxaa isticmaaleen wax kaste oo ay u isticmaali kareen.

Howshaas noocaas ah waxaa ay sii socotaba waxaa biloowday in la baabi iyo shabaagtii iyo doomahii yar yaraa ee ay ku kaluumeeysan jireen shacabka Soomaaliyeed ee noloshooda ka soo xasilan jiray waxa ay ka soo helaan bada.

Waxaa dhawro meel oo kale nooc ah ka dhacay in maraakiib shisheeye ay biyo kulul ku rusheeyaan kaluumeeysato Soomaali ah oo wata dooman iyo huuriyaal yar yar, taasoo ugu dambeeyntii gaartay in xabad loo soo adeeg sado kaluumeeysatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii bada waxaa ay noqotay meel laga cabsado oo ay san jirin cid ku dhiiran karta in ay u shaqo tagto, taasoo sii adkeeysay nolosha qoysaskii kaluumeeysatada ahaa ee ku tiirsanaa dhaqaalaha laga helo Malaayga/Kaluunka bada laga soo Dabo/Jilaabo.

Halkaas ha inoo joogto Qeybtii koobaad....

W/Q Mohamed Adam Ishak



No comments:

Post a Comment