Our Visitors

Flag Counter

Monday, August 6, 2018

Qiihama Kaluunka lagu kala iibsado kama hadli karno maanta, Waxaa hada na soo gaaray war deg deg ah


 Waxaa goor dhaw lagu xabadeeyay nawaaxiga siinaay gaari uu la socday mid ka mid ah Maamulka Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa Daryeelka Xeeba Soomaaliya (Ocean Care Movement Center Soomaaliya) Maxamed Aadan Isxaaq.

Falkaas waxashnimada ah waxaa ka dhashay dhibaato isugu jirta dhaawac iyo dhimasho, qaar ka tirsan Xarunta Dhaq-Dhaqaaqa daryeelka xeebaha oo ku booqday isbitaalka ayaa inoo soo sheegay in uu soo gaaray dhaawac jajab ah oo ka dhashay gaariga oo rogmaday markii la xabadiiyay ka dib.

Gaariga waxaa kaloo ku wehliyay gaariga qof  ka mid ah shaqaalaha shirkada xawaalada Kaah Express iyo wadihii gaariga. kuwaas oo halkaas ku geeriyooday.

Ilaa hada lama yaqaan cida sida tooska ah uga dambeeysa dhacdadaan foosha xun laakiin waxaa jiray digniino uu helaayay Maxamed dhawaanahaan kuwaas oo ka imanaayay dad raba in ay curyaamiyaan wax qabadka dad wanaagsan ay u hayaan dalkooda.

Wixii ku soo kordha xaalada Maxamed iyo cida sida dhabta ah uga dambeeysa arintaan waan idinla soo socod siin doonaa haduu eebe ka raali noqdo,

W/Q  Abdi Rageh Gomad

Thursday, July 5, 2018

Matahay waqtigii ku haboonaa?



Saakay anigoo fadhiya goobteyda shaqo ayaan maqlay asxaab ka doodeeysa heshiis lala galay Shirkado kaluumeeysi oo laga leeyahay wadamada Turkiga iyo Shiinaha.

Intaas ka dib waxaan bilaabay in aan nafteyda weydiiyo su'aashan.

Matahay waqtigii ku haboonaa in heshiis lala galo shirkado kaluumeysi iyadoo aysan jirin awoodii hubin laheyd lana socon la heyd wax soo saarkooda?

Waxaan go'aan saday in aan doodii ku biiro anigoo raba in aan ogaado fikirka iyo aragtida dad weynaha waxaan su aal weydiiyay mid ka mid ah asxaabtii ay doodu u dhaxeeysay,

Waxaan weydiiyay maxaa kugu dhaliyay dareenka ah in lagu deg degay heshiisyadaas?

Si fudud ayuu ii yiri ma ahan waqtigii ku haboonaa in la galo heshiisyo noocaasoo kala ah.

Waxaan weydiiyay muxuu kaga duwan yahay kuwii horey loola galay shirkado badan oo ay ka mid yihiin kuwa maamula Dekedaha iyo Airport da Wadanka?

Wuxuu iisheegay in ay kula duwan yahay nooc yada ay kala yihin, tusaale Shirkadaha Maamula Dekeda iyo Airport howshoodu waa howl service ah oo saameyntoodu xadidan tahay, laakin kuwan waa wax soo saar saameeyn weyn ku yeelan kara deegaanka bad iyo beriba, tusaale waxaa ay sababi kartaa xaaluf ku yimaada bada kaa soo shaqo la'aan ka sababa beriga, mida kale ma jirto cid si toos ah u koontarooli karta wax soo saarkooda noocyada kaluunka ay u gaarsanaayaan booska iyo goobaha ay ka kaluumeeysanaayaan, iyo howlo kaloo badan.

Waa ay wanaagsan tahay in heshiisyo lala galo shirkado ajaanib ah waxaa ay na qeyb ka tahay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha wadan kasta laakiin waa marka aad lee dahay awood muuqata oo aad ku hubin karto howlaha iyo wax qabadka shirkadahaaas.

Hadaba aqriste makula tahay in lagu deg degay heshiisyadaas lala galay shirkadaha kaluumeeysiga ah?

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




Thursday, June 14, 2018

Halkee/Intee kuu qorsheysan in aad maalinta ciida ah ku ciido inshaa allaah.





























Asxaab aan aniga ka mid ahay meesha ugu horeysa ee maskaxdooda ku soo dhaceysaa in ay ku ciidaan maalinta ciida ah waa xeebta, halkaas oo aad ugu wanaagsan in lagu qaato maalintaas iyo maalmaha kale ee muhiimka u ah noloshaada.

Maadaama ay ciidu tahay maalin aad ugu qiimo badan nolosha dadka Muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku kala nool, waxaa ay istaahishaa in lagu xuso meel aad iyo aad u qiimo badan kana madax banaan buuqa sawaxanka iyo hawada laran ee magaalooyinka.

Maxaa ku haboon in aad horey u sii diyaarsato maalintaas si uu u dhameystirmo dalxiiska iyo damaashaadka wanaagsan ee aad ku qaadaneysto xeebta.

Dharka iyo agabka kalee la xirto


  1. Dumarka iyaga diracooda iyo qamaarkooda waa iska diyaar 
  2. Raga Koofi nooca                         (Tennis Hat)
  3. Okiyaale                                       (Sunglasses)
  4. Lugo gaab dhexe                          (Middle Shorts)
  5. Shaati Baati ah, fanaanad ama garan Suuf ah 100%
  6. Shukumaan
Kareemka jirka madaxa iyo dibnaha/bishimaha afka la marsado.

  1. (Antioxidants) Kareemkan waxaa uu maqaarka ka ilaaliyaa dhaawacayada ay qoraxda sababto
  2. (Moisturizer) Kareemkan waxaa uu ka hortagaa in uu maqaarka qalalo taasoo sahleysa in ay qoraxda si fudud u wax yeeleeyso
  3. (Hair Protectant) Kareemkan waxaa uu caawiyaa maqaarka madaxa ee tinta ka hooseeya
  4. (Lip Protectant) Kareenkan waxaa uu dil-dilaaca ka ilaaliyaa dibnaha/bishimaha afka
Cuntooyinka ku haboon xeebta waxaa ugu horeeya qudaarta

  1. Liinta noocyadeeda kal duwan
  2. Cambe
  3. Qare
  4. Zeytuun
  5. Ismaris
  6. Digaag/Dooro
Ciid Wanaagsan waxaan ku rajo weynahay in aad si wanaagsan uga faa'ideysan doontaan Xeebteena dheer ee Allaah noogu deeqay.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq




Wednesday, May 30, 2018

Daawo Sawirada: Isticmaalka Kaluunka oo sara u kacay Bisha Ramadaan.






















Inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan wax yaabaha isticmaalkooda uu aadka u bato waxaa ka mid ah Kaluunka/Malaayga.




Si kastaba ha ahaatee nooc ka mid ah kaluunka/malaayga waliba midka aadka loogu jecel yahay ee Jeedarka/Tabadin ama (Tuna) sida aad sawirada ka arki kartaan ayaa soonkan aad u soo baxay waliba isagoo aad u waaweyn kana raqiisan qiimihii uu caadiyan suuqyada ka joogi jiray.






















Waxa badanaa loo isticmaalaa kaluunka/malaayga oo lagu daraa Sambuuska kaasoo si aan caadi aheyn loo sameysto inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Dadka qaarna waxaa ay ka helaan in kaluunka uu san ka marnaan afurka ama cashada inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.




















Waxaan eebe ka baryeenaa in uu naga dhigo kuwii ka faa'ideysta Soonka, si samo ah noogu dhameeyo inta ka hartay, kuwa kalana nagu gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo inshaa allaah.

W/Q: Maxamed Adan Isxaaq


Tuesday, May 8, 2018

Daawo Sawirada Quruxda Warsheekh.........






















Waxaan jecleystay in aad maanta ila wadaagtaan quruxda rabaaniga ah ee Degmada Warsheekh Sh/Dhexe Somalia.














































































Xigasho: https://www.facebook.com/maamulka1

W/D: Maxamed Aadan Isxaaq

Sunday, April 22, 2018

Maxaa sababy kaluun yarida jirta isbuucaan.....





















Isbadal weyn oo deg deg ah ayaa ku yimid sicirka iyo qiimaha lagu kala gato kaluunka ee suuqyada magaalada Muqdisho.

Isbadalkan dhanka qiimaha ah ayaa yimid ka dib isbuucyo kaluunku uu aad u jabnaa qiima ahaan,

Waxaa sababay sara u kaca qiimaha lagu kala iibsado kaluunka ayaa loo aaneeynayaa isbadal xaga cimilada ah oo ka jira dhinaca bada, kaa soo sababay in uu yaraado wax soo saarkii kaluunka.

Waxaan wax ka weydiyay Salaad Jimcaale oo ka mid ah ganacsatada sida weyn uga ganacsada kaluunka ee magaalada Muqdisho, Salaad waxaa uu ii sheegay in badii ay u isu badashay sida Xagaagii oo kale oo ay xoog yeelatay taasna ay sababtay in ay ka cabsadaan doomaha qaar galida bada.

Waxaan rajeynaynaa in sicirka kaluunka uu ku soo noqon doono sidii uu ahaa isbuucyadii la soo dhaafay inshaa allaah.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq

Thursday, April 19, 2018

Tijaabadii iigu horeysay ee Xarshaasho/Qabaanqab (Mud Crab)




Waxaa ay aheyd maalin Jimco ah cimiladuna ay aad u wanaagsan tahay, sida caadada inoo ah Jimcaha aniga iyo caruurteyda waxaan aad naa Kaluumeeysi iyo dabaal, waayo waa maalinta kaliya aan fursad u wada heysano in aan kulana sameynana waxa aan ku wada qanacsanahay.

Maxaa yeelay lixda maalmood ee kale waxaan mashquul ku nahay waxbarasho iyo shaqo.

Jaceylka bada iyo kaluumeeysiga waxaa uu mudo dheer noo ahaa dareen aan si guud u wadaagno qoys ahaan waloow ay waayadaan dambe naga weecdeen group aad ula dhacsan kubada cagta ciyaarteeda iyo daawashadeedaba, kuwaasoo aad u doorbida in Jimcaha meel aan kubad aheyn aysan kaga bixin.

Si kastaba Maalintan waxaan ku guuleeysanay in aan bada wada aadno iyadoo uusan jirin qilaaf iyo caga jiid toona.

Dabaal iyo damaashaad ka dib waxaan bilownay in aan indho indheeyno xeebta oo aan socod lugo baxsi ah ku mar marno xeebta inagoo ku raaxeeysaneyna neecaawda macaan ee bada taasoo nagu caawisay in aanaan dareemin cadceeda kul dhexaadka ah ee maalintaas jirtay.

In cabaar ah markaan wada soconay qof walba waxaa uu galay mashquul isaga u qaas ah nasiib wanaag aniga waxaa i wehliyay Luqmaan yare oo aan sheekada iyo indho indheyntaba si gaar ah u wadaageynay.

Waxaan gacanta ku sitay ul aan marna ku taagsanaayay marna u isticmaalaayay in aan ku sahmiyo meelaha aan gacanta la gaari karin in aan u foorarsado ama aan u fadhiistana aanan rabin.

Si kadis ah ayaan hortayda uga dareemay muuqaal cagaaran oo biyaha ku sii libdhaaya iyo shanqar sababtay in aan dareen dhaw siiyo waxa uu ahaa waxa biyaha isku tuuray marka uu na arkay kadib.

Nasiib wanaag waxaa ay noqotay nooc ka mid ah noocyada aduunka loogu jecel yahay ee Xarshaashada ama Qabaanqabta taaasoo afka qalaad lagu dhaho (Mud Crab).

Isla markii waxaan dareemay dareen yadiidilo leh foojignaan ay xamaasad iyo xiiso balaaran ku dheehan tahay.

Aniga iyo Luqmaan yare waxaan biloownay in aan meesheey nala gaarto kaga soo harno qabshada Xarshaashada/Qabaanqabta anigoo sameynay wax kasta oo aan ku qaban karno.

Nasiib wanaag dadaal iyo daal ka dib gacanta ayaan ku soo dhignay waxaa ayna noqotay Xarshaashadii/Qabaanqabtii ugu horeeysay ee aan shaqsiyan tijaabiyo.

Wali waan xusuustaa dareenka caruurteyda iyo waalidkey sida uu ahaa markaan dhahay waxaan rabaa in aan tijaabiyo Xaraashadaan/Qabaanqabtaan laakiin ugu dambeyntii waa ay iga yeeleen in aan tijaabadeyda sii wato.

Waxaan aad ula yaabay sida ay san waxba uga duwaneyn dhanka dhadhanka iyo muuqaalkaba Aaragoosatada waxaanba is leeyahay qaarkood iyadaa ka sii wanaagsaneyd.

W/Q Maxamed Aadan Isxaaq